KULMIYE Party

Munaasibadii uu Maayor Cabdala Maxamed Carab uu Ku caddeeyay in uu ku biiray Xisbiga Kulmiye isuna soo sharaxayo Golaha Deegaanka Berbera
Magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil ayaa waxa maanta ka dhacday munaasibad lagu maamuusayay kusoo biirida iyo shaacinta musharaxnimada uu Duqa degmada berbera Cabdalle Maxamed Carab uu Isu soo taagay marlabaad in uu ka qeyb galo doorashada golaha deegaanka ee degmada berbera, Waxaana xafladaa kasoo qeyb galay Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh maxamuud Jirde hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed iyo raxan wasiiro ah oo ka socday dhinaca xukumada oo ay kamid ahaayeen wasiirada Ganacsiga, Kaluumaysiga,Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Diinta iyo awqaafta,wasiir kuxigeenka waxbrashada, xildhibaano ka kala tirsan golayaasha sharci dajinta iyo guurtida sidoo kale waxa iyaguna xafladaa lagu maamuusayay shaacinta musharaxnimada duqa degmada berbera kasoo qeyb galay dadweyne aad ubadan oo isaga kala yimi gobolada dalka shacbi weynaha reer berbera ayaa iyaguna soo buuxdhaafiyay madasha ay xafladaasi ka dhacaysay oo ahayd Hotel Maansoor ee magaalada berbera.

Mayor Cabdale Maxamed Carab ayaa isagu maanta madashaa xafladu ka dhacay ka cadeeyay in uu sirasmiya ugu taaganyahay doorashada golaha deegaanka degmada berbera Isaga oo ka sharaxan xisbil Xaakimka Kulmiye ee uu dhawaan ku biiray waxaanu duqa degmada berbera noqonayaa mayarka kaliya ee maayaradii gobolada dalka kaligii kaga biiray xisbil xaakimka Kulmiye halka ay maayaradii kale ee goboladu ukala digarogteen ururada siyaasada ee cusub, Mayor Cabdalle Maxamed carab oo bisagu dhawaan uun ku biiray xisbiga kulmiye ayaa noqday siyaasigii ugu miisaanka cuslaa ee ku biira xisbiga kulmiye Kagana biira gobolka saaxil isagoo ka baxay xisbigii udub ee uu naafeeyay khilaafku kaasi oo uu hore uga tirsanaan jiray xubnimada golaha deegaankana uu kasoo galay,

Xafladan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Berbera waxa madashaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in uu kasoo kicitimay Xalay magaalada Borame ee xarunta gobolka Awdal hargaysa oo hawlo badani u yaaleena soo baalmaray Isaga oo sheegay in uu hawlahaas oo dhan usoo baajiyay in uu ka qeyb galo Xaflada lagu maamuusayay musharaxnimada duqa degmada berbera Cabdalle Maxamed Carab oo uu kutilmaamay shaqsiyad hawl karnimo iyo horumar heegan u ah islamarkaana Waxbadan oo la taaban karo ka qabtay degmada berbera xukumada hada joogta ee Kulmiyena la jaanqaaday isaga oo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye xafladaa ka hadlaayana waxa uu yidhi”Waxa aan maanta halkan unimi in aanu farxada la qeyb sano shacbiga reer berbera iyo maayarkooda xafladan loo sameeyay ee lagu shaacinayo musharaxnimadiisa Golaha deegaanka degmada berbera, anigu xalay waxa aan joogay Borame oo aan ka soo Guday hargaysa oo hawlo badani ii yaaleen waan soo dhaafay wax kale umaan soo dhaafin waxa aan usoo dhaafay in aan reer berbera ugu baaqo in ay Cabdale marlabaad soo doortaan ana waan ukaabayn garaynayaa sababtoo ah Mayar Cabadalle wax badan ayuu berbera uqabtay oo waliba muuqda isaga ayaan idiin mihiima oo waxqabadka halkaas kasii wadi kara, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Mudo sadex sanadood ku dhaw ayaan daba socday sidii aan Mayar Cabdalle Kulmiye ukeeni lahaa sababtoo ah waxa aan ogaa waxqabadkiisa.

Sidoo kale Wasiirka ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ku amaanay mayor Cabdalle in uu Berbera isbedelka muuqda ku sameeyay Berbera waxaanu yidhin, wasiirku bulshadu waa in ninkii wax u qabanaya ay laabta ka ogaataa ,isagoo kaftamayana wuxuu yidhi, maalin baan mayorka ku idhi xiliyadii hore maxaad sidan wax ugu qaban waydeen isagoon ii jawaabin ayaan ku idhi wasiirku iskadaa anaa gartoo waraaqihii fadlanta ahaa ayay xukuumadi joojisay markaa wixii cashuurta idinka soo galay ayaa wax ku qabateen,

Dabcana xafladan oo ilyartu is qabatay waxa ka hadlay xildhibaano salaadiin caaqilo waxaanay dhamaantood qireen miisaanka uu leeyahay mayor Cabdalle Berbera iyo horumarka uu hormoodka ka ahaa ee berbera dib usoo noolayay,

Maayorka Berbera oo fagaarahaa ka hadalay ayaa ugu horayn u mahad naqay madaxda kala duwan e soo xushmaysay xafladan e caasimada Hargaysa ka yimid ,marwada Madaxwaynaha Somaliland iyo haweenka ururada e caasimada Hargaysa ka yimid .sidoo kale waxa uu amaan badan usoo jeediyay shacabka reer Berbera ee hawlihii qaranka ee uu hayay hareeraha la hayay maantana xafladan siwayn uga soo qayb galay

Waxaanu nyidhi isagoo hadalkiisa sii wata waxa aan idiin sheegayaa sababta aan kulmiye u galay waa xukumada hada joogta oo masuuliyiinta xilka haya u daaya shaqadooda wax fara galinana aan ku samayn docda kalena waxa ay marwalba lasocdaan hawlaha aanu hayno halka ay marayaan hadaan lawada shaqayna waxba ma socdaan,waxaanay marwalba nagu jeegarayeen shaqada aanu qaranka u haynay

Madashan ayaa saaka lagusoo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo kala duwan waxaana aakhirkii mayorka magaalada berbera marwada kowaad ee Somaliland gudoonsiisay shahaado sharaf ay ku maamuustay waxqabadkiisa iyo kartidiisa keentaya horumarka adeegyada kala duwana ee uu berbera kasameeyay Mayor Cabdale Maxamed Carab iyo guud ahaanba gobolka saaxil sida wadooyinka, fidinta magaalada , bilicda iyo Adeegyada asaasiga ah ee uu kaabo sida waxbarashada, caafimaadka, iyo biyaha iwm

