March 31st, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Hargeysa (Kulmiye.Org)- Masuulliyiin ka Tirsan Xisbiga KULMIYE oo soo Dhaweeyey Baaq ay soo Saareen Qurbo-jooga Reer Saaxil ee Birmingham.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo masuulliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda gobolka Saaxil, ayaa soo dhaweeyey Shir ay isugu yimaadeen xubno ka soo jeeda Saaxil oo dhawaan ku qabsoomay Dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaallada Birmingham, kaasoo ujeedadiisu ahayd baaq kusocda dadweynaha reer Saaxil oo ku saabsanaa inay ka qayqaataan isbedel dalka ka dhaca, islamarkaana si buuxda u taageeraan xisbiga mucaaridka ah ee Read more »
March 30th, 2010 in Codka Muwaadinka | Comments Off

Waxaan Salamayaa Inta Dareenka Iyo damiirka Somaliland-nimo leh, Inta U damqata Somaliland Inta ka soo Horjeeda Musuqmaasaqa Hanti Boobka Horumar La’aanta Biyo La’aanta Caafimaad La’aanta Waddo La’aant Doorasho La’aanta Citiraaf La’aanta Dhaqaalo La’aanta Waxbarasho La’aanta Shaqo La’aanta Dastuur Jabinta iyo Ku Tartanka Boobista Hantida Ummada. Read more »
March 30th, 2010 in Kulmiye_party | Comments Off
KU: MD. C/NAJAX SIYAAD AW CABDI
OG: GUDDOOMIYAYAASHA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA EE XISBIGA
UJEEDDO: KU DARID GUDDIGA MUSDAMBEEDKA XISBIGA
Tixraac warqadda summadeedu tahay XK/G/00263/10 , kuna taariikhaysan 18/03/2010 ee ujeedadeeduna tahay Magacaabista Guddiga musdambeedka ololaha Doorashada. Read more »
March 30th, 2010 in Codka Muwaadinka | Comments Off

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho Read more »
March 29th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

Borama (Kulmiye.Org)- Qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka Xariirad ee Gobolka Awdal, ayaa shalay Xabsiga loo taxaabay, ka dib markii sida la sheegay ay ku biireen Xisbiga KULMIYE.
Inkasta oo aanu la xidhiidhnay masuuliyiinta gobolka Awdal, si aanu arrintan wax uga waydiino, haddana sida uu xalay baahiyay Telefishanka HCTV, Odayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay ka dib markii sida la sheegay ay ku Read more »
March 29th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off



Hargeysa (Somaliland.Org)- Masuuliyiinta Gobolka Salal kaga jira Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa ka warbixiyay xaaladda Gobolkaas ee dhinaca adeegyada aasaasiga ah iyo tallaabooyin dhawaanahan Xukuumaddu qaaday oo fikirkooda siyaasadeed loogu xidh-xidhay Odayaal ka tirsan kuwa Deegaankaas. Read more »
March 29th, 2010 in Press | Comments Off
Hargaysa(Ramaas) Mar.28, 2010 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqday bukaanka ku jira cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargasya, waxaanu soo maray dhamaan waadhadhka cisbitaalkaasi ka kooban yahay.

Guddoomiyaha oo ay weheliyeen xubno ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE waxa uu ILLAAHAY uga baryay dadkaasi bukaanka ah in uu caafimaad degdeg ah siiyo. Read more »
March 29th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

“Waxaan maqlay rasaas badan oo soo dhacaysa, inyar kadibna waxaan arkay shan dhallinyaro ah boolisku xabbaddo ku ridayey ay aniga jilibka igaga dhacday”
Rabiic Maxamed Xuseen
Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha Ololaha Gobollada Galbeedka ee xisbiga mucaaradka ee KULMIYE Mr. Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa si kulul u cambaareeyey talaabo ciidanka bileyska saldhigga Dalloodho ee magaalada Hargeysa ku rasaaseeyeen dhallinyaro ka tirsan taageerayaasha xisbigooda, isla markaana mid ka mid ah ku dhaawacay. Read more »
March 28th, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off

(Toronto,Kulmiye.org) Gudida iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaalada Toronto ayaa maalintii Sabtidii si weyn shir balaadhan ugu soo dhaweeyay xildhibaan Cumar Sanweyne oo booqasho khaas ah ku jooga maagalada Toronto. Xildhibaan Cumar Sanwayne oo ka tirsan gudida arimaha dibada ee golaha wakilada Somaliland ayaa hada booqasho bil ah ah ku jooga magaaladan Toronto. Shirkani wuxuu oo ka dhacay bariga Read more »
March 23rd, 2010 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
(Birmingham , Kulmiye.org) Xaflad ballaadhan oo kulmisay qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka dhacday magaaladda caasimadda labaad ee waddanka Ingiriiska Birmingham, Xafladan oo ahayd mid noceedu ku cusub yahay qurbajooga waxaa soo agaasimay Xisbiga Kulmiye laantiisa Birmingham, waxaana ka soo qayb galay siyaasiyiin ay kamid ahayeen, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Kulmiye Read more »