August 29th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIUE.ORG)- Guddoomiya xisbiga Taladda Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Ayaa maanta markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyay kulamo maalmihii ugu dambeeyay ay magaaladda Hargeysa ku yeesheen isaga iyo Guddoomiyaha siyaasadda, ahna wasiirkii hore ee Duulista Cali Maxamed Warancade. Read more »
August 26th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka nidaamka ururada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ka dib markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtidu uu midba dhinaciisa cod aqlabiyad ah ugu meel mariyay xeerkan oo dad badani danaynayaan. Read more »
August 25th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Guddiga cadaalada Somaliland, ayaa soo saaray go’aan ay xilkii kaga qaadeen Guddoomiyihii Maxkamada Racfaanka gobolka Hargeysa, ka dib markii lagu helay inuu sifo sharci daro ah uga soo daayay xabsiga Hargeysa koox budhcad-badeed ah. Read more »
August 25th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (Jam/kulmiye.com)- Qoysas qurbo-joog tiro badan oo wakhtiga xagaaga dalka yimi, ayaa ku cadillan magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, kadib markii diyaaradda DJibouti Air oo markii soo qaaday, isla markaana celin lahayd joojisay gebi ahaanba duullimaadyadii ay ku iman jiray garoomada Somaliland. Read more »
August 20th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(Somalilandpress)- Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa faahfaahin ka bixiyey heshiiska maalgashi ee weftigii Madaxweyne Axmed Siilaanyo la soo galeen Shiinaha.
Read more »
August 20th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (ANN) Dr. Maxamed Cabdi Gaboose Wasiirka Arrimaha Gudaha Ee Xukuumada Siilaanyo ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Somaliland. Dr. Gaboose ayaa sidaa ka sheegay shir jar’aaid oo uu qabtay magaalada Hargeysa.
Wasiirku isagoo sharaxayaa sababta uu isku casilay waxa uu sheegay inuu doonayo inuu ka qayb galo tartanka siyaasadeed ee ururada la furay. isagoo yidhi, “ Waxaan doonayaa inaan ka sal gaadho hamigayga siyaasadeed. Warqadayda Iscasilaada waxaan u gudbiyay Madaxwaynaha Somaliland intii aanu shiinaha u ambabixin waanu iga Aqbalay.” Read more »
August 19th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa- (KULMIYE.ORG)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii ay soo dhamaysteen Booqasho rasmi ah oo ay mudo hal todobaad ah ugu maqnaayeen Dalalka Ethiopia iyoShiinaha. Read more »
August 16th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (Jam/KULMIYE,ORG)- “Wallaahi xisbiga KULMIYE wuu dhisan yahay oo ku guulaysan karaa doorashooyinka golayaasha degaanka. Waa xisbi qaran, waa xisbul-xaakimkii, waa xisbigii doorashooyinkii degaanka iyo baarlamanka door weyn ka ciyaaray, doorashadii u dambaysay ee madaxtooyadana ku guulaystay, awooddiisii xisbinimo iyo taageeradiisii shacabna wuu haystaa.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo Axaddii Jamhuuriya siiyey waraysi khaas ah, kaas oo qaybtiisii koowaad ku soo baxay cadadkii shalay. Read more »
August 6th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG) Guddoomiyaha xisbiga taladda dalka haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta wareegto uu soo saaray Tifaftire Sare Xasan Siciid Yuusuf Ugu magacaabay in uu noqdo xoghayaha guud ee ku meel gaadhka ah ee xisbigaas, ka dib markii uu dhawaan geeriyooday alle ha u naxariistee Xoghayihii guud ee xisbigaas Marxuum Keyse Xasan Cige.
Mujaahid Muuse Biixi ayaa kula dardaarmay xoghayaha cusub In mudada kala guurka ah ee uu xilka hayo uu ku dedaalo sidii uu hawlaha xisbiga u dardar gelin lahaa.
Waxa kale oo uu dhamaanba masuuliyiinta xisbigaas u soo jeediyay in ay xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Md. Xasan Siciid Yuusuf u fududeeyaan hawlahiisa isla markaana si hagar la?aan ah ula shaqeeyaa.
Xogyaha cusub ee xisbiga Kulmiye Mr. Xasan Siciid Yuusuf ayaa hadda ahaa guddoomiyaha wargeyska Madaxa banaan ee Jamhuuriya, waxaanu muddo dheer ahaa tifaftirihii wargeyskaas.
Xasan Siciid Waxa uu ka mid yahay hal doorka saxaafadda xorta ah ee maanta ka hano qaaday jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu noqonayaa suxufigii ugu xadhig badnaa ee abid Somaliland Soo mara.
Kulmiye Media
Email, kulmiyeparty1@gmail.com
August 4th, 2011 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay shir lagu darsayay horusocodka siyaasadda dibadda Somaliland ee sanadkii la soo dhaafay, isla markaana lagu qiimaynayay wixii u qabsoomay oo lagu qabtay Machadka Daraasaadka iyo Horumarinta ee Chatham House ee magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Read more »