Weftigii Madaxweynaha Somaliland oo ku soo guryo-noqday Hargeysa, kana hadlay Aaskii Males Zanawi
Hargeysa, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii wefti uu Hoggaaminayay ay socdaal ku tageen dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kaga qeyb galay aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International waxa siday diyaarad khaas ah, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirro, masuuliyiinta Ha’yadaha dawlada, Hoggaanka xisbiga KULMIYE iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Wakiiladda iyo Guurtida.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo saxaafada ugu waramayay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, ayaa sheegay inay qaran ahaan ka qayb galeen aaskii Raysal wasaarihii hore ee Itoobiya Malas Zanawi, waxaanu tilmaamay inay dawlada Itoobiya iyo qoyskii Hoggaamiyihii hore ee dalkaasi u tacsiyadeeyeen una muujiyeen siday uga xun yihiin geeridiisa.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in dalka Itoobiya uu ka dhaxeeyo iskaashi qoto dheer oo saaxiibtinimo isla markaana uu halkiisii ahaan doonto cilaaqaadka labada dal.

Weftiga madaxweynaha waxa dawlada itoobiya ku qaabishay baratakool sare oo la mid ah kii Hoggaamiyeyaashii adduunka ka socday, waxaana la fadhiisiyay goobtii loo asteeyay madaxdii caalamka ka socotay.

Madaxweynuhu waxa uu madaarka Hargeysa salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidammadda qaranka, waxaanu gacan qaaday masuuliyiintii soo dhaweysay.

Weftiga Madaxweynaha waxa xubno ka ah Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar Iyo Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@homail.com

Xigasho: Somaliland.org

Xisbiga KULMIYE oo xaflad balaadhan u sameeyay siyaasiyiintii UDUB ka baxday
Hargeysa, Xaflad balaadhan oo loo sameeyey xubnihii dhawaan ku soo Biiray xisbiga Kulmiye ee ka soo diga rogtay Xisbiga UDUB ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,Xaf-ladaasi oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/raxmaan C/llahi ismaaciil-(Saylici),hogaanka sare ee xisbiga kulmiye iyo masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda.

Madaxweyne Ku xigeenka Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa waxa uu ku soo dhoweeyey xubnaha iyo taageerayasha xisbiga UDUB ee ku soo biiray dhawaan xisbiga kulmiye.waxaanuu sheegay inay lagama maar-maan tahay in mar-xaladan dalku marayo si wada jir ah laysaga kaashado,si loo horumariyo dhismaha dalka, talo isku mid ahna laga yeesho, Taasi oo sahlaysa ayuu yidhi in hayaanka geedigeenu uu hore u socdo.

M/xigeenku waxa uu intaa ku daray in loolanka doorashadu marka uu yimaado la geli doono tar-tan xalaal ah isla markaasina ay haboon tahay in la ilaashado midnimada iyo qaranimada.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegayt,in xisbiga kulmiye u taagan yahay Nabadda ,horumarka iyo midnimada dalka, waxaanuu xusay inay waaya arag-nimo ka soo kasbadeen maraaxilkii dalku soo maray.waxaanuu sheegay inay isku biiri karaan dad aan wax kala dhoweysanayn. Waxaanuu intaa ku daray in xisbiga kulmiye soo dhoweynayo doorka haweenka ee tartanka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale xubnaha ku soo biiray xisbiga waxa uu ujeediyey in aanay jirin kala dhoweysasho xisbiga dhexdiisa, isla markaasina ay ku ogaadaan walaalahooda ay ku soo biireen inay ku wada shaqeeyaan kalsooni iyo in danta GUUD LA WADA JIRTO. Waxaanuu xusay inay dhankooda diyaar u yihiin wixii lays dheer yahay in laysku biiriyo.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa gudidii wadda hadalada u qaabilsanaa labada dhinac gaar ahaana uu ka socday Xisbul Xaakimka Kulmiye,waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo Xubnahan ka soo diga rogtay Xisbiga Udub ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye,isagoo intaas ku daray in markii hore mas’uuliyiintan ay isaga soo hor jeedeen aragtida siyaasadeed ,hasa yeeshee uu ku faraxsan yahay inay maanta dhinac u wada jeedaan.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa cadeeyay in Xisbiga Kulmiye mudo sideed sannadood ah,uu ahaa Xisbi Mucaarid ah,ilaa uu ku guulaystay doorashadii Madaxtooyada isla markaana laga baran karo wax badan oo khibrad ah,waxaanu sheegay in Madaxweynaha Somaliland ,Ku xigeenkiisa iyo Xukuumaduba halgan adag u galeen sidii tartan xalaal ah oo doorasho dalka looga qaban lahaa.

Mudane Samaale waxa uu sii saadaaliyay inuu rajo weyn ku qabo in Xisbiga Kulmiye awoodiisa,midnimadiisa iyo taageeradiisuba inuu sii jirayo isla markaana uu ku guulaysanayo doorashada golayaasha deegaanka,isagoo intaas ku daray in Mas’uuliyiintan ku soo biirtay oo xiliyada qaar Xag Xagasho Siyaasadeed u dhaxaysay,ay noqon doonto taariikh laga soo gudbay.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Axmed Cabdi Xaabsade ayaa dhiniciisa ka sheegay in baahi weyn loo qabo sidii gacmaha la isugu qabsan lahaa xaqiijinta himilooyinka Xisbiga Kulmiye,looga huro taageero dhaqaale iyo mid kalsoonida ummada lagu soo jiidanayo.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale ayaa kula kaftamay xubnahan munaasibada loo sameeyay,inay ku soo biireen Xisbiga Kulmiye,maadaama uu isaguba ka tirsanaan jiray Xisbiga Udub,waxaanu iftiimiyay in Kulmiye yahay xisbi ogol in talada lala wadaago,waxa uu Mudane Duur Tusaale u soo qaatay in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo ku xigeenkiisa oo goob joog ah taladii qaranka iyana ay qayb ka noqdeen,waxaanu ka maro kacay in madaxda ka soo digo rogotay Xisbiga Udub ay yihiin, Shakhsiyaadkii ay taladu ka go’I jirtay.

