Archive for July, 2008

Dal jire By Cabdillahi

(A.Geeljire)

Daljiir waa taxane aad u xiiso badan
oo u qoro abwaan Cabdillahi Cisman (Geeljire)

Akhristayaal badan oo xiiseeya taxanahan ayaa Mj Cabdillahi Geeljire ula baxay
Cabdillahi ( Daljir ) macnaha wayn ee
taxanayaasha Daljir ku fadhiyaan dartod.

Kulmiye.org


Keligaa Ma Aha Ee Aamus Adeer.

By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo. Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.
Doolaal:Waar maxay ahayd tan yar ee aad aamusiinaysay? Yaa dilay? miyaad garanaysay?

Dubbe:Waar waxa i qabsaday haddaad ogtahay. waa mar labaadkii ay igu dhacday maanta.

Doolaal:Iminkaad waxa lagu weydiiyo mooyee wax kale ka jawaabi. Maxaa kugu dhacay?

Dubbe:Waxa igu dhacay. Ta yar oo ooyaysa ayuumbaan idhi. “adeer maxaa ku helay?” “…Wuu na dilay.” bay tidhi. “Kumaa ku dilay?” Baan idhi. “Daahir.” bay tidhi. ” markiiba waxaan mooday inay Ina Rayaale sheegayso oo uu carrurtiina soo gaadhay markaasaan lahaa ” adeer keligaa maahee iska aamu.” Saakana nin waalan oo isla hadalaya oo leh. “Wallaahi inaan madaxaa xun ee weyn ku dhuf. Oo anagu wax walba nagu qabsanayaa…” ayaan mooday inuu isna Ina Rayaale sheegayo. Markaasaan idhi. ma hadduu dadkii waallaan wax ku qabsaday?

Doolaal:Waar muxuu ku ku hadlayaa? waar qaadkii ma wax kale ayaad ku dartaa beryahan? Ma qolada tidhaa waanu iska jebinaa b aad ku biirtay? sidaad u mooddaa inuu nin waalani Madaxweynaha ka hadlayo ama gabadh yar?

Dubbe:Dee inaadeer horta hayla yaabine ninkii weynaa ee aynu dalka u dhiibnay sawkan maalin wal walba,ama koox ha ahaato ama keli ha ahaato eh ay cid is haystaan. sawkan kolba riig ku murmaya ama neef xoola ah.

Doolaal:Maxaa is haysta ee aad sheegaysaa? Ma waxbuu maamulayaa oo isagaa la haystaa mise isagaa wax haysta?

Dubbe:anigu dhankaan ka taagnay isagaa wax haysta horena waan kuugu sheegay. Meel walba dan gaar ah uu leeyahay ayuu faraha ugula jiraa ama cid baa dabada ka soo kaxaysa oo dadka ku soo hagaajisa. Imisa ayuumbaanu maqaylanay waxaa?

Doolaal:Waar iminka yay is haystaan ee aad sheegaysaa? Dadku haddii aanay xukuumadda u hoggaansamin maxaynu ku falaynaa gebegeedaba? maxay iska xiijinaynaa?

Dubbe:Qoodhaa iyo xeradaa intaynu halkaa ku qayilaynay imisaynnu maqallay? Qayladii soo yeedhaaba waa Ina Rayaale iyo oo dad ka laalaada. Ina Rayaale iyo waxa is haysta Xaaskii Ina Cigaal ka dhintay. Ina Rayaale iyo Wakiiladii baa is haysta. Ina Rayaale ayaa Hadraawi haysta. Ina Rayaale ayaa Gaarriye haysta. Ina Rayaale ayaa mujaahidiin dhul ku haysta. Ina Rayaale ayaa Aamina weris shaqo ku haysta. Ina Rayaale ayaa Wasiir Nuux sigaar ku haysta. Ina Rayaale ayaa Ilma Farax Xarbi dekeddii ku ku haysta. Ina Rayaale ayaa islaamo agoona xaqii ku haysta. Ina Rayaale ayaa Ina Cabdi Gaboobe haysta. Ina Rayaale ayaa Abshir haysta. Ina Rayaale ayaa qolo iskaraab dhoofinaysay haysta. Ina Rayaale ayaa badda qaar ka kalluumaysanayay ku qabsaday. Ina rayaale qolo Habar Jeclo ah oo karinka wax ka dhoofinaysa ayaa is haysta. Ina Rayaale Komishankii baa is haysta. Ina Rayaale Saleebaan Gaal baa is haysta. Ina Rayaale iyo Xaji Cabdi Waraabe ayaa is haysta(berigii uu Xaajigu Guddomiyaha Guurtida doonayay). Ina Rayaale iyo Adhiiylayaashii baa is haysta. Ina Rayaale iyo Ku-xigeenka ayaa is haysta. Ina Rayaale deeq-bixiyeyaashii baa is haysta. Ina Rayaale iyo qolo Jaaliyaddii debedda ee UK baaa is haysta. Ina Rayaale reer dumbuluq baa riig isku haysta. Ina Rayaale iyo Djibouti baa is haysta. Ina Rayaale iyo fanaaniintii baa is haysta. Ina Rayaale iyo salaadiintii baa is haysta. Ina Rayaale Ina Afdiinle ayaa is haysta. Ina Rayaale waxa is haysta Saxaafaddii. iyo qaar kaleoo badan.

Doolaal:Oo Ina Afdiinlana goormay is qabsadeen?

Dubbe:Miyaanu Ina rayaale isku deyin inuu qaadka ku wareejiyo ninkii ay shuraakada ahaanjireen beriguu qaadlaha ahaa iyo nin Oromo ah? Miyaanu dabdeed Ina Afdiinle sutida u qaban oo arrimahiisa dhankaa iyo Ethiopia ka sallaxan? Waar iska aamu ninyow. Meel shilin ka soo baxayo oo aanu faraha kula jirini ama aanu isku duubini ma jitro.

Doolaal:Waar waxaasi wax jira maaha. Ma mqalba anigu.

