Khudbado hoggaanka xisbiga KULMIYE u jeediyeen Shirka Golaha Dhexe ee ka socda City Plaza, Burco
August 24th, 2008
Burco (Somaliland.org) – Kadib markii shirku doortay hoggaanka Golaha Dhexe waxa halkaa khudbado ka jeediyey xubno ka tirsan hoggaanka xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ku aaddanaa shirka iyo hawlaha u yaalla iyo weliba guud ahaan arrimaha xisbiga u yaalla ee dalka.
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Xaaji Axmed Maxamuud Maxamed “Siilaanyo” ayaa hadal uu ka jeediyay shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye waxa uu ka waramay xaalada dalku marayo iyo qiimaha shirkani ummadda reer Somaliland u leeyahay.
Guddoomiyuhu waxa uu ugu horrayn u mahadnaqay Guddidii soo qabanqaabisay Shirka Golaha Dhexe, xubnaha Golaha Dhexe iyo martisharafta ka soo qaybgashay. Intaa kadibna waxa uu hadalkiisa ku bilaabay:
“Maanta halkan ka soo jeedin maayo khudbad dheer, erayaal aan isleeyahay waa muhiim inaynu markasta is xasuusino baan isku koobayaa. Waynu ogeyn, wakhti aan fogeyn oo ahayd 29-31 March waxaynu qabsanay Shirweynaheennii xisbiga oo ahaa Shirweyne aad la isugu yimi, aadna loogu diyaargaroobey, ayna inagala soo qaybgaleen martisharaf adduunka oo dhan ka kala timi iyo gudahaba. Halkaa waxaynu ku soo bandhignay barnaamujka xisbiga KULMIYE oo dhinacyo badan leh oo ah Siyaasaddii iyo Vision-kii iyo aragtidii xisbiga KULMIYE, isla wakhtigaan waxaan qudhaydu ku soo bandhigay guddoomiye ahaan hadal dheer oo dhinacyo farabadan leh oo ku saabsan taariikhda uu soo maray xisbiga KULMIYE, siduu ku aasaasmay, meelaha uu ka furan yahay (Xisbigu) ee dunida daafaheeda iyo dalka gudihiisaba. Waxaynu ku soo bandhignay ujeeddooyinka badan iyo Visions-ka aynu u aragno inaynu dalka iyo ummadda ku hanan karno, kuna hagi karno. Waxaynu ku soo bandhignay dhalliilaha faraha badan ee maamulka maanta dalka ka dhisan iyo UDUB ay u tahay sabab. Sida ay dalka uga lumisay dariiqii dimuqraadiyadda, sida ay aad iyo aad uga baydhsan yihiin himilooyinkii dalka iyo dadku uu lahaa ee caddaalad lahaa, ee horumar lahaa, ee dhiirrigelin lahaa, hadday xagga dhaqaalaha tahay xagga bulshada horumarinteeda, mid reer miyi iyo mid nololeed iyo mid walba. Waxaynu aad u muujinay caddaalad-darada dalka ka socota, marka ashkhaas ahaan la eego iyo marka la eego dhinac kasta oo ay tahay. Waxaynu soo bandhignay waxyaabihii aynu kaga baxayney oo dhan. Waxaynu soo bandhignay vision-ka iyo aragtida aynu ka leenahay ee barnaamujkeenuna uu maanta xambaarsan yahay, kaas oo ah inaynu dhisno maamul dowladeed oo marka hore noqda mid dadka iyo dalka u adeega ee aanu noqon mid ku shaqaysta dadka isagu oo raxmaddu ka guurtey oo aan dan iyo muraad toonna ka lahayn”.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in xaaladahaas ay kaga warrameen Shirweynihii xisbiga ee dalku marayey ay hadda ka sii dartay, waxana uu soo qaatay kootada la geliyey ganacsiga Xoolaha nool oo beryahan dambe dalka ka abuurtay xiisad, isaga oo sheegay in nolosha dadka reer Somaliland ay ku tiirsan tahay neefka xoolaha ah, isla markaana dadkeenu ay ku jiraan xaalad adag oo nololeed, balse, mintidnimada iyo dedaalka dadku uu suurageliyey inay neefkoodaa adhiga ah ka soo saaraan noloshooda.
“Markay wixii kale oo dhan soo dhaaftay, musuqmaasaqii xadhkaha goostay iska daa, waxaynu ognahay in loo soo dhigtay, xoolihii qofka reer miyiga ahi lahaa ee ahaa waxa dadkeennu ku nool yahay in dowladdii iyadii tidhi anigaa xoolahaagii iibinaya oo qandaraas cid kula gashay oo wax aan weligeed taariikhda dhicin ay abuurtay wax la yidhaahdo Monopoly,” ayuu yidhi Guddoomiye Axmed Siilaanyo.
Waxana uu sheegay in waxkasta oo ay xukuumaddu sheegtay in laga faa’iidayo ninka Sucuudiga ah ee Xoolaha loo xidhay, sida inuu furayo xayiraaddii Sucuudigu saaray xoolaha nool, aanay faa’iido lahayn, maadaama ayuu yidhi fikradda kootada qofka loo xidhaa ay tahay in qiimo kasta oo uu isagu doono uu siisto xoolaha, qiimo kasta oo uu dunida ka joogona tiisu khasab tahay.
Waxa kale oo uu sheegay Guddoomiyuhu in xukuumaddu aanay intaas keliya ku joogin ee toddobaadkana ay soo rogtey inay cashuur ka qaaddo 100 ka Doollar ee qofka dibadda looga soo diro.