Waxaa kale oo halkaasi Wasiirka Boosaha iyo is-gaadhsiinta Mudane Cali Cilmi Geele iyo masuuliyiin kale.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Xigasho: Somaliland.Org

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo soo bandhigay qorshaha hab-socodka hawlaha doorashada deegaanka
Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Axmed Xirsi Geelle ayaa maanta shaaca ka qaaday wakhtiga ay xidhmayaan qabashada liiska musharaxiinta ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka ee dhawaan ka dhici doonta dalka. Afhayeenku wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xaruntooda magaaladda Hargeysa.

“Waxaan doonayaa inaan la socodsiiyo ururada/xisbiyada iyo musharaxiinta ka qayb qaadanaya doorashada iyo cidii kale ee ay khusayso shuruudaha looga baahan yahay inay raacaan talaabooyinku soo bandhigay Komishanka doorashooyinka qaranku. Is casilaada shaqaalaha dawlada ee ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka waxa looga baahan yahay inay shaqada ka tagaan ugu danbayn bishan dhamaadkeeda is hawshu u fududaato,”ayuu yidhi Md. Geelle.

Afhayeenku oo ururadda iyo xisbiyadda ugu baaqaya inay ugu yaraan liiskooda soo gudbiyaan 14/09/2012 wuxuu yidhi, “Waxaanu xasuusinaynaa ururada/xisbiyada iyo dadka musharixiinta ah ee ka qayb qaadanaya doorashada golaha deegaanka in wakhtiga kama danbaysta ah ee ay soo gudbinayaan liiskooda uu yahay 14/09/2012 ugu danbayna waxa laga qabanayaa lixda galabnimo ee isla maalintaas.”

Md. Geelle waxa uu ka hadlay xiliga uu bilaabmi doono ololaha doorashada deegaanku, waxaanu yidhi “Ololaha doorashadu waxa uu bilaabmi doonaa 29/10/2012, soo gudbinta liiska muraaqibiinta ururada/xisbiyada u joogi doona goobaha codbixinta waa in la soo gudbiyaa 07/11/2012,dhamaadka ololaha doorashadu waxa uu noqon doona 25/11/2012 taas oo doorashaduna dhici doonta 28/11/2012.”

Sidoo kale afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu ka hadlay shuruudo looga baahan yahay inay ururadu/xisbiyadu buuxiyaan kuwaas oo uu tilmamaay inay muhiiim u yihiin qabsoomida doorashada waxaanu yidhi “Urur/xisbi walba waxa looga baahan yahay inuu liiska musharixiintiisa ee degmada inuu ku xareeyo xafiiska degmada ee komishanka doorashooyinka qaranka,sadexyo labaatanka degmo ee dalka marka laga reebo labada degmo ee aanay doorashadu ka dhacayn ee Taleex iyo Laas Qoray inta kale waxa liiska musharixiinta lagu hagaajinayaa xafiiska komishanka ee degmooyinka.”

“Liiska musharaxiinta degmadu waxa uu la mid noqonayaa tirada xubnaha ee golaha deegaanka ee degmadaas loogu tala galay,waxanan ururada/xisbiyada ku adkaynaynaa inaan la keeni Karin liis kala dhiman oo aanu xeerku ogolayn,”ayuu yidhi Afhayeenku.

Afhayeenka komishanka doorashooyinka qaranku waxa uu intaas ku daray inay ururadu xaq u leeyihiin inay iska dhaafaan musharaxiinta degmooyinka ay doonaan waxaanu yidhi “Uruada/xisbiyadu kuma qasbana inay ka tartamaan dhamaan degmooyinka dalka balse iyaga ayaa ikhtiyaarka iska leh hadii ay iska dhaafayaan degmooyinka qaarkood, laakiin saamayn ayey ku yeelan doontaa qiimayntooda xisbinimo waayo waxa loo eegayaa gobol walba codka ay ka helaan,degmo walibana gobol ayey ka tirsan tahay, markaa hadii urur/xisbi kari waayo inuu gaadho qaar ka mida degmooyinka dalka wuu ka tagi karaa balse waa wax isaga ka go’aan.”

Afhayeenku oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “ Waxa iyana muhiima in musharixiinta ka qaby qaadanaya doorashada golaha deegaanka inay buuxiyaan shuruudaha uu dhigayo xeerka doorashadu kuwaas oo ay ugu muhiimsan tahay inuu keeno cadayn ka tagi shaqada dawlada, inuu raali ka yahay musharaxnimada iyo warqada cadaynta u ah inuu bixiyey lacagta cashuurta ah ee ay uga baahan tahay wasaarada maaliyadu.

Ururrada iyo Xisbiyada Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyey la dareemayey inay si weyn ugu diyaar garoobayaan doorashada golaha deegaanka oo komishankuna mudeeyey, balse qaar ka mida ururada/xisbiyada ayaan ilaa hada soo bandhigin wax musharaxiina halka kuwa kalana ay soo bandhigeen tiro yar oo musharaxiin ah balse maalmaha soo socda ayaa la kala ogaan doonaa ururada sida rasmiga ah u buuxiyey musharaxiintii looga baahnaa.”

Idaacadii Cusbayd ee Radio Hargeysa oo dalka iyo dibaddaba laga dhagaystay
Hargeysa – War-laliskii cusbaa ee Idaacadda Radio Hargeysa ayaa maanta laga wada dhagaystay goboladda dalka iyo qaar ka mid ah wadammadda jaarka ah, sida uu shabakada Somaliland.Org, u xaqiijiyay Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Siciid Aadan Cige.

“Warlaliskii cusbaa ee idaacada Radio Hargeysa waxa uu maanta hawada u gelay si tijaabo ah, waxaana maanta si weyn looga wada dhagaystay goboladda iyo degmooyinka dalka oo dhan iyo qaar ka mid ah dalalka dariska ah,”ayuu yidhi Siciid Aadan Cigge.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo Idaacada cusub laga dhegaystay oo naloo soo xaqiijiyay dalalka Jabuuti, Kenya, Tansania iyo qaar kale, waana tallaabo horumar ah oo wasaaradda warfaafintu gaadhay.”

Idaacadda cusubi waxay dabooli doontaa baahidii shacbiga Somaliland ee goboladda dalka iyo dibaduba u qabeen idaacad dalka oo dhan wada gaadha oo ay ka kala socdaan horusocodka dalkooda, waxaanay soo afjaraysaa 21 sanadood oo dhegaha bulshadu u rahmanayeen idaacado shisheeye.

