Archive for January, 2010

Guddoomiyaha KULMIYE oo si aan hore loo arag loogu soo dhaweeyay Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)

SL (7) by you.

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Madaarka Hargeysa, ka dib markii uu socdaal kaga soo laabtay dalalka Maraykanka iyo Itoobiya oo uu soo maray.

SL (8) by you.

Read more »

Diyaarad Khaas Ah Oo Md Axmed Silanyo Kaga Imanayo Maalinta Axadda Ethiopia

private_jet by you.

January 30th, 2010 Comments Off

Addis Abab (kulmiye.Org) Guddomiyaha xisbiga Kulmiye Md Axmed Maxamed Silanyo ayaa soo gaadhay magaaladda Addis Ababa ee casimada dalka Ethiopia maalintii arbacadii, isagoo safar kaga soo noqday dalka Maraykanka. Guddomiye Silanyo ayaa intii uu joogay magaaladda Addis Ababa ayaa waxu kulamo la yeshay safiirka dalka Ingiriska u fadhiya Ethiopia, safiirka Maraykanka u fadhiya Ethiopia, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Ethiopia. Read more »

Abaabul Xoogan Soo Dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga iyo Waraysi Aanu La Yeelannay Guddoomiyaha Warbaahinta

http://lughaya.com/wp-content/uploads/2009/11/ilk1.jpg ( Kulmiye.org) Abaabul xoogan oo loogu diyaar-garoobayo soo dhawaynta Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ilaa xalay ka socday magaalada Caasimada ah ee Hargeysa, kaasoo la filayo inuu maalinta berri ah ka soo dego madaarka Diyaaradaha ee Cigaal. Read more »

YAA INA HABAARAY….(QAYBTII KOWAAD)

http://4.bp.blogspot.com/_yo-aq_NCjxQ/SkQAwAw1z2I/AAAAAAAAA_o/_OxBmajQt1s/S240/Ahmed.jpg

Ahmwd Arwo

CODKAAGA KU CIIL BAX, waxa hortimid su’aalo ah Codkee? Halkee food ka jiraa? Aan codeeyee meeday doorasho?. Haddaba waxaan hakiyey Codkaaga ku Ciil Bax, ilaa aan dhabada cod-bixinta ka qaadayno isbaarada dabataxanta ah ee ciddii waajibka ay ku ahayd inay doorasho qabataa dariiqa daadinayso. Xilka ugu mudan ee Xukuumad dimuquraadi ahi leedahay waa inay xaqiijso in la helo tartan xalaal ah oo doorasho ku dhacdo xiligeeda. Waana qalad in lagu abaal mariyo korodhsiimo iyo Read more »

Daljire: “Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”

http://www.sallaxleynews.com/1/albums/userpics/geeljire_r.jpg

DALJIRE

“Warsaxaafadeed,Warsafeexadeed iyo Warfadeexadeed iyama?”

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka Read more »

War Saxafadeedka Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Siilaanyo Iyo Senator Al Franken (D) Jan26/2010

War Saxafadeedka Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Axmed Siilaanyo Iyo Senator Al Franken (D) Jan26/2010 Ee Washington D C

Al Franken


United States Senator
from Minnesota

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maalintii Salaasada ee 26 ka bisha Jan, 2010 uu xafiiskiisa ku martiqaaday kuna soo dhaweeyay Senator Al Franken (D) oo laga soo doorto gobolka Minnesota kana tirsan xisbiga Dimuqraadiga ah ee aqlabiyada ku fadhiya labada gole ee barlamanka-ka Read more »

Xisbiga KULMIYE Oo Munaasibad Maamuus Ah Ku Soo Dhaweeyey Taageerayaal Cusub Oo Xisbigoodu Yeeshay

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/Eng-Baashe-Cabdi-Gaboobe.jpg

Hargeysa(kulmiye.com):-Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga  KULMIYE, ayaa maanta Xaflad soo dhawayn ah ku qaabilay Taageerayaal cusub oo Xisbigooda ku soo biiray, isla markaana sheegay inay ka soo baxeen Xisbiga talada haya ee UDUB oo ay hore u taageeri jirieen. Read more »

Mudanayaasha Kongreska Ee U Qaabilay Md Siiaanyo Waxa Ka Mid Ahaa Md Keith Ellison

kulmiye.com, Washington DC USA) Goddoomiyaha xisbiga Kulmiye mudane Axmed Maxamed Siilanyo wuxuu maalintii  taarikhdu ahayd Jan 21, 2010 kula kulmay aqalaka Kongreska ee Mareykanka xildhibaan Keith Ellison oo ah xildhibaanka ka soo jeeda ah gobolka Minnesota, gobolkaas oo ah meel Soomaalidu aad ay u deggen yihiin.

Congressman Keith Ellison1 by you.

Read more »

Md Muse Biixi Oo Maamulka Rayaale ka dalbaday inuu mideeyo Weedhaha kala fog ee ka soo Yeedhaya Wasiiradiisa

Hargeysa(HWN):- Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ah KULMIYE ayaa wax lala yaabo ku tilmaamo weedho is burinaya oo ka soo yeedhay todobaadkan Wasiiro ka tirsan Xukuumada. Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE ahna ku simaha Gudoomiyaha Muuse Biixi Cabdi ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay haddallo ku aadan Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka soo yeedhay Wasiiro xukuumadda ka tirsan. Read more »

Udub Iyo Daahitr Riyaale Miyay Ka Naxeen Guusha Safarka Gudoomiyaha Ee Maraykan

http://www.longlivesomaliland.com/IMAGES/dr-maxamed-cabdillahi-cumar.jpg

Hargeisa(kulmiye.com)Xoghayaha Arrimaha Dibedda KULMIYE oo Shaaca ka Qaaday in Xukuumadda Rayaale ka Khalkhashay Safarka Axmed-Siilaanyo ee Maraykanka

Booqashada Guddoomiyaha KULMIYE ee Maraykanku Waxay Degenaansho La’aan ku Riday Maamulka Rayaale oo Waa Kuwaa Wasiirradiisii Kala Hadlaya’ Read more »