Dubbe:Waar adigu wax ma maqashid waxna ma uruside waxaan ku weydiiyay sheekadan iminka aydin la timaadeen ee waxa walba odhanaysaan Embagathi baa ka dambaysay waa maxay? Embagathi ma adhigeena ay Aljabiri u xidhay? Mise riiggii biyaha ayay maamulaysay? Waar dee malaa waynaan ogayne Ina Rayaale ayaa Embagathi ah.

Doolaal:Saw cadagu kuma soo dhuumanayo hawsha qaranka loo wado oo dadka iyo dawladda kala dhex geli maayaan?

Dubbe:Waar dhegeysta waryaa. Embagathi iyo Caliyo lahayninee. Meesha waxa yaalla waa adhiga waan dhoofinayaa iyo dhoofin maysid. Idinkaana muranka abuuray. Ta kale waxaan arkay cid waliba cidday necebtay bay Embagathi u taqaan.Ina Rayaale ciddii ka soo hor jeedda oo dhan buu Embagathi u yaqaan. Ina Cali Waraabe cidii aan Ciidagale ahayn ee daantaa Dumbulq deggan buu Embagathi u yaqaan. Ina Bullaale Habar Jeclada ayuu Embagaathi u yaqaan. Waar Embagathina ma jirto oo iyadii sidii geel qasaal ah sibraha wax ka da’ayaan ee dadka wareerka kala fadhiista.

Doolaal:Waar Embagaathida waa la yaqaane iska dhaafo odaygii Ina Xaabsade ee aanu xaggiina u tirinaynay sawkan saddexdii xisbiba isku dugaadheeyay.

Dubbe:Waar ma aragtay horta? Waaban la yaabay. Waar odaygu markuu saddexdii xisbi qaran ee umaddaa dhan ee sheikh iyo shariifba lihi ku jireen markuu quudhsaday ee yasay ee yidhi “wax saxan ma aha.” Muxuu ujeeday? Anigu waxaan is idhi malaa waxaasi waa ka kibir iyo isla-weynaan. Ama wuxuu doonayaa xisbi Dhulbahante u gaar ah oo uu cidii aan Ba Hararsame ahayn uu yidhaahdo “waar aamus inan gumeedyow laan gaabka ahi. Kufurtu billaahi inaan dhengadayn waxakan”

Doolaal:Waar maahee odayga sidaa ha odhan way la noqon weyday inuu mid uun xisbiyada galo eh.

Dubbe:Waar odaygu hadduu cilmo uu xisbiyada ku faaqido leeyahay Siciid Sulub kolba uma raaceen meel dadka laga soo caayayo ee naga daa.
Waa inoo toddobaadka dambe Haddii Eebe idmo.

Geeljire

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo Oo Tacsi u Diraya Eheladii Suldaan Maxamed Cabdi Cali

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo Oo Tacsi u Diraya Eheladii Suldaan Maxamed Cabdi Cali

TACSI

Geeri Naxdin Leh

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye  Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya Magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo taageerayaasha, waxa uu Tacsi u dirayaa Qoyskii,Qaraabaddii,Ehelkii iyo dhamaan shacbiga Somaliland uu ka baxay Marxuun Suldaan Maxamed Cabdi Cali oo   xalay 26.07.2008 ku geeriyooday degmada Gar-Adag ee Gobolka Sanaag.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo waxa uu ilaahay uga baryayaa Marxuumka inuu janadii Fardawsa ka waraabshi dhamaan intii uu ka baxayna

, Samir iyo iimaana ka siiyo.

INAA LILAAHI  WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Ahmed Mohamed Siilaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Xisbiga KULMIYE oo cambaareeyey kootada ganacsiga xoolaha loogu xidhay Al Jaabiri iyo xadhigga Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada xoolaha

Xisbiga KULMIYE oo cambaareeyey kootada ganacsiga xoolaha loogu xidhay Al Jaabiri iyo xadhigga Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada xoolaha

Hargeysa (Somaliland.org) – Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE ayaa cambaareeyey xadhiga Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada xoolaha iyo horjeedda heshiiska xukuumaddu ku kootaysay dhoofka xoolaha, kaas oo khilaaf xiisad kulul wata ka oogey dalka maalmahan. Waxana uu uga digey xukuumadda cawaaqib xumo ka dhalan karta siyaasadda muquuninta ah ee ay doonayso inay ku meelmariso heshiiska kootada ganacsiga xoolaha ee ay la gashay ganacsadaha Carbeed ee AL Jaabiri.

Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE, shir jaraa’id oo ay shalay ku qabteen xarunta dhexe ee Xisbiga, waxa ugu horrayn ka hadlay mawqifka xisbiga KULMIYE ka taagan yahay xiisadda iyo xaaladda murugsan ee ka dhalatay heshiiska dhoofka Xoolaha, Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga, mudane Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir Faarax, waxana uu ka warramay waxa ay isku hayaan ganacsatada iyo Daahir Riyaale.

“kulankii ugu danbeeyay ee ay wada yeesheen Madaxweynaha iyo Ganacsatada Xooluhu si wanaagsan bay isku afgarteen, oo waxa yidhi waan idiin fasaxay inaad xoolihii dhoofisaan, iyaguna xoolihii way dhoofiyeen 7000 oo neef oo adhi ah ayay dhoofiyeen, waxay ku heleen 52 Doolar, sixirka uu Al-jaabiri ku doonayayna waxa uu ahaa 36 Doolar, markaa Madaxwaynuhu talo wanaagsan buu ku socday oo Al-jaabiri iyo sheekadiisii wuu iska dhaafay, ganacsatadana wuu u ogaaladay inuu dhoofsadaan, markaa waxa ku jira 16 Doolar oo dheeraada ayay meeshaasi ka heleen,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in kulan kale oo ay ugu tageen ganacsatadu Daahir Riyaale si ay ugu hambalyeeyaan go’aanka uu ugu fasaxay dhoofka xoolaha ay kala kulmeen wax ka duwan go’aankii hore, isla markaana uu isku rogey, isaga oo u sheegay in Al jaabiri oo keli ahi uu xoolaha qaadanayo, uuna uga soo baryey inuu qiimaha u kordhiyo oo uu ku qaato neefkii $42.