Idaacada cusub ayaa ka mid ahayd balan qaadkii Madaxweyne Siilaanyo xiligii uu ku jiray olalaha doorashada madaxtooyadda, waxaanay ku guulaysatay inay balan qaadkaasi ku fuliso laba sanadood iyo Billo.

Xigasho: Somaliland.org

KULMIYE iyo Xukuumadda oo soo Dhoweyn Diirran u Sameeyey Garab ka Fuqay Xisbiga UDUB
Hargeysa (Jam)– Xisbiga talada haya ee KULMIYE iyo xubno golaha wasiirrada ka tirsan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xaflad ballaadhan oo soo dhoweyn u sameeyey shalay garab miisaan culus leh oo ka go’ay xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, kuwaasoo ku biiray KULMIYE.

Xaflad loo sameeyey garabka ka go’ay UDUB oo lagu qabtay xarunta xisbiga KULMIYE ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay Madaxwayne-ku-xigeenka Somaliland Md. CabdiraxmaanCabdillaahi Ismaaciil (Saylici), hoggaanka sare ee KULMIYE, Wasiirrada Caafimaadka Dr: Xuseen Xoog, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal, Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada iyo martisharaf kale oo xafladaas lagu casuumay.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo xafladdaas ka hadlay, ayaa sharraxay qodobadda ay ku heshiiyeen garabka UDUB ee xisbigooda ku biiray.

“Waxaannu garabkan UDUB ee nagu soo biiray isla afgaranay si ay uga mid noqdaan hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE iyo guddi-hawleedyadiisa muddooyinka soo socda ee ololaha doorashada ilaa iyo shirwaynaha KULMIYE ee soo socda, waxaanuna si buuxda afgarad uga gaadhnay qaabka iyo hanaanka ay uga hawlgalayaan xisbiga, siyaabahaasna waxa ka mid;

1. Iyadoo la raacayo xeerarka iyo dastuurka xisbiga KULMIYE u yaal cid allaale iyo ciddii ka tirsan golaha baarlamaanka, maadaama ay KULMIYE noqdeen inay toos uga qaybgalayaan golaha dhexe ee xisbiga.

2. Waxa kaloo aannu isla garanay in toban xubnood oo guddiga fulinta ee KULMIYE ah raggani ka mid noqdaan oo ay ku biiraan guddiga fulinta ee KULMIYE.

3. Waxaannu isla meeldhignay oo kale siduu qorayo xeerka doorashada qaranka Somaliland oo u kala asdaysan degmo doorasho iyo gobol doorasho u kala xaddidan inay guddiyada doorashada dawladaha hoose ka qaybgalaya inay ka mid noqdaan afar xubnood oo xubnahan inala fadhiya iyo taageerayaashooda ka mid ah.

4. Waxaannu isla afgaranay maadaama ay dhaqanna tahay xeer xisbina tahay in guddiyada qabanqaabada shirwaynaha xisbiga ka mid noqdaan iyagoo markaa innaga mid ah,” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey qodobadda ay ku heshiiyeen garabka UDUB ee ku biiray.

Waxa kaloo isna xafladadas ka hadlay Mr. Maxamed Qaasin Xaashi oo hore uga mid ahaa guddiga fulinta ee xisbiga UDUB, kaasoo tilmaamay inay ku saxsan yihiin go’aanka ay ku gaadheen inay ku biiraan xisbiga KULMIYE, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Su’aalo badan oo lays weydiinayo ayaan doonayaa inaan inyar ka iftiimiyo. Waxa weeye isbbeddelka siyaasadeed ee meel inta laga tago meel kale la tagaa waa wax soo jireen ah, markaa haddaannu ka tirsanayn xisbigii UDUB, maantana ku biirnay xisbiga KULMIYE sax baannu ku nahay taas, taasoo aannu muddo badan ka fiirsananay xisbigii aannu u digo-rogan lahayn. Si fiican baannu u garanaynaa xisbiga KULMIYE, isaguna wuu na garanayaa. KULMIYE waa raggii annagoo midigta ku haysana hoggaankii iyo madaxnimadii qaranka intay naga dhirbaaxeen iyagu qaaday, waanuna garanaynaa waxay galaan iyo waxay gudaanba,” ayuu yidhi Maxamed Qaasin Xaashi.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna xisbigiisa ku soo dhoweeyey garabka UDUB, waxaannu xusay in KULMIYE iyo UDUB iska xigaan xisbiyada iyo ururrada cusub ee siyaasadda, isla markaana mataano ku yihiin dhismaha qaranka Somaliland.

“Waxa nasiib-darro ah in walaalaheenna Soomalilayeed uu dastuurkooda ku jiro Somaliland oo marka ay hadlayaan aanay carrabkooda ka reebin. Taasi waxay noqonaysaa in dhibaatada maanta koonfurta Soomaaliya haysata ee ay waxba is ku keeni la’yihiin ee Mahiga iyo caalamku dhexdhexaadinayo Ra’iisal-wasaarihii iyo Madaxweynihii waxay dhalayso waynu garanaynaa oo wax wanaagsan laga fil maayo

Waxa ayaan-darro ah ragga halkaa isugu tegay ee iyaga taasi haysataa in aanay weli afkooda soo marin waar haddaynu maanta turunturoona ayaa innoogu xiga Somaliland oo dad walaalaheen ah oo lixixdankii aynu midownay ee horta aan Ictiraafno oo aan maqalno, adduunkana aan la garab-galno oo iyagu ha ina daweeyeen. Horta taladu taas ayey ahayd oo wey ka luntay, mana filayo maantana inay horumar gaadhayaan.

Midna maanta Geeska Afrika, Somalia iyo Somaliland ku dhismi mayso amma Mahiga ha wado ama UN-ku ha wado, mid dhacaysana ma aha Somlia inta dawlad laga dhiso ayaa Somaliland laysku soo jiidayaa, waayo weynaan oggolayn oo waxa jira dad badan oo u badan ganacsato amma siyaasiyiin ah oo hungurigu ka dheer yahay oo durba ruxmaya oo leh haddii Xamar la dhiso oo lacag la geeyo tolow maxay noqon? Waxaan leeyahay raggaas waar iyadoo dawlad ah oo adduunku dhisayo oo lacag leh, oo dawladda Afrika ugu weyn ah ayaannu ka quusanay oo aannu ka goosanay ee ma maantaad ruxmaysaan?” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo farta ku fiiqay in aanay waxba ka dhoweyn nabad ka aslaaxda dalka colaaduhu aafeeyeen ee Soomaaliya.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka qaybgalay xafladda soo dhawaynta ah ee loo sameeyey garabka UDUB, ayaa sheegay inay xisbi ahaan iyo xukumaad ahaanba farxad u tahay garabka UDUB ee KULMIYE ku biiray.

