Munaasibadii uu Maayor Cabdala Maxamed Carab uu Ku caddeeyay in uu ku biiray Xisbiga Kulmiye isuna soo sharaxayo Golaha Deegaanka Berbera
Magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ayaa waxa maanta ka dhacday munaasibad lagu maamuusayay kusoo biirida iyo shaacinta musharaxnimada uu Duqa degmada berbera Cabdalle Maxamed Carab uu Isu soo taagay marlabaad in uu ka qeyb galo doorashada golaha deegaanka ee degmada berbera, Waxaana xafladaa kasoo qeyb galay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh [...]
Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo ku soo guryo-noqday Hargeysa, kana hadlay Aaskii Males Zanawi
Hargeysa, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii wefti uu Hoggaaminayay ay socdaal ku tageen dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qeyb galay aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya. Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International waxa siday diyaarad khaas [...]
Xisbiga KULMIYE oo xaflad balaadhan u sameeyay siyaasiyiintii UDUB ka baxday
Hargeysa, Xaflad balaadhan oo loo sameeyey xubnihii dhawaan ku soo Biiray xisbiga Kulmiye ee ka soo diga rogtay Xisbiga UDUB ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,Xaf-ladaasi oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/llahi ismaaciil-(Saylici),hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda. Madaxweyne Ku xigeenka [...]
Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo bandhigay qorshaha hab-socodka hawlaha doorashada deegaanka
Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Axmed Xirsi Geelle ayaa maanta shaaca ka qaaday wakhtiga ay xidhmayaan qabashada liiska musharaxiinta ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta dalka. Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruntooda magaaladda Hargeysa. “Waxaan doonayaa inaan la socodsiiyo ururada/xisbiyada iyo musharaxiinta ka [...]
Idaacadii Cusbayd ee Radio Hargeysa oo dalka iyo dibaddaba laga dhagaystay
Hargeysa – War-laliskii cusbaa ee Idaacadda Radio Hargeysa ayaa maanta laga wada dhagaystay goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wadammadda jaarka ah, sida uu shabakada Somaliland.Org, u xaqiijiyay Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Siciid Aadan Cige. “Warlaliskii cusbaa ee idaacada Radio Hargeysa waxa uu maanta hawada u gelay si tijaabo ah, waxaana maanta si weyn [...]
KULMIYE iyo Xukuumadda oo soo Dhoweyn Diirran u Sameeyey Garab ka Fuqay Xisbiga UDUB
Hargeysa (Jam)– Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xubno golaha wasiirrada ka tirsan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xaflad ballaadhan oo soo dhoweyn u sameeyey shalay garab miisaan culus leh oo ka go’ay xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, kuwaasoo ku biiray KULMIYE. Xaflad loo sameeyey garabka ka go’ay UDUB [...]
Xisbiga Kulmiye oo Munaasabad Balaadhan u Sameeyay Musharax utartamaya Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Taageerayaasha Musharaxa oo Dhoolatuskii ugu Balaadhnaa Ku Muujiyay Cududooda. Hargeysa(GNS)- Munaasabad Balaadhan oo lagu Soo Bandhigay Musharax Ismaaciil Aw Xasan X.Aadan oo u sharaxan Golaha deegaanka Caasimadda hargeysa ayaa Xaflad dhoolatus ah loogu Sameeyay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa. Munasaabadaasi oo ay [...]
Xisbiga KULMIYE oo caawa yeeshay shir ku saabsan u diyaar-garowga doorashada Deegaanka
Xisbiga KULMIYE ayaa caawa Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shir ku saabsan sidii xisbigaasi uu iskugu diyaarin lahaa doorashada Goleyaasha deegaanka dalka ee la filayo inay qabsoonto dabayaaqada sanadkan 2012-ka. Xafladan waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,Xoghayaha Guud ee Xisbiga [...]
Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo daboolka ka qaaday inu Murashax Kulmiye ah yahay doorashada Golaha deegaanka Hargeysa
Hargeysa, July 20, 2012 (Haatuf) – Xisbiga Kulmiye ayaa shalay xaflad aad u balaadhan ku soo dhaweeyey Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo uga tartami doona doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa, kaas oo lagu Calaamo saaray Madal Ilyartu is qabsatay oo la isku arkay. Munaasibadda xafladdaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay [...]
Madaxweyne Silanyo iyo Wefdigii uu hoggaamineyey oo dalka dib ugu soo laabtay
Berbera, July, 3, 2012- Madaxweynaha Somalland Axmed Maxamed Siilaanyo oo toddobaadkii hore Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kaga qaybgalay wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo xukuumada KMG Soomaaliya, ayaa goordhaweyd ka soo degamay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera. Weftiga Madaxweynaha waxa garoonka ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah, xildhibaan iyo maamulka gobolka Saaxil, waxaana [...]