Waxana uu yidhi isaga oo ka warramaya jawaabta ganacsatadu ka bixiyeen go’aankaa dambe ee Riyaale, “Ganacsatadu maanta waxay leeyihiin waxaanu ku helaynaa 60 doolar, marka ay Carrafadu timaadana 90 doolar buu neefka adhiga ahi istaagayaa. Markaa qof 90 doolar ku helaya oo la leeyahay 42 doolar ku qaado, waa xaqdarro aad u weyn, qof weyn oo maskax lehina waxaas kuma taliyo”.

Guddoomiyekuxigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdiraxmaan Cabdilqaaddir, waxa uu waxba kama jiraan iyo sasabo been ah ku tilmaamay doodda xukuumaddu ku difaacayso heshiiska Al Jaabiri ee ah in ninkaasi uu dhisayo Maxjar ku kacaya lacag Milaayiin Doollar ah iyo in uu suuragelinayo in xoolaha Somaliland ay toos u tegi doonaan Sucuudiga, Carrafada kadib marka uu dhammaado dhismaha Maxjarku. Waxana uu sheegay in dhismaha Maxjarku aanu wax qiimo ah lahayn, lacagta ku baxaysaana aanay ka badnayn $ 20,000 ilaa $150,000, taas oo uu sheegay in ganacsatada xooluhu ay dhisi karaan. Sidoo kale, waxa uu sheegay in Maxjarka caalamiga ah ee Geeska Afrika ee dowladda Sucuudigu aqoonsan tahay uu yahay Maxjarka Jabuuti, maxjar kale oo ay aqoonsanaysaana aanu jirin, isla markaana Al Jaabiri aanu beddeli karin siyaasadda Boqortooyada.

Waxa kale oo uu wax aan macquul ahayn ku tilmaamay in Al Jaabiri oo haysta kootada xoolaha, uu raashinka daruuriga ahina isagu la wareego, taas oo uu sheegay inay meesha ka saarayso ganacsatada muwaadiniinta ah ee wax soo dejisa.

Mudane Cabdiraxmaan, isaga oo talooyin arrintaas ku saabsan u jeedinaya xukuumadda waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay dowladeenu dadkaa xoolahaa dhaqda mushahar ma siiso, dhakhtar ma siiso, tacliinta kama bixiso, wax alaale iyo wax ay dawladdeenu dadkaa ugu filantahay ma jirto, ninkaa aanad waxba u qabanaynin, ee cashuurna ku siinaya ee adigii meesha kugu haya ee mushahaaradaadu isagu ka jarantahay, waxaan kuu diidayaa in xoolahaagu intii ay kuu goynayeen aad ku hesho, waa dembi wayn, dadnimada kuma jirto, Somalilandnimada kuma jirto, diinta Islaamkana kuma jirto, wax ay dadkeenu inaga galabsadaana maaha, waxaan leeyahay anagu haddii aanu Kulmiye nahay, dadkaa baayacmushtariga ah in ay xoolahooda meesha ay doonayaan ka iibiyaan, oo sicirka ugu badan ku helaan baanu ku taageeraynaa, aanu la jecelnahay oo aanu doonaynaa in ay ku guulaystaan, xaquna waa sidaa”.

Guddoomiyekuxigeenku waxa kale oo uu ka hadlay sida ay u arkaan xadhiga Guddoomiyaha Guddida Ganacsatada, Cabdillaahi Maxamed Cabdiraxmaan oo Axaddii xukuumaddu u xidhay arrimo la xidhiidha khilaafka ka dhashay heshiiska kootada xoolaha iyo xubno kale oo uu sheegay inay yihiin rag magic weyn ku leh dalka oo la sheegay in amar qabasho loo jaray, lana doon doonayo.

“Dawladdana waxaan leeyahay, waxaasi wax soconaya maaha, xadhig aad guddoomiyaha guddida ganacsatada xidhaan waxba ku helimaysaan idinkana socon mayso, waxaana igu maqaalo ah in niman kale oo waawayn oo magacyo leh oo ka mudan Somalilandna la leeyahay waaran baa loo soo jarayaa, una maylayn maayo in ay dawladdu sidaa u caqli yartahay, magacyadaa aan maqlayo in ay halkaa wax gaadhsiinayso u malayn maayo, laakiin xadhig waxba tarimaayo, nin xoolihiisii iibsanaya waan ku xidhayaa meelna lagu gaadhi mayo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Mudane Yuusuf Nuur Maxamed (Guruunje) iyo Maxamed Cabdillaahi Cabsiiye oo labaduba ka mid ah masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, oo iyaguna si kulul u cambaareeyay heshiiska kootada ah ee Al-jaabiri iyo falka xadhiga ah ee lagula kacay guddoomiyaha guddida Ganacsatada Xoolaha Nool ee Somaliland Mreen Mr. Cabdillaahi Maxamed.

Xigasho /Somaliland.org, Hargeysa.

Tacsi Uu Dirayayo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

” INNA LILLAAH WA INNA ILAYHI RAAJUCUUN “

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye md Axmed Maxamed Maxamud ‘Siilaanyo’ isaga oo ku hadlaya magaciisa ka golaha dhexe ee xisbia, magaca tageerayaasha xisbiga Kulmiye iyo ka qoyskisaba waxaa uu halkan ka tacsiyadaynayaa Xasan Axmed Geedi ( Xasan Humbus ) oo xaaskiisii Marxuumad Amran Haybe maanta oo bishu tahay July 23,2008 ay ku geeriyootay magaalada London ee dalka Ingriiiska.