Garabka UDUB ee ku biiray KULMIYE waxa xubno ah wasiirro xilal ka hayey xukuumaddii Rayaale, xildhibaanno Golaha Wakiillada ugu jiray iyo masuuliyiin kale oo xisbigaas ka tirsanaa, waxaanay magacyadoodu kala yihiin:

Maxamuud Siciid Maxamed oo ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xasan Daahir Dhimbiil oo ahaa xoghayihii Somaliland u fadhiyey Itoobiya, Cali Axmed Cali (Yuufle) oo ahaa agaasimihii guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Abiib Xasan Filfil, wasiirkii hore ee Ganacsiga, Cabdirisaaq Waabari Rooble, wasiirkii hore ee Dalxiiska, Maxamed Aw Daahir Ibraahim oo ka tirsanaa guddiga fulinta ee UDUB,Maxamed Cabdi Daa’uud, Badhasaabkii hore ee Gobolka Marood-ijeex, Maxamed Muuse Diiriye oo xukuumaddii Rayaale ka ahaa Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland, xildhibaanno xisbigaas ugu jiray Golaha Wakiillada oo ay ka mid yihiin Md. Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, Md. Xasan Cawaale Caynaan, Md. Cali Diiriye Obsiiye (Gabiley), xildhibaan Maxamed Barkhad Miiggane, mudane Xuseen Cismaan oo UDUB ugu jiray goleyaasha degaanka, garyaqaan Barkhad Jaamac Aar iyo Maxamed Qaasin Xaashi.

Xigasho: Jamhuuriya

Xisbiga Kulmiye oo Munaasabad Balaadhan u Sameeyay Musharax utartamaya Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Taageerayaasha Musharaxa oo Dhoolatuskii ugu Balaadhnaa Ku Muujiyay Cududooda.

Hargeysa(GNS)- Munaasabad Balaadhan oo lagu Soo Bandhigay Musharax Ismaaciil Aw Xasan X.Aadan oo u sharaxan Golaha deegaanka Caasimadda hargeysa ayaa Xaflad dhoolatus ah loogu Sameeyay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Munasaabadaasi oo ay ka soo qayb galeen kumanaan ruux oo isugu jira Masuuliyiin, Haween iyo Dhalinyaro ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka soo qayb galay Gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga mujaahid maxamed kaahin axmed, Gudoomiye ku Xigeenka labaad ee Xisbiga Xildhibaan Waabeeye, xildhibaanada golaha wakiilada somaliland oo ay ka mid ahaayeen xildhibaan c/laahi xuseen cige (black), xildhibaan xasan cawaale caynaan, xildhibaan ibraahim axmed haybe, xildhibaan cali mareexaan, Lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada Abiib diiriye nuur, wasiirkii hore ee boosaha iyo isgaadhsiinta Dr: Axmed Xaashi oday, gudoomiyihii hore ee hay,ada shaqaalaha muxumed aw cabdi, Salaadiin, Waxgarad, Culimaa-udiin, haween Iyo Dhalinyaro Tiro Badan.

Maxamuud Jaamac Warfaa oo ku hadlay Afka Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex ee Xisbiga kulmiye ayaa sheegay in Beesha Musharaxani ka soo jeedaa maanta sameeyeen Dhoolatus wayn oo soo jiidasho leh, Isaga oo Si wayn usoo dhaweeyay Musharaxa Mahad-naq balaadhana usoo jeediyey beesha musharaxa waxaana hadaladiisii Kamid ahaa “Waxaan filayaa inay maanta beesha yoonis jibriil halkan dhoolatus weyn ka muujinayso maxaa yeelay codkii golaha wakiilada ee barigii ka khasaaray inaanu codkaa cabdilaahi (Black) waayin ee uu codkaasi meel kale maray ayaa maanta halkan ka muuqata” Ayuu yidhi Maxamuud Jaamac Warfaa.

Caaqil Cabdi Cumar Warsame oo ka mid ah Cuqaasha Beesha Musharaxa oo isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaasi ayaa Sheegay in Musharax ismaaciil awxasan ay Codkooda iyo Maalkoodaba la garab taagan yihiin isaga oo Xusay in Dhoolatuskaasi ay sameeyeen noqon doono mid u quus gooya cid kasta oo kalsooni darro ka haysay soo bixida musharaxa

Marwo Canab muxumed oo kamida Golaha dhexe ee xisbiga kulmiye oo madashaasi ka hadashay Ayaa Faahfaahin ka bixisay Awooda taageeradda musharax ismaaciil aw xasan oo ay ku tilmaantay mid kalsoonideeda leh, waxaana hadalkeedii ka mid ahaa “ Aamina muuse weheliye ayaa tidhi bari asaybaan sidaa inta Somaliya ay is haysato anagu hadaanu nahay haweenka ku abtrisanaya xisbiga kulmiye asaybaanu sidnaa ilaa uu soo boxayo xildhibaan Ismaaciil Aw xasan X. aadan oo aanun codkayaga u huri doono anagoo ilaahay kaashanayna awoodayadana muujinayna waxaanu hiil iyo hoo iyo lagarab taaganahay Ismaaciil Aw xasan X. aadan” ayay tidhi Canab muxumed.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadashay marwo xaliimo cabdi obsiiye oo kamida qurba joogta reer soomaaliland ee Wadanka Holland waxaanay ugu baaqday dadwaynaha kasoo qayb galay munaasibadaasi inay codkooda la garab istaagaan musharaxa Ismaaciil Aw xasan waxaanay tidhi “ waxaan maanta halkan ka iclaaminaynaa oo aanu cid walba u sheegaynaa ismaaciil aw xasan oo ka sharaxan xisbiga kulmiye inuu yahay nin u qalma jagada uu isku sharaxay inuu leeyahay karti, dulqaad iyo samir, inuu yahay nin aqoon u leh jagada uu iskusoo sharaxay, sodoo kale waxaan halkan idiinka cadaynaynaa ismaaciil aw xasan inuu yahay ninka hananaya jagadiisa oo aynu halayn karo jagadaasi” ayay tidhi marwo xaliimo cabdi obsiiye.

Xildhibaan ibraahim axmed haybe oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somalialnd oo hadal kooban munaasibadaasi kasoo jeediyey ayaa sheegay inaanay soo sharaxayn rag kaliyaata ee ay dumarna soo wadaan soona sharixi doonaan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa“Halkan anuu umaan kicin inaan soo dhaweeyo dadkayaga halkan fadhiya, dadka halkan fadhiyaa waa dadkii ku abtirsanayey kulmiye, muuqa iyo magacaba sidaa awgeed waxa kaliyeen u kacay maanta waxa la yidhi hadii lagu sheego waa lays shaalaa hadii lagu shareerana waa lays sheegaa waxaan u kacay inaan sheegto faan aan leeyahay oo aanay cidna ila lahayn cidina igula murmaynin cidina igagasoo horjeedsanaynin faankaan sheeganayaana gudoomiye muuse hortaaduu ka muuqdaa waxaanu maanta halkan ku sharaxaynaa oo aanu soo gudbinay murashaxayagii koowaad hadaanu nahay beesha jibriil abokor ee deegaanka hargeysa oo ah ismaaciil aw xasan X. aadan, musharaxani waa musharixii labaad ee dadka kasoo jeeda degmeda gabiley ay usoo sharexeen golaha deegaanka ee hargeysa kanasoo sharexeen xisbiga kulmiye hadii aan dib ugu noqdo taariikhda doorashadii ugu dambaysay ee madaxtooyada deegaanka gabiley konton iyo waxoogaa baa ka codeeyey afartan kun waxaa lahaa kulmiye toban iyo waxoogaana waxaa lahaa dadka kale halkaa waxa ka muuqata oo marag madoon ah in lixdii qof ee meel wada joogayba shan kulmiye ahaayeen anagoo faankaa leh oo aanu xaq uleenahay inaanun isa sheegno waxaanu maanta soo ban dhignay kii labaad ee aanu u sharaxaynay golaha deegaanka ee hargeysaad waxaan intaa ku darayaa inaanu diyaar unahay inaanu inaanaan inamo kaliya keenine hablana waanu wadnaa waananu keenaynaa ” ayuu yidhi xildhibaan ibraahim axmed haybe.

Lataliyaha madaxwaynaha ee arimaha siyaasada Abiib diiriye Nuur (Abiib Timacade) oo munaasibadaasi hadal kooban kasoo jeediyey ayaa Aad usoo dhaweeyay musharaxa hambalyeeyayna dhamaan dadka kasoo qayb galay xaflada waxaanu yidhi “maanta waa maalin weyn waa maalin farxadeed waxaan aad idiinku hambalyaynayaa guusha qiimaha leh ee sharafta leh ee aad gaadheen waxaanan ahay ninka koowaad ee idinku hambalyaynaya ee idin agtaagan waxaa maanta muuqata barigii aynu halkaa joognay qaaxo nimankii aynu awliyada ku tilmaanay cali bayle waxaa lagu tilmaami jirey waa milatari maanta ismaaciil inuu fuushanyahay taangigii cali bayle waa xaqiiq, ismaaciil wuu ku guuleystee maantaba haku bishaaraysto”ayuu yidhi Abiib diiriye Nuur.

Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Cududa taageerada musharaxu maanta si fiican uga muuqato madasha isaga oo xusay in ay kalsooni fiican ku qabaan, musharaxa ay soo bandhigeen.

Xildhibaan C/laahi Black waxa uu Dhaliilay hadal uu shalay Gaboose Saxaafada u mariyay Xukuumadda Somaliland, isaga oo sheegay in Gaboose aanu cid kale ku dhaliili Karin Musuqmaasuq iyo cadaalad darro waxaanu sheegay in Muddadii uu Wasiirka ahaa Dr.Gaboose ku kacay Tii ugu waynayd isaga oo sheegay in uu jabiyay qodobo ka mid ah dastuurka Somaliland.

Waxaa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye Mujaahid maxamed kaahin axmed isaga oo sheegay inuu xisbiga kulmiye qirsanyahay taageeradii ay la garab istaageen dadwaynaha reer gabiley waaxana hadaladiisii ka mid ahaa “waxaan jeclahay inaan tilmaano, anaga laftayadu gobolka gabiley xisbigu taageeradii uu ku lahaa baaxadiisu intay leegtahay, anaga laftayadu dee macluumaadkiisa waxbaanu ka haynaayoo kolay anuu qaar badanoo gobolka kasoo jeedaan ka aqaanaa markaa musharixiintii hore ee la sheegay ee uu xasan shahar kamid yahay hodan oo xafladeedii aynu qaban doonaa ay ka mid tahay maantana halkan ismaaciil aw xasan uu musharax inoogu yahay aad iyo aadbaanu ula soconaa hadaanaan intaa qadarinaynin intaasoo musharaxa dee anaguba markii hore kumaanaan sii talaabsaneen arintani markaa waa dhab xiligii ugu horeeyay ayaa ree gabiley musharixiintooda magaalada hargeysa lagasoo sharaxayaa waxa markaa loo baahanyahay inaad muujisan inaad awoodiina u leedihiin tiradiina u leedihiin” Ayuu Mujaahid maxamed kaahin axmed.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi hadalo aad u qiimo badan oo iskugu jira mahad celin iyo balanqaad kasoo jeediyey Musharax Ismaaciil Aw xasan X. aadan oo ah musharaxa xaflada loo qabtay waxaanu yidhi “Marka hore waxaan aad ugu mahad naqayaa madaxda xisbiga kulmiye oo si xushmadi ku jirto iiga aqbalay codsigaygii aadna iigusoo dhaweeyey inaan kamid noqdo musharixiinta golaha deegaanka ee hargeysa waxa kale oon salaamayaa dhamaan marti sharafta kasoo qayb gashay xafladan, runtii arintani maanta waxay kor u qaadaysaa shucuurtaydii run ahaantiina siday dadkaygii ii taageereen, waxay igusii riday inaan meel aan gaadho iskala garan waayo, taasina waa wax aniga ii sharafa, waxaanan halkan idiinka balan qaadayaa iyadoo masuuliyadu ay tahay wax adag, hadii ilaahay yidhaa oo aynu xilka ku guulaysano inaan ahaado mid daacadnimo iyo hufnaan ku shaqeeya oo anan ahaanin mid dadkiisa kasii jeesta insha allah”ayuu yidhi Musharax Ismaaciil Aw xasan X. aadan.

Wasiirkii hore ee Boosaha iyo isgaadhsiinta Dr.Axmed Xaashi Oday, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan iyo Gudoomiyihii hore Hay’adda Shaqaalaha Muxumed Aw Cabdi oo iyaguna halkaasi hadallo ka soo jeediyay ayaa aad usoo dhaweeyay Musharaxa Golaha Deegaanka Caasimadda hargeysa Ismaaciil Aw Xasan X.Aadan.

Gebagabadii munaasibadaasi ayaa waxa hadal kooban kasoo jeediyey gudoomiyaha xisbiga kulmiye mujaahid muuse biisi cabdi isaga oo sheegay ismaaciil Aw xasan inuu hore u ahaa xisbiga kulmiye waxaanu yidhi “ waxaan halkan uga mahadnaqayaa dadwaynaha rag iyo dumarba leh ee maanta cududooda xisbiga kulmiye u muujiyey waxaan hubaa inta ismaaciil wada iyo inta dooran doontaba codkoodu inuu hore kulmiye u ahaa, mudanayaal iyo marwooyin kulmiye waa gabiley, gabileyna waa kulmiye, horena waynu isku mahadinay, mid waxaan ka odhan kulmiye, midna waxaan ka odhan hawlaha doorashadee taagan, walaalayaal kulmiye waad doorateen xilbaad u dhiibteen hawshii aad u dhiibteena sidiibuu ugu fooganyahay hadii aynu waa bil rabadaane xaqiiqo u qiyaasno dawlad aan dhaqaaleheeda cidi taageerin oo tamarteeda aynu ognahay hadii aynu xaq u miisaano halkii kulmiye uu kan bilaabay ama xukuumadaa maanata joogtaa waxa marag madoon ah oo aan nina dambi ka raacayn in intii loogu talo galay in ka badan mudadaa ay qabatay xukuumada kulmiye, qodobka labaad doorashada maanta joogta ragii xisbiyada halafuro ku qasbayey dawlada ragii u tafa xaytay xisbiyada halafuro lama gaadhin kaambaynkii iyo wakhtigii lawada hadli lahaa sidaa darteed kahordhicimaayo waxaanse leeyahay waa bilowe goormaad durba qaylinaysaan waatii xisbiyto laydiinka taaglahaaye adygeeda lahaada hawshu waa bilowe tartankana waa lagalayaa markaa yaan lasii qaylin ayaan leeyahay, ninka kulmiye aamini wayey ee xisbi ka furtayoow ardaaga aad wadataa yuu kula yaraanin maanta oo haka calaacalin wali laguma gaadhine” ayuu yidhi mujaahid muuse biixi cabdi.

Musharaxan ayaa Madasha ku soo bandhigay Taageerayaashii ugu badnaa ee Xisbigu Xaflada u sameeyo tan iyo intii Dabarka laga furay Ururadda Siyaasada Somaliland.

Xisbiga KULMIYE oo caawa yeeshay shir ku saabsan u diyaar-garowga doorashada Deegaanka
Xisbiga KULMIYE ayaa caawa Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shir ku saabsan sidii xisbigaasi uu iskugu diyaarin lahaa doorashada Goleyaasha deegaanka dalka ee la filayo inay qabsoonto dabayaaqada sanadkan 2012-ka.

Xafladan waxa ka qayb galay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed,Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, Gudoomiyaha Garabka Haweenka ee Xisbiga Kulmiye Marwo Canab Cumar Ileeye,iyo Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madashaasi ka hadlay ayaa ka waramay sida ay daruuriga u tahay in garabyada kala duwan ee xisbiga kulmiye ay isugu diyaariyaan tartanka doorashada golayaasha deegaanka ee la filayo inay dalka ka qabsoonto dabayaaqada sannadkan aynu ku guda jirno ee 2012.

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in balan-qaadkii uu xisbiga kulmiye ku hantay codka kalsoonida shacabka ay salka ku haysay ka midho dhalinta himilada ummada, waxaanu xisbiga u rajeeyay in dhamaantood iyagoo isku duuban ay u guntadaan sidii uu xisbugu guul balaadhan uga soo hoyn lahaa doorashada golayaasha deegaanka maadaama uu la tartamayo sida uu xusay sideed urur siyaasadeed.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay xubnaha u sharaxan golaha deegaanka ee caasimada dalka ee hargaysa in xisbugu ku xushay kuwo mihnad u leh baahiyaha ay ummadu tirsanayso gaar ahaan caasimada oo ah muraayadii qaranka.

Xasan Siciid Waxa uu intaas ku daray inay kalsooni buuxda ku qabaan inay xubnahanii daweeyaan adeegyada Waxbarashada Caafimaadka,biyaha ,wadooyinka iyo wixii la hal maala ee bulshadu uga baahan tahay.

Xigasho:

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa

cumarmfaarax@hotmail.com

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo jawaab qumman siiyey Sheekh Shariif
Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin u diray Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Magaaladda Muqdisho:

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in Madaxwaynaha Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ku celceliyo midnimada Somaliya, balse waxa uu tilmaamay in reer Somaliya hore u aaseen Midnimada ay Somaliland ka doonayaan.

Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayey Munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhaweeyay Musharaxa ka mid ah Musharixiinta uga qayb-galaya doorashada deegaanka Caasimada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay beesha caalamka iyo dawlada Sheekh Shariifba cod dheer ugu sheegayaan inay midnimada Somaliya hore u aaseen, isaga oo tilmaamay inay isticaalayaan weedhii Marxuum Cigaal ka sheegay shirkii Somaliya loogu qabtay 1993-kii, taasi oo ahayd inay bogsatay halkii xanuuni jirtay marka loo qaado heesta “Somaliyey toosaa oo isku tiirsada”

Guddoomiye Muuse oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Sheekh Shariif shalay oo dhan waxa uu akhriyayey khudbad ah in Somaliya la mideeyo, waxaanu adduunka cod dheer ugu sheegaynaa eraygii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ka yidhi shirkii Addis Ababa 1993-kii markii loo qaaday heestii ahayd “Somaliyey toosoo isku tiirsada” ee uu yidhi halkii I xanxantoon jirtay maanta I xanxantoon-mayso oo way I engagtay”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxa uu fariin toos ah u diray Madaxwayne Sheekh Shariif “Markaa Shariifka iyo inta shiraysa waxaanu leenahay midnimada Somaliland laga doonayo waydinkii aasay”ayuu yidhi.

Hadalka Guddoomiye Muuse Biixi ayaa imanaya malin ka dib markii Madaxwayne Sheekh Shariif hadal uu ka jeediyay madasha ay ku shirayaan odayaasha dhaqanka ee Magaaladda Muqdisho uu ku sheegay inay ka shaqeynayaan midnimada Somaliya.

Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo daboolka ka qaaday inu Murashax Kulmiye ah yahay doorashada Golaha deegaanka Hargeysa
Hargeysa, July 20, 2012 (Haatuf) – Xisbiga Kulmiye ayaa shalay xaflad aad u balaadhan ku soo dhaweeyey Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo uga tartami doona doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa, kaas oo lagu Calaamo saaray Madal Ilyartu is qabsatay oo la isku arkay.

Munaasibadda xafladdaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay dadweynihii ugu tirada badnaa ee maalin kaliya u soo baxay taageerada Mushsaaraxiintii guud ahaamba laga soo sharaxay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo muujiyey Kalsooni ay ku qabaan Siyaasiga ay badka soo dhigeen.

Waxaana Xaflada lagu soo dhawaynayey Musharax Yuusuf Warsame Siciid oo shalay ka qabsoontay Hutelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, Salaadiinta iyo oday dhaqameedka uu musharaxaasi ka soo jeedo,dhalinyarada iyo Haweeenka iyo aqoonyahada kale oo beeshaasi iyo guud ahaamba taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo aan u kala dhalin soo dhaweynta iyo damaanshaadka caleemo saarka musharaxaasi.

Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ah Sheekha Magaalada Hargesa uga wakiilka ah Masaajidka Cali Mataan oo furitaankii xafladdaasi ku daah furay Aayado Qur’aana waxa uu sheegay inuu Mushaxani yabay nin aqoonyahan ah, isla markaana ah ninka ugu mudan Maayar-nimada Magaalada Hargeysa inuu hogaanka u qabto.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu isagu reer nimo ugu iman balse ay saaxiibo yihiin waxaanu xusay inuu horey ula soo kulmay Musahraxaasi kalana soo taliyey dhinacyo badan sida inuu Ilaahay ka cabsado isla markaana ku maamulo caasimadda Hargeysa haddii Ilaahay u garto aqoontiisa iyo cabsida Ilaahay.

Aamina Maxamuud Diiriye oo ah madaxa xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada oo madashaasi ka hadashay waxay sheegtay inay ka deegaan ahaan uga fadhiyaan Eng Yuusuf inuu waxbadan badalo muuqaalka Caasimadda Hargeysa, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Ku Xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Cali Yuusuf, Gudoomiyaha Gobalka Hargeysa ee Kulmiye Khadar Cabdi Xuseen, Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Mr. Mahad Ibraahim Maxamed ,

Dhinaca Kale Waxa iyana madashaasii ka hadashay Marwo Adna Aadan Ismaaciil waxaanay Eng Yuusuf ku waanisay inaanu dhayalsan codka haweenka iyo dhalinyarada, waxaad ogaataa haddii ay Dumarka halkaas fadhiya oo ah labada qaybood ee bulshada ugu tabarta darani inaadan soo bixidoonin haddii ay kuu codeeyaana waad soo bixi inaa shaa allaah way kuu codayndoonaane”.

Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ka mida mudanayaasha sida weyn loo dhaliilo ee golayaasha deenaanka oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inaanu ilaa iyo hadda meel marin sharcigii loo sameeyey kala xadaynta Magaalooytinka Somaliland gaar ahaan Hargeysa, waxaanu yidhi “Ilaa makhaayadda Inanta iyo Naaso Hablood inta u dhaxaysa meel kaliya oo School iyo dhakhtar toona laga dhiso majiro waana kuwa aanu filooyinka waaweyn ka dhisanay.

hadaad qof aqoonle ummadda u keentaan waxbuu idiin qaban haddii aad Iimaan laawayaal keensataana hadhaw baad ooyi doontaan ee hadda iska hubsada cidii aad wax u dhiibanaysaan”.

Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Musharaxa Xaflada lagu soo dhawaynayey Eng. Yuusuf Warsame Siciid, kaas oo madashaas ugu horayn ka cadeeyay in uu yahay musharax u taagan in uu u tartamo doorashada golaha deegaanak caasimada Hargeysa, kana dhex tartamo xisgiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Waxaan halkan u soo istaagay in aan cadeeyo, in aan xisbigayga KULMIYE u cadeeyo, oo aan shacbigayga reer Hargaysa u cadeeyo in aan ahay musharax u sharaxan in uu ka mid noqdo golaha deegaanka caasimada Hargaysa ee soo socda”.

waxa kale oo uu ka waramay Eng. Yuusuf Warsame Siciid taariikhdii Hargaysa markii u horaysay u jeedadii laga lahaa in Magaalo laga dhigo, waxaanu yidhi “Haddii aan idiinka waramo magaaladan Hargaysa taariikhdeeda, oo aan ka sheekeeyo magaalaynteedii waxay ahayd muraadka u wayn ee ay dadkii xiligaa ku noolaa ka lahaayeen waxay ahayd in loo soo biyo doonto xiliga ay xooluhu biyaha u baahdaan iyo in yar oo baayac mushtari ah oo u shaqaysa, iyo shacabka oo ingiriisku deganaa iyo halka loo yaqaano Hindiya laynka oo ay Hidnidu deganaayeen oo u dhaxaysay, wakhtigaa tirada dadka ku noolaa waxaan u malaynayaa in aanay ka badnayn sodon kun oo qof”.

Sidoo kale Eng. Yuusuf Warsame waxa uu is bar-bar dhig ku sameeyay kala duwanaan shaha sidii ay ahayd magaalada Hargaysa boqol sano ka hor iyo sida ay hada tahay, waxaanu sheegay in ay hada ku nool yihiin dad ay tiradoodu kor u dhaafayso hal milyan oo qof, sidaa darted tirada dadka ee sii korodhayna ay keenayso in mushkilado badan ay caasimadu yeelato, isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxa uu yidhi “ imikana waxaynu ka hadlaynaa magaalo camiran, magaalo milyan iyo dheeraad ku nool yihiin, markaa waad garan kartaa magaalo milyan iyo dheeraad ku nool yihiin mashaakilka ay leedahay ee ay la imanayso, waxaa ka mid ah gaadiidkii, wadooyinkii, sidii qashinkeedii loo nidaamin lahaa, waxaa ka mid ah dhalinyartu halkay ku ciyaari lahayd sidii loo heli lahaa, markaa way badan tahay mashaakilka ay magaaladu leedahay”.

Xigasho: Haatufnews