“Markay macaadintii iibisey ee ay qandaraas ku gashay, ee kalluunkii iibisey ee xoolihii iibisey ee qandaraas ku gashay ee mid walba dadkii lahaa gacantiisa ka saartay waxay maanta maraysaa inay tidhaahdo shilinkii dibadda lagaaga soo dirona cashuur baad ka bixinaysaa intaanay xawaaladda ka bixin.,, Halka ay maraysaa horta waa halkaa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu xusay tacaddiyo xukuumaddu kula kacday shacbiga, sida dhacdadii Dumbuluq ee caruurta muddaharaadaysa la laayey. Waxana uu sheegay in xukuumadda maanta talada haysaa ay tahay mid ku meelgaadh ah, loogana baahan yahay xisbiga KULMIYE inuu beddelo si uu dalka ugu soo celiyo caddaalad, dimuqraadiyad iyo maamulwanaagsan.
Guddoomiyuhu waxa uu ka jawaabey wararka xisbiga KULMIYE had iyo goor laga faafiyo ee ah inuu khilaaf gudihiisa ka jiro, kaas oo uu sheegay in aanu jirin khilaaf balse, uu muujinayo dimuqraadiyad, isla markaana uu doodayo. Waxana uu ku guubaabiyey xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga inay ilaaliyaan dhaqankaa dimuqraadiyadda ah ee xisbiga gudihiisa ka jirta, isla markaana ay isku duubnaadaan oo aanay doodahaa u qaadan isqabad iyo khilaaf.
“Weli xisbiga UDUB oo ishaya miyaad maqasheen? Weli xisbiga UDUB oo shiraya miyaad maqasheen? Ciddaas baa UDUB wax ka doonaysa miyaad maqasheen?” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, waxayna dadku ku dhawaaqayeen “Maya”.
Muj. Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga, waxana uu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxaan marka hore shirka ka raaligelinayaa dib u dhicii shalay ee aanu shalay dib u dhacnay”.
Muuse Biixi, waxa uu ka warramay dhibaatooyinka dhinacyada badan leh ee maanta dalka ka taagan iyo sida Xisbiga KULMIYE uu yahay rajada keliya ee dadka reer Somaliland eegayaan.
Waxana uu talooyin u soo jeediyey, musharraxiinta u tartamaya musharraxiinta xisbiga ee Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka, xisbiga KULMIYE guud ahaan iyo xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga. Xisbiga iyo Hoggaankiisa waxa uu u soo jeediyey in aanay ujeeddadu ahayn in ay beddelaan ashkhaasta maanta dalka hoggaamisa, sida ay u dhaqmayaanna ay u dhaqmaan, balse, looga baahan yahay daacadnimo iyo inay ka run sheegaan ballanqaadka. Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenkana waxa uu u soo jeediyey, isaga oo mid mid u magacaabay Guddoomiyaha xisbiga Axmed Siilaanyo oo u taagan musharraxa Madaxweynaha, iyo 4ta xubnood ee u taagan musharraxa Madaxweynekuxigeenka, inay ogaadaan in laba qof uun la dooranayo, sidaa darteed ay isu haniyeeyaan oo ay ku qancaan. Waxana uu u ballanqaaday hoggaanka xisbigu in aanay u kala hiilinayn ama aanay mid ka mid ah musharraxiinta garab xaqdarro ah, isaga oo dhinaca kalena ka dalbaday inay u qabsoomaan, marka xisbigu qabto.
Sidoo kale, xubnaha Golaha Dhexe ee codaynaya, waxa uu sheegay in ay kala taageersan yihiin musharraxiinta tartamaysa. Sidaa darteed, waxa uu u soo jeediyey qofka musharraxiisa laga guuleysto in aanu boodin.
Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, mudane C/raxmaan Cabdulqaaddir Faarax ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxana uu ka warramay taageerada xisbiga Kulmiye wakhtigan ku haysto shacbiga Somaliland. Balse, waxa uu ka digey in taageeradaasi iyo guusha xisbigu filayo ay lumi karto haddii aan loo diyaargaroobin diiwaangelinta codbixiyayaasha.
“Dadku wuxuu u heellan yahay KULMIYE, foodkiina waa la diyaar, laakiin, waxaan u kacay inaan wax yar ka idhaahdo diiwaangelinta dhowaan ka dhacaysa dalka, waxaanan idiin sheegayaa in hadii aynaan isdiiwaangelin inaynaan guulaysanayn markaa waxa la inooga baahan yahay inaynu dadkii ku wacyi gelino sidii aynu diiwaangelintaa ugu soo bixi lahayn,” ayuu yidhi mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir.
Waxana uu raaciyey, “Ilmaadeerayaal, waxaan idinka baryayaa markaynu shirkan ka baxno aynu dib ugu noqono dadkii oo aynu bilowno ololihii dadka aynu ku wacyi gelin lahayn. Shacbiga reer Somaliland-na mid baan leeyahay, sidaa uu gudoomiyuhu sheegay waad aragtaan in wax walba xukuumadii kooto ugu xidhay cid gaara markaa inta aan idinkana kooto la idiin bixin dadoow oo sida shiidaalkii, kalluunkii, Adhigii iyo khayraadkii dalka kootada loogu xidhay aynu ka hortagno sidii maamulkan aynu u bedeli lahayn”.
Shirka Golaha Dhexe waxa maanta lagu doortay Shirguddoonka Golaha Dhexe oo ka kooban Guddoomiye, Guddoomiyekuxigeenka iyo Xoghaye, isla markaana waxa xubnaha loo qaybiyey barnaamujka siyaasadeed ee xisbiga, waxaana lagu soo gebagebeeyey khudbadaha hoggaanka xisbiga.
Berrito ayaa la filayaa in shirku uu doorto musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweynekuxigeenka ee xisbiga.
Xigasho/ Cabdirizaq Dubad- Somaliland.org, Burco.