Waxaa uu gudoomiyuhu ILLAAHAY uga baryayaa marxuumada in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, Xasan Axmed geedi ( Xasan Humbus ), caruurtii marxuumadu ifka kaga tagtay, ehelkii, qaraabadii iyo asxaabtiiba inuu EBBE samir iyo iimaan ka wada siiyo. Aamiiiin

Haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano”

Haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano”

Hargeysa (Jam)- Guddoomiyaha ururka SNM, ahna Madaxweyne-ku-xigeenkii ugu horreeyey ee Somaliland Muj. Xasan Ciise Jaamac ayaa ku tilmaamay mid lagu mijo xaabinayo gebi ahaanba ganacsatada waddaniga ah heshiiska cusub ee xukuumaddu ugu fasaxday ganacsadaha Carbeed ee Al-jaabiri inuu dalka keeno raashin quutal-daruuriga ah, isla markaana kootadii uu ku haystay dhoofka xoolaha nool.

Muj. Xasan Ciise oo xalay khadka telefoonka uga warramayey Jamhuuriya ayaa faahfaahin ka bixinayey sida uu u arko heshiiska cusub ee xukuumadda Somaliland la saxeexatay Al-jaabiri ee qeexaya inuu dalka keeno raashin jaban, isla markaana siiwato kootadii dhoofka xoolaha nool loogu xidhay, waxaannu isaga oo ka jawaabayey su’aal ahayd in tallaabadan xukuumaddu u qaaday lexejeclo dhinaca bulshada ah uu yidhi; “Maya, wax allaale iyo wax dan ah oo ugu jira ummadda reer Somaliland kama muuqado heshiiska cusub ee Al-jaabiri, sababtoo ah heshiiskii hore ee xooluhu waxa uu meesha ka saarayaa ganacsatadeenii waddaniga ahaa ee dhoofka xoolaha nool oo uu laf-jab ku noqonayaa.

Heshiiskana wax uu macno samayn lahaa haddii aanay bayaac-mushtarkeena xooluhu aanay awoodi karayn dhoofinta xoolaha, markaa waxa khasab ahaan lahayd in aynu soo baryootano oo dalka keeno cid allaale ciddii xoolaha inoo dhoofinaysa qiimahay doonaan ha ku qaataane, laakiin iminka ganacsatadeenii waxay leeyihiin awood ay xoolaha ugu dhoofiyaan meelkasta, mana aha in la carqaldeeyo qorshe kasta oo ganacsatada lagaga joojinayo dhoofka xooluhuna waa mid aan ummadda dan u ahayn oo ka horimanayna qodobadda dastuurka ee qeexaya in baayac-mushtarku xor yahay.

Kan Al-jaabiri raashinka lagu siiyana kaa hore ee xoolaha ayuun buu la mid yahay oo dani uguma jirto ummaddeena, qofka baayac-mushtariga ahina haddii uu ku yidhaahdo raashin jaban oo bilaa macaash ah ayaan kuu keenayaa marka horreba shaki ayey leedahay, waayo qofna isma khasaarinayo ee dano kale ayaa u qorsoon, markaa raashinka jaban ee Al-jaabiri qiimana malaha danina kuma jirto, hay’ad samafalna maaha oo ku caawinaysa.

Heshiiska raashinka lagu siiyey Al-jaabiri waxa uu hantaaqayaa oo uu curyaaminayaa ganacsatadeenii waddaniga ahayd oo waqtiga dheer iyo ka dhawba wax faa’iido ah oo ugu jirt Somaliland ma jirto.

Baayac-mushtariga xorta ahina waxa uu ka qayb qaataa kobaca dhaqaalaha iyo shaqo-abuurista, waxaanna uu leeyahay waajib qaran oo ah in dawladdu koriso oo gacan qabato, mana ahaa inay cuno-qabatayso si uu meesha uga baxo, mid shisheeyana gacanta loogu ganacsatadeena waddaniga ahina haddii uu meesha ka baxo mid shisheeye waxba kuu qaban mayo, masiirka ummaddana wax faa’iido ahi uguma jirto, waxaanna la hubaa marka uu iminka qiimaha kuu jabiyo ee uu meesha ka saaro baayac-mushtarkeenii ee uu kaligii ku soo hadho sida u doono ayuu kaayeelayaa, qiimahana cirka ayuu kugu gaynaynaa.

Dawladduna inta ay inin shisheeye ah xoolaha iyo raashinka kaligii siinayso, waxay ahayd hantiilayaasha iyo tujaarta dalka kala hadasho gacan qabashadooda iyo taakulayntooda, markaa waajibkii dawladdu lahayd may garan.

Danta ummadduna waxay ku jirtaa in baayac-mushtarkeena la kobciyo oo la gacan qabto, waxaanan odhan karaa haddii la yidhaahdo baayac-mushtarigii shisheeye haloo gacan geliyo oo nin kaliyaata haloo xidho, waxay ka dhigan tahay siyaasidiina nin qudha haloo xidho oo siduu doono ha ka yeelo masiirka ummadda.

Haddii baayac-mushtarigiiba shisheeye loo gacan geliyo, siyaasadiina ajaanib haloo dhiibo oo hala yidhaahdo na maamul, markaa haddii Al-jaabiri ganacsigii dalka oo dhan loo xidhay walaalkiina haloo yeedho oo Madaxweyne aynu ka dhigano.”

Muj. Xasan Ciise Jaamac oo la waydiiyey su’aal ahayd markii qiimaha maciishaduhu dunida ka kaceen, xukuumaddu waxay kordhisay tacriifadaha badeecadaha quutal-daruuriga ah, marka taa loo eego arrinta maanta maxaa loo fasiran karaa, isaga oo su’aashaa ka jawaabayana waxa uu yidhi; “Horta haddii uu $100 siisanayo xoolaha in qof loo xidho ayaa khalad ah, waxaanna ka maqnaa xukuumadda in markii maciishaduhu kaceen ee dunidaba ka qaaliyoobeen intay u tagto baayac-mushtarkaa, hadday tahay kuwa xoolaha dhoofiya iyo ganacsatadaha kale ee maciishada quutal-daruuriga soo dejiya, kuwa tidhaahdo, maxaannu idiin qabanaa, sidee dhibta looga bixi karayaa, markaa hadday yidhaahdaan cid arrinta naga caawisa noo keena, waa qasab in Al-jaabiri iyo cidkasta oo wax qabanaysa loo yeedho, laakiin taasi may dhicin, arrintuna maaha qiimahu halkuu marayaa ee waxay tahay in la isweydiiyo danta ummaddu halkay ku jirtaa, waxaanna qurux badnaa maadaama uu sicir-bararku ahaa dhibaato heer qaran, waxay ahayd dawladdu inay u yeedho adhiiyalaashii, baayac-mushtarkii, Baarlamaanka, xisbiyada, aqoonyahanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhibaatada si heer qaran ah looga wadatashado, laakiin xukuumaddu waxay ka gashay meel khaldan, shisheeye ayey gacanta u gelisay masiirkii ummadda.

Caalamka horumarayna marka laga hadlayo xoolaha iyo raashinka waxa la yidhaahdaa waa arrimaha lama huraanka u ah nolosha dawladaha ayaana ilaashada oo cid kale gacanta looma geliyo, waanna khalad in arrimaha lama huraanka u ah nolosha, sida xoolaha iyo raashinka shisheeye gacanta loo geliyo oo uu siduu doonto ka yeelo uguna takrifalo.”

Xasan Ciise oo ugu dambeyntii la waydiiyey saamaynta heshiiska cusub ee ay xukuumaddu la gashay Al-jaabiri ku yeelan karo ganacsatada Somaliland, waxa uu yidhi; “Saamayn weyn buu keeni karaa haddii uu heshiiskani sidan ku hirgelo, dhibaato weyna wuu keeni karaa, shisheeyaana gacanta ku qabanaya dalkeena iyo baayac-mushtarkeenaba, taasina saamayn xun bay ku yeelanaysaa ummadda reer Somaliland mustaqbalka, maahmaah soomaaliyeed baa tidhaahd, ‘Midho geed saaran kuwo gunti kuugu jira looma daadayo,’ taas ayeyna garan weyday xukuumaddeenu.”
Xigasho / Jamhuuriya Online

Dood Aad U Xiisa Badan Oo Dhexmartay Xubno Qurba Joog Ah Iyo Aqoonyahano Dal Joog Ah -Xigasho (Togdheernews)

Burco (Togdheernews20julay)- Dood aad u xiiso badan oo dhexmartay Xubno Qurbajooga iyo Aqoonyahno Daljooga oo laga

hadlayay Waayaha Nololeed ee yaala Qurbaha iyo Waayaha wadanka, gaar ahaan Dhibaatada Tahriibka oo ay soo qabanqaabisay xarunta Jaamacada Burco iyo Shirkada Telsom ayaa habeenimadii Jimacaha ka dhacday.

Maayir ku xigeenka Magaalada Burco Axmed Cabdi Falay oo Kulankaa dooda ka hadlaya ayaa soo dhoweeyay isagoo xusay in ay haboonayd in xili hore la qabto maadaama mawduucyada laga doodayaa ay aad muhiim u yihiin, waxaanu ugu baaqay dhalinyarada Togdheer inay joojiyaan Tahriibta Islamrkaana dawlad iyo Shiciba layska kaashato sidii loo joojin lahaa hayaankan dhalinyarada ee bada ku idlaatay.

Waxa kale oo uu qurbajooga ugu baaqay inay ka qaybqaataan horumarka wadankooda oo maalgashi ku soo sameeyaan, aanay isku ilaawin wadamo aanay u dhalan. Sh. Cabdillaahi Ismaaciil oo Culimada Somaliland ee degan cariga Ingiriiska oo doodaa ka qaybgalay ayaa hadlay dhibaatooyinka salka u ah Qoys burburka ku dhacay dadka ku nool qurbaha waxaanu hadalkiisii ku bilaabay “Dhibaatada Qurbahu waxay ka dhalataa markii qofkii dhoofo ee uu tago waddamadii yurub ayaa waxa uu la kulmaa Nolishii dhabta ahayd ee taalay iyo Riyadii uu maankiisa ku hastay oo isku qaban waayay, kadibna waxa ku dhaca u qaadan waaâ”.

Isagoo sii sharaxaya arintaas waxa uu yidhi “Qoyskii wada noolaa ayaa Gabadhii uu imanaysaa mid kale waxay ku odhanaysaa Anigu guri ayaan dhistay, waxaanan soo kaxeeyay inataas oo caruur ah iyo miyaadan ogaeyn inaad lacag badan helayso hadaad Odaygaaga erido, kadibna Fikaradahaas ayay run moodayaan Murankii qoyska ayaa bilaabmaya marka Odaygii diido inuu ka tago waxay taabanayaa Sadex Nomber oo dhinaca yurub ku caan ah,Caruurtii waxa qaadanaya dad aadan garanayn oo waxay doonaan ku samaynaya,Qaarna waxay iibinayaan Dooragadaâ “Xabsiyada Ingiriiska waxa ka buuxa dad soomaliyeed”, Waxaanu ku soo koobay Sh.C/laahi, in loo baahan yahay in dadkan jooga waddanku aanay aaminin dadka qurbaha ee ay ilaahay aaminaan,Islamarkaana dhalinyarada qalbigooda uu galay dhoofku ee tahriibayaa ay ka joogaan oo aanay halaagin Nafahooda.

Xildh. Maxamed Nuur Carraale (Duur), oo ka mid ah Xubnaha golaha wakiilada Somaliland oo ka qaybgalay doodaas ayaa tilmamay sababaha kalifay Tahriibta dhalinyarada iyo Waayaha nolosha dhabta ah ee uu ku soo arkay Qurbaha mar uu safar ku tegay dhowaan waxaanu yidhi “Waligay qurba uma dhoofin, waxaanan qabay hadii la tago qurbaha in janada cagihii la galinayo, mar aan dhowaan tagay Lodon waxaan markiiba idhi, ma halkanaa Lodon-tii la sheegi jiray.”

Waxa uu sheegay in sababta dhalisay Tahriibta dhalinyarada ay tahay, maamul xumada dalka ka jirta, Shaqo la,aanta, noloshii oo adkaatay Iyo markii geedigii dheeraaday ayaa keentay in dadkii gudaha dalku tahriibaan.

Isagoo Xildhibaan Duur Tilmaamaya Nolosha Qurbaha waxa uu sheegay in dadku markii hore ay la dhoofeen dhaqan, diin iyo bulsho isku xidhan, balse way waayeen, waxay la dhoofeen waxa badbaaday qofkii iyo qoyskii Ehlu iimaanka ahaa oo kaliya “Sadex waa ku cidhiidhi Guryihii waa ku cidhiidhi, waqtigii waa cidhiidhi, Cibaadadiina waa ku cidhiidhi”

Waxa uu Xildhbaanku ku soo xidhay doodiisii Hadii laga dayriyay Qurbihii, haddii laga dayriyay dalkii, muxuu Xalku yahay? Waxa uu sheegay in xalku yahay Nolsheena oo aynu hagaajino, Dadwanaagsan ee Aqoonta iyo cilmiga leh oo ku soo biira talada dalka si nidaam maamul oo hagaagsani u yimaado. Drs. Khadra Bashiir oo ah Aqoonyahanad Soomaliyeed oo deganayd wadanka USA, muddo labaataneeyo sano ah ayaa sheegtay in markaad tagto maraykanka aan lagaa jeclayn oo aad marka hore tahay qaxooti, marlabaadka Afrikaan, marka kale muslin, iyo Somaali.

Waxay kaloo Drs. Khadra ka hadashay in somaalida aan waxbarsho wanaagsan la siin, waxaanad arkaysaa Araday dugsi sare ah oo la dhigayo 7×7,oo haddaad waydiiso lagu odhanayo waxba garanmaayaan, waxa la nacay soomalinimadii, waxa ku luntay qurbaha sharftii iyo shaqsiyadii soomalinimada, waxay ku soo koobtay Markaan Burco imi ee aan maqlay Biriijka dadkaa dhistay aad baan ugu farxay “Walaalayaal, haysku aadina dibada nololi ma taale” Ayay ku soo koobtay hadalkeedii.

Saleebaan Cabdi oo ka mid qurbojooga Imaaraadka carabta ayaa isaguna xusay in jaaliyada Imaaraadku ay xooga saaraan sidii loo horumarin lahaa dhinaca wabarshada oo ay kaalin weyn ka qaateen dhismaha jaamacada Burco

“Waad ogaydeen in jaamacada burco ka bilaabantay kursi iyo miis, caawana waataa doodaha inoo qabanaysaâ” waxa uu ku soo xidhay doodiisii qurba-jooga waxa looga baahan yahay in ay Maal iyo Maskax la yimaadaan, Bulshada guduhuna isku habeeyaan Ururo.

Prof. C/salaan Salaan Yaasiin oo ah Guddoomiyaha Jaamacada Burco oo ka qaybqaatay kulankaa dooda ayaa sheegay in jaamacada Burco aanay ku koobnayn Qalinka oo kaliya ee ay soo qabanqaabiyaan doodo lagu lafagurayo hadba dhibaatada ugu weyn ee bulshada haysta.

Waxa kale oo Prof.C/salaan waxa uu qurba-joogga ugu baaqay inay soo bandhigaan waayo-aragnimada aad kala kulanteen wadamada Yurub ee aad tagteen,ee dhinacyada dhaqanka iyo Nolosha, islamarkaana aanay ka soo waaridin dhaqamada aynu ku kala duwanahay ee aad ka soo qaadataan inta wanaagsan.

Doodan oo lagu qabtay goob fagaare ah oo u furnayd Dadweynaha, ayaa waxa ka hadlay Mr.Cajab oo ka tirsan hawlwadeenada Telesom, Isagoo sheegay in Shirkadoodu u taagan tahay ka qaybqaadashada xalinta dhibaatada bulshada ku timaada.

Doodan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxa ka qaybgalay xubno badan oo ka yimi qurbaha iyo kuwa dalka jooga, waxa kale oo doodaas si layaableh u daadihinayay Mr.Suldaan oo ka mid ah Qurbojooga oo si mutacwino ah ula shaqeeya Jaamacada Burco.

Dood oo aad u Xiiso badnayd ayaa soo jiidatay indhaha dadweyne badan, kuwaasoo codsaday in kulamada doodahan oo kale la badiyo.

Xigasho/ Kayse Amed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

“Cadaawadi nagama dhaxayso Aniga iyo Muuse Biixi, khilaafna ma jiro”

“Cadaawadi nagama dhaxayso Aniga iyo Muuse Biixi, khilaafna ma jiro”

Axmed Siilaanyo

Hargeysa (Ogaal) – Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa beeniyay war uu faafiyay Wargeyska Maalmaha cadadkiisii shalay, kaas oo uu Wargeysku ku sheegay in Guddoomiye Axmed-Siilaanyo iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbigaas Muuse Biixi Cabdi isku maan-dhaafeen qaybo ka mid ah shuruudaha Guddida qaban-qaabada shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo rogeen Xubnaha u tartamaya Musharaxnimada Xisbiga ee Madaxweynaha oo $15000 Doollar qadimaya iyo Madaxweyne Ku-xigeenka oo laga rabo $10,000 Doollar oo aan celis lahayn.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo oo Wargeyska Ogaal xalay wax ka weydiiyay arrimahaasi waxa uu sheegay, in aanuu jirin wax ismaandhaaf ah oo ka dhex aloosan Hogaanka sare ee Xisbiga, isla markaana waxa uu ku dooday in qaban-qaabada Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye uu u socdo si wanaagsan. “Shirku wakhtigiisii ayuu ku socdaa, si wanaagsana hawshiisu way u socotaa. Doodaha yar-yar ee Xisbiga dhex-diisana wax dhib ah oo ku jirtaa ma jirto, Guddida qaban-qaabo ayaa jirta oo soo jeedimaheeda leh. Waxa anagu shirarka gudahayaga aanu isku nidhaahnaana waa wax gudahayaga ah oo macno ay leedahay ma jirto. waxaanu isku diidanahayna habayaraatee ma jirto. Laakiin dadku doodaha gudahayaga ayay maalin walba war ka dhigayaan.” Sidaas ayuu yidhi Axmed-siilaanyo, mar aanu sii waydiinay waxa ka jira, lacagta lagu xidhay xubnaha doonaya inay u tartamaan Musharaxnimada Xisbiga inay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad isku maandhaafeen , waxa uu yidhi, “Maya, waxba iskumaanu maandhaafin. waa la doodi karaa, wax waa la iska waydiin karaa, waa laga munaaqishoon karaa taasina khilaaf maaha, waana macquul in marka shir la isugu yimaado ee Guddidu wax soo jeediso in qofna yidhaa way badan tahay, qofna yidhaahdo way yartahay, qofna yidhaahdo naga daaya, qof na yidhaahdo inoo yareeya. Taasina Aniga iyo Muuse cadaawadi nagama dhaxayso khilaafna ma jiro, xubnaha oo dhan waa iska dood dhexdayada ah ee wax aanu iskaga soo horjeedno anagu oo qofna wato qofna diidan yahay ma jirto. Laakiin falanqayni way na dhex martaa oo waa caadi taasi. Hase ahaatee, markaan runta kuu sheego waxba ma jiraan ee waa wixii caadiga ahaa ee ay jeclaan jireen reer UDUB inay fidiyaan.”

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), mar wax laga waydiiyay khilaafaad hoose oo Xisbiga gudihiisa la sheegay inuu ka jiray intii ka danbaysay shirweynihiisii labaad, kaasoo u baahan turxaan-bixin. Wuxuu ku jawaabay; “Xisbiga Kulmiye khilaafaad kama dhex jiro, waana tii la ogaa Shirweynihii ugu balaadhnaa, ugu wanaagsanaa oo aan Xisbi kale oo qabsaday jirin ayuu qabsaday Kulmiye, waana tii guushiisa ummada iyo dunida oo dhami wada arkaysay ee ay noo hambalyeeyeen.” Axmed-siilaanyo waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Qof-qof iska shaqsi ah oo doonayay inuu Xisbiga ku soo baxo ama Golaha dhexe noqdo wuu jiri karaa oo waa iska dabiici. Laakiin, khilaaf la kala jabay oo la kala tagay xageed ku aragteen ma jiro’e. Todoba Boqol oo qof oo isu yimi oo dad badanina doorasho doonayeen ileen meel xor ah ayay ahayde qofna wuu waayayaa qofna wuu helayaa. Markaa qofkii waayay inuu

Xigasho/ Somaliland.org

Xidhiidhiyaha Laamaha Xisbiga Kulmiye Ee Waqooyiga Maraykan Oo Martiqaad Qado Sharaf Ah Ku Sagootiyay Ciyaaryahanada Cardiff Iyo Sheifield

Toronto, Canada -Xidhiidhiyaha laamaha xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan mudane Mustafe Cabdi Cartan ayaa malintii Isniinta martiqaad qado sharaf ah u sameeyay ciyaaryahanada kooxda Cardiff iyo Shefield ee tartanka ciyaaraha u yimid magaalada Toronto ee dalkan Canada. Martiqaadka qado sharafka ah oo iyagana kooxda ciyaaryahanda reer Norway uu mudane Mustafe Cabdi Cartan ku soo marti qaaday ayay nasiib daro u suurta gali wayday inay Qadada ka soo qayb galaan iyaga oo ku mashquulsanaa diyaar garow ah safarkooda noqosho ee dalka Norway.

Kooxaha Norway, Shefield, Cardiff iyo Kooxda London Wemply waxay ka mid ahaayeen kooxaha tartanka ciyaaraha Somalida iyo Somaliland ee sanad kasta lagu qabto magaalada Toronto ka soo qayb galay. Tartankii sanadkan ayaa maalintii Axada ee bisha July ahayd 13ka ayaa ciyaartii kama dambaysta ahayd (final game) isugu soo hadheen kooxda London Wemply iyo kooxda Cardiff halaas oo guushii 2-0 ay ku raacday kooxda Cardiff bay warriors soccor team halkaasna koobkii tartanka sanadkan lagu gudoonsiiyay.


Marti qaadkan ahaa qado sharafka ee mudane Mustafe Cartan uu u sameeyay kooxda horyaalka sanadkan ee Cardiff bay wariors soccor team iyo kooxaha kaleba waxaa lagu qabtay makhaayada weyn ee la yidhaa Siinaay (Sinai Resturant). Marti qaadkan ayaa isugu jiray soo dhawayn , hambaliyayn iyo sagootin kooxaha sii gurya noqonaya si kalgacal iyo walaaltinimaba ay ku jirto lagu sii sagootiyay.

Mas’ uuliyiintii xisbiga Kulmiye, dadweynihii reer Toronto iyo ciyaaryahanadii xaflada qado sharafka ah ka soo qayb galay ayaa hambaliyn iyo is barasho u fadhiistay markii cunada qadada la soo dhamaystay. Ugu horaynba waxaa halkaa eryo isugu jiray soo dhawayn, hambaliyayn iyo sii sagootinba xaflada ku furay xidhiidhiyaha laamaha xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan mudane Mustafe Cabdi Cartan oo isagu martiqaadka lahaa. ” Aniga oo ka wakiil ah xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee laamaha waqooyiga Maraykan, waxaan marka hore kalgacal,iyo walaaltinimaba idinku soo dhawaynayaa magaaladan Toronto kooxahii reer Europe oo dhan, mar labaadkana waxaan u hambaliyaynayaa kooxdii guusha tartanku raacday ee Cardiff bay warriors soccor team, mar sedexaadkana waxaan dhamaantiin idinku maca salaamaynaynaa in EBBE nabad idinku gaadhsiiyo magaalooyinkaad ka timaadeen.” Mustafe oo hadalkiisii sii wataana wuxuu yidhi ” Runtii kooxihii reer London wemply iyo reer Norwayba waanu jeclayn inay halkan maanta inala joogan insha ALLAAHUNA , sanadaha dambe ayay xaflad xafladan ka balaadhan inagala soo qayb gali doonaan. Waxaa kale oo dhinaca madaxda xisbiga Kulmiye ee laanta magaalada Toronto halka eryo gaaban oo hambaliyayn ahaa ka jeediyay Dr Maxamed Raabi, Maxamed Shiine iyo Maxamud Caydiid Lafcanbe, waxaa isna dhinaca abaabulka ciyaaraha jaaliyada reer Somaliland ee Toronto khudbad gaaban ka akhriyay mudane Axmed Cali Nuur ( Axmed Ganay).

Waxaa markaa hadalkii lagu soo wareejiyay tababaraha kooxda hantiday guushii tartanka ciyaaraha ee Cardiff warriors soccor team mudane Cabdi Sugule oo ku magac dheer Gawlalaale. Mudane Cabdi wuxuu si guud ugu mahadnaqay dadkii ka soo qayb galay xaflada waxaana uu si gaar ah u xusay aadna uu amaan iyo mahadnaq xad dhaaf ah ugu soo jeediyay ganacsadaha caanka ah ee reer Toronto mudane Cabdillahi Maxamed oo ku magac dheer Cabdillahi saraafle iyo ciyaaryahanka weyn ee reer Toronto mudane Cabdi Sacad Adan Dacar oo uu sheegay inay kooxda Cardiff hiil iyo hooba la barbar taagnaayeen bilow illa dhamaad iyo sida ay magaalada Toronto ugu soo dhaweeyeen. ” Waxaa lama llaawaan ah sida hagar la’ aanta ahayd ee Cabdillahi saraafle iyo Cabdi Sacad ay kooxda ciyaaryahanda ah si aan kala go’ lahayn uga caawinayeen dhinac kastaba, oo ay ka mid yihiin hawlo badan oo noo sura galiyay ka qayb qaadashada tartanka ciyarahan ay kooxdoodu ku guulaysatay.

Tababaraha kooxda Cardiff wuxuu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay Mustafe C. Cartan iyo madaxda xisbiga Kulmiye ee Toronto, waxaa kale oo uu aad ugu mahad celiyay gudoomiyaha kooxda Cardiff mudane Siciid Saleeban Soya kabtanada kooxda ee kala ah Cumar Cabdillahi iyo Sacad Xasan, waxaa uu tababaruhu aad ugu celceliyay si weynna ugu mahad naqay ciyaaryahanda kooxdiisa Cardiff bay warriors soccor team oo uu ku amaanay karti, xarfad iyo inay yihiin ciyaaryahano bisil oo u hogaansan anshaxa iyo asluubta sboortiga caalamiga ah u degsan, taasina ay sabab u noqotay in ay guushu sida ku raacday.

Ugu dambayn waxaa isna mahadnaq iyo isbarashaba xafladii ku soo gunaanaday Cabdisalaam oo ahaa ciyaaryahan ka tirsana kooxda Shefield ee marti qaadka ka mid ahyd. Waxa Cabdisalaan uu mahad balaadhan u soo jeediyay xidhiidhiyaha laamaha xisbiga Kulmiye ee waqooyiga Maraykan mudane Mustafe Cabdi Cartan iyo madaxda Kulmiye ee halkaa goobjooga ka ahayd. Waxa kale oo aad ugu mahad celiyay dhamaan dadkii ka soo qayb galay qado sharafka loo sameeyay ciyaaryahanada martida ahaa.

Maxamud Caydiid Raghe

Toronto, Canada

Tacsi Ku Socota Qoyskii Iyo Qaraabadii Marxuum Maxamuud Ibrahin Juuq-Dhowr

Anaga oo kala ah
 
1. Maxamuud Caydiid Lafcanbe
2. Mustafe Cabdi Cartan
3. Maxamed Botaan Wacays
4. Faarax Abokor Khayre
5. Ducaale Maxamed Xirsi
6. Adan Cananuug
7. Xuseen Cabdi Ducaale( Xuseen Gurey)
8. Cali Xasan Cisman     (Cali Kubad )
9.Maxamed Xasan Cabdi  ( Afgooye)
10. Maxamed Dhitiye
11. Axmed Sh Xuseen
12. Cabdiraxmaan Indhabur
13. Bashiir Cawil xaji Cumar
 
Waxaanu dhamaantayo halkan tacsiyad uga soo gudbinaynaa walaalkayo Axmed Ibraahim Juuqdhowr oo walaalkii marxuum Maxamed Ibraahim juuqdhowr ku geeriyooday magaalada Hargeysa. ILLAAHAY marxuumka janadii Fardowsa ha ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii samir iyo imaan taam ah ha ka wada siiyo , Aamiin.
 
 
 
Maxamud Lafcanbe
Toronto,Canada

Gudoomiyaha Xisbiga Oo Tacsiyadaynaya Qoyskii UU Ka Baxay Marxuum Maxamud Ibrahim Juuqdhowr

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Xaaji Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isagoo ku hadlaya Magaciisa Magaca Golaha Dhexe iyo ka Hogaanka Xisbiga Kulmiye wuxuu Tacsi u dirayaa qoyskii,ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeryooday Marxuum Maxamuud Ibraahim Juuq-dhawr oo galabta lagu aasay caasimada Hargeysa.Waxaanu tacsidaa si gaara ugu dirayaa marwadii marxuumka, awlaadii marxuumku ifka kaga tagay iyo walaalkii Axmed Ibraahim Juuq-dhawr oo ku sugan magaalada Toronto ee dalka Canada.
Waxaanu Xaaji Axmed Siilaanyo leeyahay dhamaan intii uu ka tagay samir iyo iimaan haka siiyo marxuumkana Janadii Fardowsa haka waraabsho. Aamiin Aamiin.
 INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo