Musharixiinta

Mudane Axmed Maxamed (Silanyo)

Mudane Axmed Maxamed (Silanyo)

Musharixiinta Xisbiga KULMIYE waxay kala yihiin Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo) oo ah musharaxa madaxweynaha iyo Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah musharaxa madaxweyne-ku-xigeenka.

Taariikh nololeedka labada musharax ee u tartamaya xisbiga waxaan idiin soo gudbindoonaa dhawaan.

Musharixiinta xisbiga KULMIYE kuma cusba magacyadoodu dadka reer Somaliland si qoto dheerna waxa loo hayaa waxqabadkooda. Axmed Silanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici, waa laba aqoonyahay oo lagu bartay inay si fiican u dhagaystaan una tixgeliyaan dhamaan fikradaha iyo talooyinka kala duwan ee dadweynaha, taas oo ah astaan ka maqnayd madaxda xisbiga UDUB ee talada dalka soo hayay ilaa 2002. Waa laba musharax oo leh waayo aragnimo hoggaamineed, wadashaqayn iyo tixgelin dhamaan afkaaraha iyo fikradaha kala duwan, iyaga oo aqoonsan in talada wanaagsani ka soo dhexbaxdo marka la eego lana qiimeeyo dhamaan fikradaha shacbiga, aqoonyahanka iyo waayo-arraga reer Somaliland.

Mudane Cabdiraxmaan C. Ismaaciil (Saylici)

Mudane Cabdiraxmaan C. Ismaaciil (Saylici)

Labada musharax waxay aad uga dheregsanyihiin in sida qudha ee lagaga bixi karo dhibaatooyinka haysta Somaliland ee dhinacwalba ah, ay tahay muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay inuu gacan ka gaysto dhismaha qaran lugihiisa ku taagan, sidaa darteen labada musharax waxay muwaadiniinta reer Somaliland ah ugu baaqayaan inay u guntadaan sidii isbeddel loo heli lahaa doorashooyinka madaxtooyada ee dhici doona 29 bisha March 2009 taageeradoodana u siin lahaayeen xisbiga qudha ee maanta dalka gaadhsiin kara isbeddelka uu u baahanyahay, iyaga oo og inaan wada-shaqaynta ay idinka rajaynayaan aanay halkaa ku joogsandoonin ee ay socon doonto inta ay xilka dalka hayaan haddii Ilaahay ku guulaysiiyo tartanka.