Barnaamijka

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARINTA SOMALILAND
KULMIYE

BARNAAMIJ SIYAASADEEDKA XISBIGA KULMIYE 2008

FARRIINTA GUDDOOMIYAHA:

Labaatan iyo dheeraadkii sannadood ee tegey, waxaan si uun ugu soo dhex-jirey siyaasadaha Somaliland. Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee Ururkii Dhaq-dhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed (SNM) ahaan, iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahaan, waxaan is-idhaahdaa nasiib baad leedahay ama waad ducaysan tahay. Sannadadaas, waxa nala soo gudboonaaday wey badnaayeen. Mararka qaar niyad jab wuu igu dhacayey marnaba se maan rajo-beelin. Waxa igu caawinayey inaan sii wado hawsha wuxuu ahaa keni-adayggii aad ugu hiilineyseen caddaaladda iyo go’aansigiinii inaad u halgantaan mustqbal fiican. Haddii aynu bilawnay waddada dheer ee dib-dhiska dalka iyo nidaaminta bulshada, waxaan ku kalsoonahay inaynu adeegsan doono dib-u-soo-kabashada aad muujiseen, si wada-jir ahna aynnu uga midho-dhalin doono isku-deyada inoo suurto-gelinaya inaynu gaadhno yoolalkeena fog.

Halgankii dalka lagaga xoreeyey Kelidii-Taliyahii naxariista darraa ee ina Siyaad Barre, wuxuu ahaa mid inagu jooga qiime aan la ilaabi Karin oo naf iyo maalba leh. Iyadoo burburka la taaban karo iyo qoomaha xiska inaga gaadhey ay xusuus-reeb inoo ahaan doonaan, haddana nefis baynu ka hellay guushii aynu ka guuleysaney Taliskii bahalka ahaa, taasaana ina siinaysa inaynnu laban-laabno niyad-adaygga aynu ku dhisaynno nolosheena iyo dalkeena quruxda badan. Idinkoo dareenkiina ka tarjumaya , isla markii ay burburtay dawladdii dhexe ee Somaliyaba, dagaallada sokeeyena bilaabmeen, ayaa inaa karti u leedihiin inaad tashataan mar kale ku caddayseen ku-dhawaaqiddii dib-ula soo-noqoshada madax-bannaanidii Somaliland ee Burco 18kii May, 1991, ee aad ku dhisateen dawladdii ugu horraysey ee Somaliland ee uu madaxweynaha ka ahaa, Cabdiraxmaan Axmed Cali.

Si aydin u sugtaan midnimada ayaa dhidibbada ugu taagteen dawladnimadiina Shirbeeleedyadii kala dambeeyey ee Borama iyo Hargeysa iyo ansixintii dastuurka ee xigtey (oo dhalisay ku tallaabsi dimuqraadiyad dhab ah) ee lagu xaqiijiyey aftidii taariikhiiga ahayd ee dastuurka ee oggolaanshaha 97% keligiin ugu buriseen israacii 1960kii.

Waxa idiinku dhiirrri-gelinayey ridistii, qiime kasta ha ku kacdee, kelidii-taliyaha wuxuu ahaa doonistiinii iyo ku-talagalkiinii ahaa inaad soo celisaan dimuqraadiyadda, xorriyadda hadalka, iyo hab-raaca sharciga (due process of law), oo dhammaantood lagama-maarmaan u ah horumarinta nidaam xukumeed oo xaqdhawra xuquuqda aasaasiga ah. Qiime-soorradaasi (qiyamkaasi) waa qaar ku xididdaystay dhaxal-reebkeena Islaamnimo, dhaqankeena, laguna xardhay dastuurkeena. Markaa, kuwa ku gefa mabaadi’da dastuurka, waa dar ku gefey xuquuqdiina oo lumiyey kalsoonidiina. Siyaad Barre xukunka loogama ridin reerkiisa dartii, waxase xukunka looga ridey ku-gefidda uu ku gefey kalsoonidiina darteed. Taliskii Siyaad Barre wuxuu ahaa mid naxariis daran oo dhiigyo-cab ah. Si kastaba ha ahaatee, aakhirkii waad ka gacan-sarrayseen, waayo waad iska diiddeen inaad isu dhiibtaan sharaf-darro iyo xukun caddaalad daran.

Maanta, kalsoonidiinii mar kale ayaa lagu gefey, waxase hubaal ah inaad gacan-sarrayn doontaan mar kale. Indinkoo midhaheeda leh, ayaad xaslateen nabadda, si fiicanna gacan bir ah ugu ilaashateen, laakiin xukuumaddani waxay ku guul-darraysatay inay xushmayso ku-dhaqanka sharciga.

Guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM ahaan, waxaan si toos ah ama dadbanba dul-ka-ilaalin ku soo lahaa istrateejiyado, siyaasado iyo hawl-gallo milateri, kuwaasoo keenay dib-u-dhalashada Somaliland. Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ahaanna, waxaan ku oggolaaday doorashadii Madaxtooyada kala-horrayn aan sugnayn oo 82 cod ah lexejeclo dalka iyo dadka aan u qabo darteed. Kamay dhicin weli taariikhda Afrikada Saxaaraha ka hoosaysa in doorasho sidaa la isugu dhawyahay ay ku dhammaatoo nabadgelyo iyadoon lagu kala-bixin lana adeegsan gacan-ka-hadal, waxayse beesha caalamku qorteen kuna ammaaneen Xisbiga Kulmiye siiba bislaanshahiisa siyaasadeed.

Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay nabad, midnimo iyo horumar dhinac walba leh, Guddoomiye ahaanna, waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa siyaasadahiisa, barnaamijyadiisa iyo qorshayaashiisa uu dalka ku hoggaamin doono. Taageeradiina darteed, waxaanu ku kalsoon nahay inaynnu gacan-sarrayn doonno.

Bayaankani wuxuu u taagan yahay kii koowaad ee tafatiran ee Xisbiga Kulmiye, waxaannuna rumaysannahay inuu si ballaadhan u daboolayo himilooyinka muhiimka ah ee dadka Somaliland. Bayaankani ma aha mid aan wax laga beddeli karin, waayo waxaan hubaa in fikrado iyo aragtiyo cusubi ku soo bixi doonaan wada-tashigeenna iyo wadajir u-tiigsiga yoolalkeenna.

Anigoo ka wakiil ah Xisbiga Kulmiye, waxaan idiin xaqiijinayaa inaannu mar kasta danta guud idiinku ahaan doonno adeegayaal aan is-weyneyn lahayn, oo aanay marnaba naga lumeynin miqyaaska damiirkayagu oo aanaan ku doodi doonin inaanu nahay saadadiina. Ii oggolaada inaan daqiiqaddan u adeegsado is-xusuusinta geesiyaasheenii shahiiday, Allah ha u naxariistee, oo aan idhaahdo tacabkiinnii baannu maalaynnaa idinka dartiin.

Waxaan rajaynayaa in aad tamaraysateen, yididiilana yeelateen, waad mahadsan tihiin.

AXMED MAXAMED SIILAANYO.

GUDDOOMIYAHA XISBIGA KULMIYE


  1. HORDHAC:
    Bisha, Abriil 2008da oo ah waqtiga loo qabtay inay dhacdo doorashada madaxtooyadu lana filayo in xukuumad cusubi xilka la wareegto ayaad mooddaa inay dhaabado taariikheed shinkoodu buuxsmay. Waxana dhaabadahaas taariikheed ka mid ah:

    20 sano ayaa ka soo wareegaya kolkii urrurka SNM xididdda u siibay nidaamkii keli-talsika ahaa ee Siyaad Barre, 17 sano ayaa laga joogayaa dharaartii ay golaha odayaasha iyo wax garadka beelaha reer Somaliland ay Burco kaga dhawaaqeen ka noqoshada midnimadii lala galay Somaliya iyo gooni-isu-taagga Somaliland, iyo ugu danbayn, ahna tan ugu daran, 11 sano ayaa ka soo wareegaysa markii Riyaale xukunka yimid, isagoo Madaxweyne ku xigeen kadibna Madaxweyne ah. 11 sano kadib, xaaladda nololeed ee dalku waa ay ka sii daraysay, dhab ahaantiina waxa lagu sugan yahay xaalad ku suntan qalalaase.

    Hogaaminta madaxweyne Riyaale ama hoggaamin la’aantiisaba, dalk a waxa isu barkaday dhibaatooyin dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho.

    Dadweynuhu waxay u bukaan isbeddel xukuumadeed, kuwo badan oo dadkaas ka mid ahina waxay rajadooda ku xidhayaan doorashada madaxtooyada ee 2008 ee foolka inagu soo haysa.

    Waxa la joogaa xilligii gaashaanka loo daruuri lahaa maamulkan horumarka fadhiidka ka ah lana dooran lahaa maamul u qalma oo istaahila inuu dalka hoggaamiyo.

    Xisbiga Kulmiye mugdi kagama jiro baaxadda qalalaasaha uu maamulakani dalka u horseeday, taas ayaana ku qasbaysa in Kulmiye dedaalkiisa laban-laabo si uu dadka u baraarujiyo una dareensiiyo dhibaatooyinka soo fool leh, haseyeshee waxa uu wax walba ka fuudhyeelayaa soo bandhigidda iyo qeexidda barnaamij siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho oo tifaftiran, kaas oo ay hagayso aragti iyo ujeeddoyin looga gol- leeyahay in lagu higsado nabad waarta, barwaaqo, dimuqraadiyad iyo istraatijaddii xubin lagaga noqon lahaa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

  1. HIMILADA XISBIGA KULMIYE:

Barnaamijka Xisbiga Kulmiye wuxuu ka turjumayaa xaqiijinta himilooyinka hoos ku xusan?

  1. Xisbiga Kulmiye wuxuu u hawl-gelayaa xaqiijinta iyo taabbo-gelinta madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka mid-noqoshadeeda ururrada caalamiga ah iyadoo ah dawlad la aqoonsan yahay.
  2. Xisbiga Kulmiye wuxu higsanayaa inuu dalkan Somaliland ka dhiso bulsho casri ahoo ka xor ah faqriga, jahliga, dulmiga, keli-talisnimda iyo guud ahaan maamul xumada weji kasta oo ay leedahay;
  3. Xisbiga Kulmiye wuxu ku naalloonayaa yagleelidda bulsho dimuqraadi ah oo ay saldhig u yihiin mabaadi’da talo-wadaagga ee ka soo jeeda dhaqankeenna suubban,diinteenna Isla a mka ah iyo waayo-aragnimada ina anfacaysa ee aynnu ka soo dheegannay horumarka sayniska iyo teknoolajiyada bulshada caalamku ku tallaabsatay;
  4. Xisbiga Kulmiye wuxu ku hammiyayaa abuuridda bulsho nabdoon oo u hiilisa sinnaanta, is-xaqdhawrka iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha ummadda Somaliland gaar ahaan iyo dadyawga gobolka iyo adduun-weynaha guud ahaan;
  5. Xisbiga Kulmiye wuxuu tiigsanayaa xaqiijinta bulsho ka dhiidhida addoonsiga weji kasta oo uu leeyahay iyo nooc kasta oo gumaysi ah, kana dheeraata yasidda, kala-faquuqidda iyo is-qabyaaladaynta;
  1. MEEL-MARINTA XUKUN-WANAAGGA:

Si uu u xaqiijiyo himilooyinka kor ku xusan, Xisbiga Kulmiye wuxuu meel-marinayaa mabaadi’da xukun-wanaagga ee hoos ku qoran?

  1. adeegsiga gole xukuumadeed oo kooban, tayana leh iyadoo xeer jideyn doono jiritaanka wasaarad ama hay’ad kasta oo xukuumadeed, xeerkaasoo caddayn doona xilkeeda, qaab-dhismeedkeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay hay’adaha kale ee dawladda;
  2. hirgelinta hannaanka dimuqraadiga ah si waafaqsan diinta Islaamka iyo dhaqankeena suubban ee Soomaaliyeed iyadoo laga faa’iidaysanayo waayo araganimada waxtarka leh ee dadyawga addu u nka ee arrintaas ka midho dhaliyey;
  3. dhiirri-gelinta iyo ka midho-dhalinta nidaamka xisbiyada badan, u-tartanka xorta ah ee hoggaaminta dalka, adkaynta hay’adaha dimuqraadiga iyo ka-qaybgalka dadweynaha ee talada dalka;
  4. la-dagaallanka musuqmaasuqa, qaraaba kiilka iyo eexda;
  5. xoojinta is-ilaalinta iyo is-dheelli-tirka hay’adaha dawladda (check and balance);
  6. meel-marinta madaxbannaynta garsoorka iyo horumarintiisa;
  7. dhiirri-gelinta iyo kobcinta saxaafad xor ah;
  8. madaxbann a a n ynta iyo horumarinta warbaahinta dawladda, iyadoo la hoos geyn doono komishan madax-bannaan oo dejiya siyaasadda guud ee lagu dhaqayo warbaahinta kuna ilaaliya;
  9. abuuridda xafiiska madaxa bannaan ee xadgudub-eegaha (ombudsman) oo awood u leh qabashada cabashooyinka la xidhiidha ku-xadgudubka xuquuqda aasaasiga ah ee qofka, baadhistooda iyo tallaabo-ka-qaadistooda si waafaqsan xeerka;
  10. dhawridda xuquuqaha aasaasiga iyo xorriyadaha lagama maarmaanka ah ee habar dad;
  11. meel-marinta iyo horumarinta isla-xisaabtanka iyo xalliibnaanta (accountability and transparency);
  12. xaqdhawridda iyo horumarinta ku-dhaqanka xeerka (respecting and promoting the rule of law);
  13. Horumarinta, xaqdhawridda iyo u-hoggaansanaanta isticmaalka awoodaha cod-bixiyaha iyo cashuur-bixiyaha;
  14. abuuridda xafiiska Garyaqaanka Guud ee dawladda;
  15. dib-u-habaynta iyo horumarinta xafiiska Xeer-Ilaalinta Guud, boliiska iyo Ciidanka Asluubta iyo ka-ilaalintooda ku-takrifalka awoodda (power abuse);
  16. xoojinta iyo horumarinta nidaamka xukun daadejinta (encouragement and development of decentralization);
  17. u-kala xaqsooridda gobolada iyo degmooyinka Somaliland iyo isu dheelitirka qaybsiga khayraadka qaranka;
  18. dhiirri-gelinta iyo ka qayb gelinta beelaha laga tirade a badan yahay iyo haweenka talada dalka;
  19. dhiirri-gelinta wada jirka muwaadiniinta Somaliland iyo u xallinta khilaafaadka si nabddoon;
  20. dhiirri-gelinta deris-wanaagga iyo nabad-ku-wada-noolaanshaha dalalka dersika, kuwa mandaqadda iyo beesha caalamka.
  1. SIYAASADDA DEBEDDA:
  1. UJEEDOOYINKA SALDHIGGA AH EE SIYAASADDA DEBEDDA.Xisbiga Kulmiye wuxu aaminsan yahay in siyaasadda debeddu ay qayb ka tahay siyaasadda qaran ee dalka, sidaas darteedna tahay qayb muhiim ah oo tilmaamaysa danaha iyo ujeedooyinka istraatiijiga ah ee ummadda.Nuxurka siyaasadda debedda ee Somaliland waxay tahay inay caalami ahaan horumariso madaxbanaanida dawladda Somaliland, si loo kasbado ictiraaf waxna ula qabsato beelsha caalamka.

    Waxa xisbiga Kulmiye mudnaanta siinayaa siday Somaliland saaxiibo ugu yeelan lahayd Afrika iyo daafaha kale ee adduunka, sababtoo ah, waxan qiraynaa in masuuliyadda hore loogu riixayo madaxbanaanida dadkeenan u harraadan dimuqraadiyada iyo ka mid noqoshadooda beelsha caalamku ay si aad ah ugu xidhan tahay had a ba sida loo maamulo siyaasdda debedda.

    Waxa xisbiga Kulmiye ku dedaalayaa sidii Somaliland go’doonka looga saari lahaa ayna uga mid noqon lahayd beelsha caalmka. taasi waa ujeeddo muhim ah oo khusaysa siyaasdda debedda waana mid si toos ah uga tarjumaysa boholyawga dadkeenu u hayo dimuqraadiyadda, horumarka iyo aayo-ka-tashiga.

  2. MABAADII’DA HAGAYSA ARRIMAHA DEBEDDA:
    1. In siyaasdda Debeddu ahaato mid ka turjumaysa danaha Somaliland
    2. In barwaaqaynta dhaqaale ee Somaliland ku xidhan yahay iskaashi dhaqaale ee heer gobol iyo heer caalami iyo suuqa xorta ah
    3. Inay siyaasaddeena debedda ka muuqato siday inooga go’an tahay inaan dhisno Somaliland dimuqraadi ah
    4. Inaan isku hawllo in xuquuqaha xuquuqaha habar-dad aanay ku koobnaanin siyaasadda, ee ay gaadhaan dhinacayda dhaqaalaha, bulshada iyo deegaanka.
    5. maamulidda xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland waa inay ahaadaan kuwo xalliiban (transparent) waxayna dhacayaan iyadoo lagala tashanayo baarlamaanka
    6. danaha qaranka Somaliland ayaa mar walba hagaya siyaasaddeena Debedda.
    7. ammaanka iyo tayada nolosha dadka Somaliland, sharciga iyo kala danbaynta, nabadda iyo xasiloonida dhaqaale, iyo iskaashiga goboleed ayaa noqonaya mabaadii”da aasaasiga ah ee ay ku dhismayso siyaasadda arrimaha debedda ee Somaliland marka kulmiye qabto majaraha dalka
  3. DHIBAATOOYINKA UGU MUHIMSAN EE SIYAASADDA DEBEDDA EE HAYSTA SOMALILAND
    1. Arrinta ictiraafka caalamiga ah ee dawladaha xorta ah laga quud darraynayo.
    2. Xidhiidhka lala yeelanayo Somaliya, kaas oo inta badan ahaa mid ay ku ladhan yihiin turunturooyin, colaad iyo lama filaannaba.
    3. Walaac dhinaca ammaanka ah oo ka dhalshay iska-hor imaadyada riiqda dheeraaday ee ka socda Soomaaliya,
    4. Baadi-goobka xal-u-helidda dhibaatooyinka gudaha ee ka aloosan meelo ka mid ah gobolada Bariga ee Somalailand
  1. CADDAALADDA:

Xisbiga kulmiye wuxuu u arkaa in caddaladdu tahay aasaaska nabadda, barwaaqada, midnimada iyo horumarka ummadda. Sidaa darteed, wuxuu ku tallaabsan doonaa sidii caddaaladdu u noqon lahayd mid ummadda wada deeqda.

(b) GARSOORKA:

Xisbiga Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in garsoorku yahay halkii sixi lahayd caddaalad darro kasta oo dhacda ama cidi tirsato. Si garsoorku u gudan karo mas’uliyaddaa ahmiyadda weyn leh, waa inuu yahay loona arko inuu yahay mid dhex u ah dhinacyada uu u garnaqayo isla markaana haysta imkaaniyaadka kale ee lagama maarmaanka u ah.

Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in garsoorku noqon karo mid dhex u ah dhinacyada uu u gar-naqayo keliya marka uu ka madax-bannaan yahay dhinacyadaa. Sidaa darteed, Xisbigu wuxuu xaqiijin doonaa in garsoorku helo madax-bannaaani dhammays-tiran hay’ad ahaan (institutional independence) iyo garsooreyaal ahaan (individual or decisional independence). Si taas loo suurto-geliyo, Xisbiga Kulmiye wuxuu:

(b) soo-jeedin doonaa in dastuurka lagu sameeyo dib-u-eegis si loo helo wax-ka-beddel dastuur oo garsoorka siiya madax-bannaani dhammays-tiran; madax-bannaanidaas waxa lagu xaqiijin karaa:

i. in maxkamadaha hoose la hoos-geeyo maxkamadda sare si garsoorku u noqdo hay’ad gaar uga taagan waaxda fulinta;
ii. in garsoorku u badax-bannaanaado qorshaynta iyo maamulidda miisaaniyaddiisa lagana fogeeyo waaxda fulinta inay ku yeelato awood ay waxay doonto ugu qori karto ama ugu oggolaan karto;
iii. in Xeer-Ilaalinta Guud laga saaro hay’adda garsoorka;
iv. in dastuurku dammaanad qaado muddo-xileed ay yeeshaan garsoorayaasha maxkamadda sare;
v. in dastuurku dammaanad qaado in Garsoorayaasha la siiyo mushahar, gunno iyo dheef hawl-gabeed oo munaasib ah;
vi. in Golaha Wakiilladu noqdo hay’adda leh oggolaanshaha magacaabista iyo xil-ka-qaadista garsoorayaasha maxkamadda sare, oo helitaanka oggolaanshahaa la’aantii aan Madaxweynuhu qaadi karin tallaabo uu
xil ugu magacaabo ama kaga qaado garsoore maxkamadda sare;
vii. in Guddiga Caddaaladda laga dhigo Komishanka Caddaaladda, lagana feejignaado in waaxda fulintu ay ku yeelato xubin wax ka badan (Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda oo keliya tusaale ahaan) iyo in sidoo kale laga feejignaado in xisbiga u bata gole ka mid ah labada gole ee baarlamaanku uu yeelan karo xulista labada xubnood ee uu golahaasi u xulayo Guddiga Caddaaladda, iyadoo arrinta dambe lagu suuro-gelin karo u-qaybinta xubnaha uu soo xulayo gole kastaa laba qaybood oo qaybna soo gudbintooda la siiyo Xisbiga Madaxweynuhu ka soo jeedo qaybta kalena xisbiyada kale.

(t). u hawl-geli doonaa horumarinta garsoorka, iyadoo uu qaadi doono tallaabooyinka hoos ku qoran:

i. kor-u-qaadista aqoonta garsoorayaasha iyo kaaliyayaasha;
ii. ku-fidinta maxkamadaha degmada dhammaan degmooyinka dalka;
iii. kordhinta iyo ballaadhinta hoolalka lagu qaado dacwadaha;
iv. baabi inta Guddiyada Nabadgelyada ee jiritaankooda, xeerka ay adeegsadaan, habka ay dacwadda u qaadaan, xukunka ciqaabeed ay ridaan (iyadoo badi xubnahoodu ka soo jeedaan waaxda fulinta) iyo sida kama-dambaysta ah ee ay xukunka u ridaanba uu khilaafsan yahay dastuurka;
v. dib-u-eegidda xeerarka ciqaabta iyo madaniga, iyo xeerarka habka ciqaabta iyo habka madaniga ee dalka iyo dejinta xeerar waafaqsan shareecada Islaamka iyo dastuurka oo uu adeegsado garsoorku, lagalana soo dhex-baxo Shareecad Islaamka, xeer-dhaqameedka ummadda iyo xeerarkii laga dhaxlay gumeysiga ee aan ka hor imanaynnin, Shareecada Islaamka.

(t) XEER-ILAALINTA GUUD:

Xisbiga Kulmiye, isagoo u arka in Xeer-Ilaalinta Guud ahmiyad u leeyahay socodsiinta xeerarka iyo ilaalinta xuquuqaha, wuxuuu ku dadaali doonaa in xafiiskaasi yeesho madax-bannaani uu ku gudan karo xilkiisa oo aanay dhici doonin in lagu sameeyo faro-gelin lagaga ilaaliyo in uu dacwad ku oogo cidda aanay waaxda fulintu dooneynin in dacwad lagu oogo, ama in culays lagu saaro in cid aan dembi gelin uu xafiiskaasi dacwad ku oogo.

(j) CIIDANKA BILEYSKA:

Xisbiga Kulimiye wuxuu aaminsan yahay in Bileysku yahay hay’ad door muhiim ah ku leh xeer-socodsiinta si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo xasillonida gudaha. Waxa kale oo Xisbiga Kulmiye aaminsan yahay, in haddii aan bileyska la siin aqoon iyo tababar uu ku guto waajibaadkiisa lana ilaalin hab-dhaqankiisa, uu markaa noqon karo hay’ad aan gudan waxa ay u taagan tahay haddaanay noqonba mid waxyeello weyn ku leh bulshada. Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye wuxuu mudnaan siin doonaa dib-u-habayn lagu sameeyo Bileyska.

AMMAANKA QARANKA.

  1. MABAADII’DA GUUD.

Arrimaha ammaanka qaranka waa inay ka ballaadhaan daabaceedda ciidan milateri balse ay yeeshaan dhinacayadooda dhaqaale, caafimaad, barasho, diineed iyo fayo-dhawr deegaaneed bad iyo berriba. Ammaanka qaranka waxa soo gelaya wax kasta oo wax-yeellayn kara muwaadinka Somaliland.

Kulmiye wuxuu ahmiyad siinayaa arrimaha ammaanka qaranka, ilaalinta iyo daryeelidda nabadgelyada muwaadiniinta, gaar ahaan arrimaha saamaynta xun ku leh caafimaadka muwaadiniinta, qiyamka, diinta, waxbarashada iyo guud ahaan suubbanaanta shacbiga.

Kulmiye wuxuu aaminsan yahay, iyadoo ay ugu wacan tahay adduunkii oo edeg ku wada-jira, isa saamayntiisuna ay maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhayso, ayaa waxa lagama maarmaan ah in feejigo la yeesho, iyadoo wixii wanaagsan laga faai’daysanayo, la iskana caabbiyayo wixii dhibaato u leh dhaqanka, diinta, caafimaadka, barbaarinta iyo koboca shakhsiyadda qofka .

Si uu arrimahaas u xaqiijiyo, Kulmiye wuxu yeelanayaa siyaasad dhammays-tiran oo uu ku waajaho wixii khuseeya ammaanka qaranka. Sidaa darteed, Kulmiye wuxuu dejinayaa, horena u- marinayaa siyaasad dhinacyo badan leh oo ku wajahan ilaalinta ammaanka qaranka.

  1. DIFAACA QARANKA IYO SUGIDDA XUDUUDAHA

(b) CIIDANKA MILLATERIGA:

Xisbiga Kulmiye wuxuu aaminsan yahay in ciidan milateri ah oo adag oo dalkani yeeshaa u yahay cunsur aasaasi ah xaqiijinta gooni-isu-taagga iyo madax-bannaanidiisa. Sidaa darteed. waxa Xisbigu ku talo-jiraa dhisidda ciidan milateri ah oo tayo sare leh kuna fillaada difaaca dalka iyo ilaalintiisa. Si taas loo suurto-geliyo, Xisbigu wuxuu ku tallaabsan doonaa:

  1. in uu isagoo ka duulaya khataraha hor-yaalla, qorsheeyo tirada ciidan ee lagaga hor-tegi karo, tayada uu u baahan yahay (tababar, hub iyo qalabba) iyo sida loogu heli karo;
  2. in ciidanka hadda jira (ee aan magac u gaar ah, dhisme ciidan iyo darajadii kala sarrayneed ee aasaaska u ahayd kala dambaynta lagama-maarmaanka u ah ciidan milateri) uu ku sameeyo dib-u-habayn meesha ka saarta dhammaan dhalliilahaas iyo kuwa kale ee jiraba;
  3. in dadka aan wax-tarka u lahayn ciidanka si habboon loo dhimo, sida ku wareejintooda mashaariicda horumarineed ee shaqo-abuurka ah;
  4. soo saaridda saraakiil dhallinyaro ah oo hoggaamisa hurimaha iyo ururrada ciidanka iyadoo fiiro gaar ah la siin doono dhallinyaradii jabhaddii SNM ee waayo-aragnimada dagaal yeelatay.
  1. KOBCINTA DHAQAALAHA IYO LA-DAGAALLANKA SABOOLNIMADA:

Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa in faqrigu yahay masiibo culus oo Ilaahay laga magan-galo, haddaanay ummaddu u guntan inay wax qabsato oo aanay wajihin inay mushkiladdaa isku-duubni kaga baxdana aanay jireyn cid kale oo ka saari kartaa. Sidaa darteed, Xisbiga Kulmiye wuxuu ku dedaali doonaa inuu abaabulo ummadda una kala jaheeyo ilaha dhaqaale ee dalka, talo, tusaale iyo maalgelin wixii uu u heli karo ama u raadin karana aanu ka hagran doonin.

(b) XOOLAHA NOOL:

Xisbiga Kulmiye isagoo ka duulaya in xoola-dhaqashadu horena u ahayd laf-dhabarka dhaqaalaha dalka, waqtiyada soo socdana ahaan doonto wax-soo-saarka koowaad ee nolosha dadweynaha badankiisu ku tiirsan tahay, tahayna ilaha ugu weyn ee lacagta adagi ka soo hoyan karto ayaa waxa xisbigu mudnaanta kowaad siinayaa kobcinta docda (sektarka) xoolaha, daryeelka deegaanka xooluhu ku sugan yihiin iyo horumarinta xoola-dhaqatada isagoo ku tallaabasanaya arrimaha soo socda:

  1. daryeelka caafimaadka xoolaha;
  2. daryeelka dhul daaqsimeedka;
  3. dhiirri-gelinta dhoofka xoolaha;
  4. helidda iyo horumarinta habab cusub oo looga faaii’daysto cadka iyo caanaha xoolaha;
  5. samaynta wershado lagu farsameeyo walxaha xoolaha ka soo jeeda sida cadka, caanaha, hargaha, dhogorta iyo lafaha;
  6. curinta habab cusub oo loo dhaqo xoolaha;
  7. maaraynta isbeddelada aan qorshaysnayn ee ku socda hanaankii soo jireenka ahaa ee xoolo-dhaqasho ee ku dhisnaa guur-guurka xorta ah;
  8. soo noolaynta seera-daaqsimeedyadii;
  9. helidda ilo tamareed (source of energy) si loo badbaadiyo deegaanka;
  10. qabashada biyo roobaadka (samaynta harooyin iyo biyo-xidheenno);
  11. hakinta biyaha iyo joojinta boholaha/jeex-jeexyada);
  12. hakinta qulqulka ay dhallinyarada miyigu ku soo gelayaan magaalooyinka;
  13. ku tallaabsiga cilmibaadhisyo ku wajahan daraasadda hanaanka xoola-dhaqasho;
  14. samaynta machadyo lagu barto dhinacyada kala duwan ee cilmiga xoolaha.

(t) DALAGGA BEERAHA:

Beeruhu waa wax-soo-saarka labaad ee dalka Soomaliland, waxaana ka mid ah Beeyada, faleenka, malmalka iyo xabkaha kale ee dalka Somaliland caanka ku yahay. Kulmiye wuxuu ogsoon yahay in Somaliland tahay meelaha dhifka ah ee adduunka xabkaha kala duwan laga helo, waxa kale oo Kulmiye ogyahay in haddii khayraadkaas dabiiciga ah si wanaagsan loo maamulo uu wax weyn ka tari karo horumarinta dhaqaalaha dalka. Sidaas daraadeed, si looga midho-dhaliyo arrintaas loona gaadho isku filaansho dhinaca wax-soo-saarka beeraha ah, Xisbiga Kulmiye wuxuu ku tallabsanayaa:

  1. Dhiirri-gelinta wax-soo-saarka beeraha, beer roobaadyada iyo beer waraabyadaba, iyo baridda beeraleyda dalagga ku habboon cimilada dalkan;
  2. siinta beeralayda qalabka iyo khibradda ay u baahan tahay;
  3. kobcinta, xannaanaynta iyo dersidda dhirta ay faleenka iyo xabkaha kale ka baxaan;
  4. taageeridda dadka ka shaqaysta faleenka sida siinta deyn maaliyadeed;
  5. dhiirri-gelinta ururro iyo iskaashatooyin ay isugu tagaan beeraleydu;
  6. suuq-u-raadinta xabkaha kala duwan ee dalka ka baxa;
  7. dhiirri-gelinta samaynta wershado yar-yar oo miira saliidaha midhaha iyo xabkaha iyo kuwo qasacadeeya khudaarta iyo suuq u raadintooda ;
  8. dhiirri-gelinta dhismaha bakhaarrada wax qaboojiya si loogu kaydiyo khudaarta iyo cuntooyinka kala ee dhakhso u xumaada.
  9. abuuridda machadka beeraha iyo deraasaadka dhirta.

(j) GANACSIGA:

Xisbiga Kulmiye isagoo ka dhaqaaqaya dareenka ah in bulshada reer Somaliland tahay bulsho u jajaban ganacsiga iyo wax is dhaafsiga ayaa wuxu ku tallaabsanayaa:

  1. dhiirri-gelinta ganacsi ku fadhiya suuqa xorta ah;
  2. awoodsiinta rug ganacsi oo uruurisa una sahan tagta ganacsatada reer Somaliland;
  3. u-hawl-gelidda sidii Somaliland u noqon lahayd albaabkii iyo biriijkii Geeska Afrika ku xidhayey dunida inteeda kale;
  4. soo jiidashada maalgashiga shisheeye.
  5. horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka, isgaadhsiinta (basic infrastructure);
  6. ballaadhinta iyo casriyeynta dekedda Berbera si ay ula beretanto dekedaha ka jira mandaqadda iyo horumarinta dekedaha yar yar ee kale ee dalka;
  7. dhiirri-gelinta abuuritaanka baanan ganacsi oo gaar loo leeyahay iyo kuwo wadaag ahba;
  8. abuuridda kulliyado laga barto aqoonta casriga ah ee ganacsi ee ku xidhiidhsan internetka (e commerce).

(x) DHIIRRI-GELINTA KA FAAI’IDAYSIGA KHAYRAADKA KALE:

Waxa xisbiga Kulmiye diiradda saarayaa ka faa’iidaysiga iyo abuuridda ilo cusub oo dhaqaale kuwaas oo ay ugu horeeyaan:

  1. ilaalinta, dhawrista iyo si san uga faaii’daysiga khayraadka badda;
  2. sahaminta macdanta iyo shidaalka;
  3. sahaminta khayraadka biyaha, qabashada biyo roobaadka, samaynta biyo-xidheeno, harooyin iyo balliyo.

IX. LA-DAGAALLANKA SHAQO LA’AANTA :

Xisbiga Kulmiye wuxu ku dedaalayaa inuu shaqo u abuuro dhallinyarada camal la’aantu ragaadisay isagoo ku tallaabsanayaa arrimaha so socda:

  1. abuuridda mashaariic horumarineed oo dad badan mashquulin kara, gaar ahaan kuwa aan khibradda lahayn (labor intensive projects) sida dhiraynta, waddooyinka, dhaamamka, iyo biyo-xidheennada;
  2. u-samaynta xirfado shaqo dhallinyarada aan wax barashada fursad u helin, u-jahayntooda ilo dhaqaale sida kallumaysiga, beeraha, xoolaha iwm;
  3. gacan-qabashada ganacsatada yaryar iyadoo loo fidinayo deyn heerkooda la jaan-qaadda.

X. LA-DAGAALLANKA MUSUQMAASUQA:

Xisbiga Kulmiye waxay ugu muuqataa in musuqmaasuqu yahay cunsur qayb weyn ku leh ragaadinta dhaqaalaha ummadaha, sababana dib-u-dhaca ku yimaadda. Sidaa darteed, si loo xakameeyo musuqmaasuqa barriinsaday dalkeenan curdinka ah, waxa Xisbiga Kulmiye ku tallaabsanayaa:

  1. hawlgelinta shaqaale dawladeed oo ku salaysan tirada iyo tayada shaqo waliba u baahan tahay, loona qoondeeyo mushahar iyo gunnooyin dabooli kara baahiyaha qofka caadiga ah ee heerarka kala duwan ee shaqaale waxna uga dhigmi karaan, iyo weliba dheef hawlgabeed oo munaasib ah oo qofka shaqaalaha ahi ku talogalo inuu xaqiiqa ahaan yeelanayo ka dib markuu shaqeeyo muddo go’an;
  2. habsami-u-dhimidda shaqaalaha dheeraadka ku ah shaqaalaha dawladda, iyadoo la siin doono shaqaalaha la dhimayo xuquuqdooda muddadii ay shaqaynayeen;
  3. dejinta siyaasad maaliyadeed oo lagu xakameeyo musuqmaasuqa oo fulinteedu ka timaaddo kor ila hoos;
  4. dejinta nidaam maaliyadeed oo lagu ogaan karo xatooyada iyo wax-is-weydaarinta, heer kasta oo shaqo, laga bilaabo madaxtooyada ilaa heerka ugu hooseeya ee wax-soo-saar ama isticmaal hanti ummadeed;
  5. dejinta xeerka la dagaallanka musuqmaasuqa oo suurto-geliya in la baadho dembi lagu oogo, cidda lagu helena xabsi dheer looga heli karo iyo dib-u-soo celin hantida ku maqnaata sida la- wareegid hantida uu ka meelaystay shaqada ama horeba uu u lahaa si looga gooyo hantida ku maqnaata;
  6. baadhidda hantidii laga meelaystay ummadda laga soo bilaabo dib-ula-soo noqoshadii dawladnimada ee may, 1991, dib-u-soo celinteeda iyo maxkamadaynta ciddii kasta ee fal noocaas ah ku kacday;
  7. u-madax-bannaynta gudashada xilkiisa xafiiska Hantidhawraha Guud iyo horumarintiisa.

XI. LA DAGAALLANKA AQOONDARRIDA :

Xisbiga Kulmiye, isagoo ogsoon in aqoon-darradu tahay hoyga dhaqaale-xumada iyo caafimaad-darrada, wuxuu dejin doonaa siyaasad waxbarasho oo higsata in ilaa dugsiyada sare lacag-la’aan yihiin. Siyaasadda waxbarasho waxay noqon doontaa mid ilaalisa tayada waxbarashada dawladda iyo ta gaarka ahba. Xisbigu waxa kale oo uu ka war-hayaa in duruufihii dadkani soo maray dartood dad badani xilli-dugsiyeedkoodii ay ku waxbarasho waayeen. Sidaa darteed, Xisbigu wuxuu xoogga saarayaa:

  1. abuuridda iyo kobciinta dugsiyo xirfadeed iyadoo mudnaanta la siinayo dhalinyarada aan helin waxbarashadii caadiga ahayd;
  2. xoojinta wabarasho ku jihaysan wax-soo-saarka iyo deegaanka dalka
  3. soo noolaynta iyo ballaadhinta iskuulladii jiifka iyo cuntada lahaa.
  4. ka-faaii’daysiga hababka waxbarsho ee casriga ah ee ay suura-gelinayaan horumarka teknoolajiyada iyo isgaadhsiinta casriga ahi;
  5. siinta fiiro gaar ah waxbarashada dadka waaweyn, gaar ahaan haweenka.

XII. DARYEELKA DHALLINYARADA:

Si dhallinyarada looga badbaadiyo dhaqammada lidka ku ah horumarka bulshada, Xisbiga Kulmiye wuxuu ahmiyad siinayaa:

  1. la-dagaallanka mukhaadaraadka sida xashiishadda, xabag iyo batrool-nuugidda, qaadka sigaarka, derbi-jiifka IWM;
  2. dhiirri-gelinta isboortiga iyo ciyaaraha;
  3. dhisidda garoomo lagu ciyaaro isboortiga;
  4. furidda maktabado;
  5. dhiirri-gelinta waxbarashada guud ahaan.

XIII. XOOJINTA BARASHADA IYO KU-DHAQANKA DIINTA ISLAAMKA:

Maadaama ummadda Somaliland tahay 100% muslim, Xisbiga Kulmiye wuxuu xoogga saarayaa:

  1. xoojinta waxbarashada diiniga ah, gaar ahaan malcaamadaha quraanka;
  2. tababarida macallimiinta;
  3. hagaajinta iyo maal-glinta dugsiyada quraanka lagu barto;
  4. daabacadda iyo badinta kutubta diinta laga barto;
  5. u-aqoonsiga malcaamadaha in ay yihiin bilowgii akhris-qorista.
  6. samaynta guddi culimo oo noqota marjaca diinta si looga dheeraado khilaafaadka diiniga ah.

XIV. SIYAASADDA XISBIGA EE DADKA LA HAYB-SOOCO.

Siyaabo farabadan ayaa loo takooraa dadka la hayb-sooco. Iyadoo ay ugu wacan tahay xaaladooda bulsho iyo dhaqaale, waxa laga duudsiyey ka qaybgalka dhaqaale, waxbarasho iyo siyaasadeed.

Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an tirtiridda nooc kasta oo takoor ah, gaar ahaan, kan ku salaysan hayb-sooca. Kulmiye wuxu aqoonsanyahay in dadka la hayb-soocaa ay dulman yihiin, sidaas daraadeed, waxa ka go’an inuu dadkaas ka awood-siiyo dhinacyada dhaqaalaha, waxabarashada, iyo siyaasadda.

Kulmiye wuxu aaminsan yahay in awoodsiinta noocaas ahi ay muftaax u tahay wax ka qabashada takoorka dhaqanka ka soo jeeda iyo la dagaalanka macaamilka xun ee lagu hayo qayb bulshada ka mid ah.

Si dadka la hayb sooco loogu soo celiyo xurmadoodii bin’aadminimo, iyadoo hoos loogu daadegaayo nuxurka dhibaatada, xisbiga Kulmiye wuxu qaadayaa tallaabooyinka soo socda:

  1. In xeer ahaan loo qoondeeyo tiro kuraas ah ee wakiilnimada siyaasadeed heer deegaan iyo heer qaran.
  2. In dhiirrigelin iyo tixgelin loo siiyo dhinac-yada waxbarashada iyo shaqada dawladda.
  3. In la meel mariyo siyaasado iyo shuruuc lagula dagaalamayo cudurkan bulsho, laguna joojinayo takoorka haybta ku dhisan, xeerar adagna laga soo saaro.
  4. In saraakiisha dawladda iyo sharci fulinta lagu wacyi- geliyo dacdarrada Kooxaha laga Tirada badan yahay, sidaas daraadeed, la diiwaan geliyo lana baadho xadgudbayada ku xidhiidhsan haybsooca iyo gefafka laga galo Dadka laga Tirada badan yahay
  5. In la abuuro barnaamijyo gaar ah oo loo habeeyey tababaridda Dadka laga Tirada badan yahay gaar ahaan xirfad siintooda
  6. In loo abuuro fursado ay ku qaataan deyn fudud si kor loogu qaado ganacsiga yar yar ee ay ku hawlan yihiin.

XV. ARRIMAHA HAWEENKA

Xisbiga Kulmiye waxa ka go’an inuu hubiyo in haweenku si buuxda oo firfircoon oo xaq-soor leh uga qayb qaataan dhammaan dhinacyada bulshada, siyaasadda, iyo dhaqaalaha ee dhismaha nololsha, iyadoo la abuurayo quwad shaqaysa oo mut oo aqoon leh, taas oo awood u leh ka-qayb qaadashada hawlaha dawadda.

Kulmiye wuxu suurtagelinayaa nidaam ku dhisan xaqsoor kuna wajahan ka qaybgal buuxa oo haweenka docaha soo socda:

b) QAYBTA DAWLADDA.

  1. U qoondaynta tiro macquul ah oo haween ah inay siyaasad dejiye (policy makers) ka noqdaan dawladda dhexe iyo tan hooseba gaar ahaan golaha xukuumada, wakiilada iyo golayaalsha deegaanka.
  2. In haweenka la awoodsiiyo iyadoo loo marayo hanaanka doorashada iyo magacaabiddaba si ay u noqdaan (maayaro, guddoomiyeyaal xaafadeed, maamulayaal dugsi) iwm.
  3. In haweenka loo suurtageliyo si ay kaalin hoggaamineed uga noqdaan mansabyo sarsarena uga qabtaan hay’adaha

t) QAYBTA MIYIGA.

Madaama in badan oo haweenka ahi yihiin kuwa quud maalmeedka qoyska soo kasbada, Kulmiye wuxu taageerayaa horumarinta haweenka reer miyiga ah isagoo ka suuragelinaya in waaxda beeruhu abuurto xafiisyo fidineed oo fuliya siyaabaha lagu gaadhayo isku filaanshaha cuntada.

  • In beeralayda saboolka ah la baro hababka kaydinta kala duwan ee cuntada iyo khudaarta;
  • Horumarinta ilaha biyaha iyadoo maskaxda lagu hayo in haweenku yihiin kuwa qoysaska biyaha u dhaamiya.
  • In la sameeyo awoodo ay wadaagaan waaxyaha caafimaadka, waxbarashada iyo dhaqaaluhu, taasoo looga jeedo in la dejiyo hababkii loo hormarin lahaa loona fidin lahaaa adeegyo caafimaad sida baro caafimaad oo wareega (mobile clinics) lana abuuro barnaamijyo idaacadda ka baxa oo ka hadlaya faya dhawrka, nadaafadda iyo arrimaha hooyanimada.
  • In la hagaajiyo tayada nolosha dadweynaha iyadoo la dhisayo baro caafimaad oo bixiya adeegayada aasaasiga ah
  • In la tababaro farsamayaqaano, shaqaale caafimaad sida umulisooyin, kalkaalisooyin, kuwa nafaqada wax ka yaqaan (nutritionists) oo ka hawlgala baraha caafimaad

XVI. WARBAAHINTA

Warbaahin madaxbanaan oo firfircooni waxay muhim u tahay tisqaadka qaranimada iyo maamul wanaagga. Marka aanay jirin warbaahin madaxbanaan oo looga qaateen ah oo si joogto ah u ilaalinaysa hab dhaqanka saraakiisha dawladda iyo siday u maaraynayaan khayraadka, muwaadiniintu waxay ahaadaan kuwo ka xidhiidh furtay oo aan si dhab ahna uga qayb qaadan dejinta siyaasadda dalka iyo mashaariicda xukuumaddu fulinayso.

Meel marinta arrimaha soo socda ayaa warbaahinta u suurtagelinaya inay gaadho waajibaadkeeda:

  • In la meel mariyo xeerka saxaafadda ee lam, 27/2004 ee ku salaysan qodobka 32 ee dastuurka
  • In la abuuro Hay’adda Qaranka Warbaahinta (Public Broadcasting Corporation) oo hoos imanaysa guddi madaxbanaan
  • In si degdeg ah xayiraadda aan dastuuriga ahayn looga qaado furashada idaacado gaar loo leeyahay iyo nooc kastoo warbaahin ah
  • In lagu tallaabasdo kor u qaadidda tayada warbaahinta
  • In la sameeyo xeerka anshax ku dhaqanka warbaahinta

XVII. QURBA-JOOGGA

Waaya aragnimada caalamka waxa laga dheehan karaa kaalinta wax-ku-oolka ah ee Qurbajoogga kala duwani ka ciyaareen dib-u-dhiska dalakii ay ka markii hore ka soo jeedeen. Qurbajoogga reer Somaliland na kama duwan dhiggiisa. Haddaba si looga faaii’daysto awoodaha xadiga badan ee qurbajoogga, dhaqaalahooda iyo khibradoodaba, xisbiga Kulmiye wuxu ku tallaabsanayaa arrimaha soo socda:

  1. In la sameeyo xafiis xidhiidhiya arrimaha Qurbajoogga oo hoos yimaadda Madaxweyne ku Xigeenka
  2. In la dhiirigeliyo kooxaha kala duwan ee Qurbajoogga inay is abaabulaan si ay u yeeshaan wakiillo u fududeeya inay si micno leh uga qayb qaataan arrimaha ka socda dalka hooyo si ay saamayn wax-ku-ool ah ugu yeeshaan jihada ay qaadanayso barnaamijyada qaran ee horumarineed
  3. In la abuuro kayd xogeed qaran (national data base) oo ay ku urrurto khibradaha mihaniga ah ee Qurbajoogga taas oo looga dan leeyahay in danaha qaran looga faai’idaysan karo halkii iyo goortii ay ku habboon tahay.
  4. In wasaaradda qorshayntu diyaariso fulisona siyaasado gaar ah oo ku wajahan kor u qaadidda iyo dhiirigelinta hay’adaha deeqda bixiya inay ka faaii’daystaan xogta ku ku urursan kayd-xogeedka qaran, si ay u ogaadaan muwaadiniinta ay shaqaalaysan karaan, waxna kala qaban kara hawlahooda
  5. Abuuridda ilo rasmi ah oo ay dadka qurbajoogga ahi ka heli karaan xogaha ay u baahan yihiin ee wax ka taraya dedaallada horumarineed iyo dhadhaqaaqa bulsho ee ka socda dalka hooyo;
  6. In Qurbajoogga dalka imanaya loo fidiyo adeeg wacan oo soo dhowayneed.

XVIII. CAAFIMAADKA:

Xisbiga Kulmiye, isagoo ogsoon in caafimaadku yahay aasaaska nolosha wax-qabsiga iyo farxadda leh ee qofka iyo horumarka bulshada, wuxuu xoogga saarayaa:

  1. in la sugo fayo-qabka guud ee bulshada (general hygiene) ee la xidhiidha bilicda guud ee deegaan, isticmaalka biyo nadiif ah, xakamaynta cudurrada faafa iyo adeega guud ee caafimaadka;
  2. in dhamaan dalka laga cidhib tiro cudurrada ragaadiyey bulshadeena sida TB, iyo Duumada, isla markaana la xakameeyo fiditaanka HIV, iwm;
  3. in la horumariyo goobaha caafimaadka, cusbitaallada, MCHyada iyo PHC-yaduna ay noqdaan qaar lagu aammini karo caafimaadka bulshada;
  4. in la kantaroolo adeegyada caafimaadka ee gaarka ah;
  5. in la baadho isla markaana la ilaaliyo tayada dawooyinka dalka imanaysa;
  6. in la helo shaybaadho iyo machadyo lagu barto caafimaadka;
  7. in la abuuro kulliyado caafimaad oo laga helo dhakhaatiir tayo leh.

XIX. DAAWEYNTA IYO DARYEELIDDA NAAFADA JIDH AHAANEED

IYO MASKAX AHAANEED:

Xisbiga Kulmiye wuxuu wax ka qabanayaa tabaalada haysata dadka burburkii dhibaatooyinku ka soo gaadheen isagoo ku dedaalaya:

1) inuu wax ka qabto naafada argagaxa leh iyo kuwa silsiladaha ku dabran ee guri kasta oo Somaliland ah ku sugan;
2) inuu sameeyo goobo lagu xannaaneeyo dadka maskaxda wax ka qaba;
3) in la uruuriyo dadka maskaxda wax ka qaba ee suuqyada ku filiqsan, dhaxanta iyo bacadkana gaaf wareegaya iyo kuwa guryaha ku xidhan loona helo daaweyn iyo xannaanayn lacag la’aan ah.

XX. KOBCINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA IYO QAYBAHA KALA DUWAN EE SUUGAANTA:

Xisbiga Kulmiye wuxuu ku taamayaa inuu soo celiyo hankii, karaamadii iyo isku-kalsoonaantii qofka Soomaaliga ah oo muddo badan ku jiray qaxooti, walbahaar iyo dagaallo sokeeye.

Siyaabaha arrimahaa wax lagaga qaban karaa waxa ka mid ah:

horumarinta fanka iyo suugaanta iyadoo la abuurayo hoy-dhaqameedyo sida masraxyo, muuseemyo, dugsiyo lagu barto muusikada iyo farshaxanka Soomaliyeed, ciyaaraha, horumarinta far Soomaaliga, bug-qoraalka iyo daraasadda iyo uruurinta hiddaha iyo dhaqanka aan qornayn.

XXI. QORRIDDA SOOYAALKA TAARIIKHEED EE HALGANKII DIB U XORAYNTA IYO DIB-U-HESHISIINTII BEELAHA SOMALILAND:

Xisbiga Kulmiye wuxuu culays saarayaa qoridda iyo uruurinta sooyaalka taariikheed ee halgankii dib u xoraynta ee ay hormoodka ka ahayd SNM, la soo noqoshadii xornimada iyo yagleeliddii iyo xaqiijinta qaranka Somaliland. Si taas loo suurto-geliyo, Xisbiga Kulmiye wuxuu meel marinayaa:

  1. qorridda taariikhdii wax-iska-caabinta;
  2. qoridda xasuuqii dadka reer waqooyiga iyo dumintii magaalooyinka;
  3. qoridda la-soo-noqoshadii madaxbanaanida;
  4. qoridda dib-u-yagleeliddii Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH.