Archive for June, 2008

Warsaxaafadeed Xisbiga KULMIYE kaga hadlay Sicirbararka Maceeshadda iyo qodobo kale

Shirweynihii KULMIYE, Hargeisa

Hargeysa– Xisbiga KULMIYE, ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray kaga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ka mid yahay sicir-bararka maceeshadda iyo shidaalka oo si ba’an u saameeyey nolosha qoysas badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaanna qoysaska saboolka ah. Waxana uu ugu baaqay in talo qaran laga yeesho sidii looga gaashaaman lahaa aafada sicirbararka iyo maceeshad yaraanta.

Warsaxaafadeedka oo sidoo kale ka hadlaya dhaqangelinta Xeerka Diiwaangelinta, Tahriibta iyo gebagebada sannad-dugsiyeedka Waxbarashada Somaliland, waxa uu u qoran yahay sidan:-

Xisbiga KULMIYE wuxuu maanta halkan kaga hadlayaa afar qodob;

1. Sicir bararka Maceeshadda.

2. Kaabista Xeer N0: 37

3. Hambalyadda sanad Dugsiyeedka Ardayda.

4. Iyo Tahriibka

I. Sicir Bararka.

Xisbiga KULMIYE wuxuu aad uga warwarsan yahay qiimaha maceeshadda daruuriga ah iyo Shidaalka oo maraaya meel adag. Waxa kale oo Xisbiga KULMIYE ka yaaban yahay iyada oo aanay Dawlada ka muuqan tabaabusho ay kaga hor tagayso arrinta culus ee inagu soo korodhay, waxa hubaal ah inay dhibaatadani tahay bilow sida ka muuqata sayladaha caalamka.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ugu dhawaaqayaa cod dheer in Dawlad, Axsaab iyo shacbiba tallo laga galo sidii xaaladan adag looga gaashaaman lahaa.

Maanta Maceeshadda iyo shidaalka qiimahoodu waxa uu marayaa meel laga argagaxo oo shacbiga intiisa badani aanay iibsan Karin sida hoos ku cad.

Maceeshadda iyo Shidaalka Qiimaha
Bariiska 50 Kg $50
Daqiiq 50 Kg $50
Naafto one Liter 6,500 Sl Sh
Batrool one liter 5,900 Sl Sh
Gaas one liter 8,000 Sl Sh
Geela/qaliinka 2,100,000 – 2,500,000 Sl Sh
Lo’da/qaliinka 1,500,000 Sl Sh
Adhiga/qaliinka 180,000 Sl Sh

Marka aad isbarbar dhigto xoolaheena qiimahoodii iyo maceeshadii dibeda inooga imanaysay way iswaydaarteen oo maceeshadii baa in badan kor u kacday, waa dhibbaato hor leh oo ku soo korodhay dhibbaatooyinkii ina haystay ee dhaqaalo xumida. Ummad waliba waxay dhibbaatada kaga baxdaa markay si xaqiiqo ah u deristo dhibaatada haysata. Inaga Somaliland ahaan dhibaatadeena dhaqaale xummo waxay salka ku haysaa seddex qodob:

1. Nimcooleyda Eebe ina siiyey waa Xoolo iyo kalluun. Waana labada maanta Aduunka ugu qaalisan, waxaynu u baahanahay keliya in aynu dhaqaalayno ka dibna suuq gelin fiican u doono.

Dhibtu waxa weeye xoolihii oo aynu daayacnay, Kalluunkii oo aynaan

ka faa’iidaysan iyo xoolaha intii reer miyigu hayey oo aynaan suuq

gelin fiican u raadin

2. Dhibta kale waxa weeye wixii dhaqaale ina soo gala oo u badan inta qurbo-joogu soo diro ayeynaan si fiican u isticmaalin, inta badan xoolahaasi waxay ku baxaan faakihaysi, sida cunista jaadka, baabuurta yaryar iyo dhal-dhalaal xarago oo aan raasamaal lahayn. Waxayd ahayd in maanta wixii ina soo gala loo jaheeyo waxyaabaha lagama maarmaanka ah ee mustaqbalka wax ka taraya, sida waxbarashada, warshado yaryar, tacabka dhulka I.W.M.

3. Maanta waxaynu u baahanahay in cashuurta hoos looga dhigo maceeshadda iyo Shidaalka intii suurtagal ah. In kasta oo aynu Dal sabool ah nahay, hadana waxa daruuri ah in la isu miisaamo mushaharka Dadku qaato iyo qiimaha maceeshada. Dantu maanta waxay ina faraysaa in Dawladu ka fiirsato cashuurta saaran shidaalka iyo cuntada oo ay hoos u dhigto.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku talinayaa in si qaran oo tallo guud ah loo waajaho dhibaatada sicir bararku keenay oo ah gaajo iyo macaluul ummadda ku soo fool leh.

II. Kaabista Xeer N0: 37

Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhaweynayaa dhaqangalka kaabista Xeerka Diwaan-gelinta Codbixiyeyaasha ee ka soo dhamaaday Goleyaasha Sharci-dejinta iyo Madaxtooyadda. Waa tallaabo loo qaaday dhinaca hir-gelinta Doorashooyinka.

Hadda xilka hir-gelinta Diwaan-gelinta cob-bixiyeyaasha iyo Doorashaddu wuxuu ku wareegayaa culayskiisu Guddiga Doorashooyinka Qaranka. cid walba oo ay arrintu khusayso waxa ku waajib ah in loo tafa xayto sidii loo hir-gelin lahaa hawsha ina hortaala.

Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu waa arrin inagu cusub oo aynaan waayo aragnimo badan u lahayn, sidaa darteed waxaanu kula talinaynaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka inay dedaal dheeraada ka galaan dhawrista wakhtiga iyo fulinta hawl walba ammintii loo cayimay.

III. Hambalyada sanad Dugsiyeedka Ardayda.

Xisbiga KULMIYE waxa uu hambalyo u dirayaa Ardayda u fadhiisatey imtixaanadii Dugsiyada Dhexe iyo Sare. Xisbigu wuxuu u rajaynaa inay guul ka gaadhaan imtixaanadooda. Xisbigu wuxuu bogaadin u dirayaa Guddiga imtixaanada, macalimiinta iyo shaqaalaha ka hawl-galay hawshan Qaran.

IV. Tahriibka

Xisbiga KULMIYE wuxuu ka murugoonaya dhalinyarada badan ee ku haligantay badaha, iyaga oo nolol doon ah, lama hayo tirade sugan eek u dhimatay sanadahan dembe. In ka badan 200 ayaa ku xidhan Dalka Liibiya. Xisbigu waxa uu tacsi u dirayaa ummadda Somaliland, gaar ahaan eheladii ay ka baxeen dhallinyaradaasi.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ku tallinaya in qorshe shaqo loo abuuro dhallinyarada, Dalku ma gabin Dadkiisa ee taladii ayaa inaga xun. Dhallinyaradu tallo tahriib dhaanta haka fikirto.

Xisbiga KULMIYE wuxuu ugu baaqayaa dhallinyarada in ayna isku biimayn badaha.

WA BILAAHI TAWFIIQ

MD. MUUSE BIIXI CABDI

GUDDOOMIYE KU-XIGEENKA 1AAD EE XISBIGA KULMIYE

Somaliland.org, Hargeysa.

Shixnad Lacag cusub ah oo u soo degtey Daahir Riyaale

Shixnad Lacag cusub ah oo u soo degtey Daahir Riyaale

Berbera (Somaliland.org) – Shixnad lacag Shilin Somaliland cusub ah oo uu soo daabacday hoggaamiyaha xisbiga talada haya, Daahir Riyaale ayaa maanta dalka soo gaadhey.

Shixnaddaa lacagta ah oo ay siddey Diyaarad khaas ahi waxay maanta duhurkii ka soo degtey Gegida Diyaaradaha ee magaalada Berbera, waxaana lagu qiyaasay shixnaddaas ilaa 40 Ton, balse, lama garanayo tirada lacagtaa cusubi inta ay tahay.

Sida ay sheegayaan wararku diyaaradda siddey Shixnadda lacagta ah waxa laga leeyahay dalka Koonfur Afrika, balse, waxay ka soo duushay Malta, halkaas oo loo malaynayo in lagu soo daabacay lacagtan cusub. Waxaana isla galabta loo soo raray lacagtaas dhinaca magaalada Hargeysa, iyada oo lagu ilaaliyey dhawr gaadhi oo tikniko ah.

Wax war ah oo ramsi ah lagama bixin lacagtaas caddadkeeda iyo ujeeddada loo soo daabacay midna.

Hase yeeshee, inkasta oo warar ku dhowdhow masuuliyiinta baanku ay tibaaxeen in lacagtaas loogu talagalay in lacagta Giimbaarta loo yaqaanno ee Shilin Soomaaliga ah lagaga beddelo Burco, haddana waxa caado ah in Daahir Riyaale markasta oo doorasho soo dhowaato uu soo daabacdo lacag shilin Somaliland ah oo cusub, taas oo uu ku isticmaalo doorashooyinka.

Dhinaca kale, lacagtana ayaa noqonaysa mid sharci darro ah maadaama aanu Golaha Wakiilladu ansixin, iyada oo uu Dastuurku waajibinayo in golaha Wakiilladu ansixiyo lacagta la soo daabacayo, si uu u ogaado lacagta la soo daabacayo tiradeeda iyo baahida keentay. Hase yeeshee, ma jirto mar keliya oo lacag la soo daabacayo uu ansixiyey Golaha Wakiilladu

Shirkii Laanta Norway Iyo Go’ aamadii Ka Soo Baxay, Daawo Sawirada

Shirweyn uu Laanta Norway ee Axadii 08.Jun.2008 iyo Goamadii ka soo baxay (Daawo Sawirada)

Shirweyn uu Laanta Norway ee Axadii 08.Jun.2008 iyo Goamadii ka soo baxay.


Waxaa shirweyn hordhaca isagu yimid xubno badan oo ka mid ah Kulmiye Norway, shirkaas oo hordhaca ahaa waxaa laga hadlay 3 qodob ee soo socda:
 

  1. Ansixinta Sharcigii Laanta oo dhamays tiran.
  2.   
  1. Dood dheer ka bacdi waxaa go,aan lagu gaadhay, qodobadan soo socda:
     

 
Kulmiye Party, Norway Branch
 
Chairman of Norway Branch : Ahmed Baruud CIGE.
Member of Kulmiye SC, from Norway Branch: Prof: Hussein Hassan GULED.
Acoun-ka Norway Branch: 15030507670, Dnb NOR BANK.

Adress-office of Kumiye Norway: Nordkappgata 19, 0479 Oslo, Telefon: + 47 95216028.
E-mail of Kulmiye Norway: kulmiyenorway@hotmail.com.

 

  1. Xubinta golaha dhexe ee Kulmiye u matalaasa Laanta Norway, Prof: Hussein Hassan Guleed

 

 

.

  • Gudida Cusub ee Laanta waxaa la dooranayaa shirweynaha 15.Jun.2008.
  • Xeer hoosaadka Laanta waxaa la ansixinayaa shirweynaha 15.Jun.2008.
  • Waraysiga xubnaha martida inoo ah, waxaa dhacayaa 15.jun.2008.
  •  

     Somaliland dadkayda iyo Somaliland dalkayga.

    Xisbiga Kulmiye.

    Oslo, Norway.——————————————————————————————————————————–

     

    Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland Ka Tirsan,Oo Heshiiska Mucaaridka iyo Xukuumaddu Wada Gaadheen Sharci-darro Ku Tilmaamay.

    Xildhibaan Golaha Wakiillada Somaliland Ka Tirsan,Oo Heshiiska Mucaaridka iyo Xukuumaddu Wada Gaadheen Sharci-darro Ku Tilmaamay.

    (Cabdiraxmaan Saylici)

    hadhwanaag 2008-06-04 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland,ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiiska ay Xisbiyada Mucaaradka ah iyo Xukuumaddu dhawaanta gaadheen, marka loo eego qaabka ay u wajaheen, isla markaana waxa uu tilmaamay in aan Madaxweyne Rayaale sharci ku fadhiyiyin wakhtigan.

    Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, waxa uu ku dooday in loo baahan yahay in Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa la xalaaleeyo, dib loo dhaariyo, maadaama ay muddadii sharciga ahayd ee ummadu soo dooratay dhamaatay 15-kii bishii May ee sannadkan 2008-da.

    Sidaa waxa uu Xildhibaanku ku sheegay mar ay maanta isaga oo ku sugan Huteelka Rayaan ee Magaalada Hargeysa, Wariyayaal kala duwani wax ka waydiiyeen arrimaha heshiiska, hadalo Madaxweyne Rayaale ka soo yeedhay, Miisaaniyad sannadeedkii Golahoodu baasgareeyay iyo arrimo kale oo door ah.

    “Waa in Xeerarka wada-tashiga ee ku xusan dastuurka lagu noqdaa, dabadeetana hadii la doonayo Madaxweyne Rayaale dib loogu dhaariyaa xilka, isaga oo ah Madaxweyne ku simaya dalka doorashooyinka. Laakiin waxaan qabaa in awoodaha laga dhimo, haday tahay ta dhaqaale, ta nabadgalyo oo awoodihii Ciidamada ayuu gacanta ku hayaa, ta Warbaahinta Qaranka oo la doonayo in ay u sinaadaan Axsaabta Qaranku.Cidii ka dhimi lahayd awoodahaa ee kula gor-gortami lahayd ma ahayn Axsaabta Mucaaradka, ee waajibkaa waxa lahaa ee laali lahayd waa Golaha Wakiillada. Ta xalaalaynta mudda Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee ku-meel-gaadhka ah ama iyaga ha ahaadaan (Rayaale iyo Axmed Yuusuf) ama kuwo kale ha loo magacaabo’e cida la isla garto waxa xalaalaynaya Sharci-dejinta.” Sidaa ayuu yidhi Md. Maxamed Faarax Qabile.

    Waxa uu ku dooday oo uu yidhi, “Dhaliisha ugu weyn ee aan anigu u arko inay heshiiskan Axsaabta iyo Xukuumadda dhex maray nabarka weyn ee uu leeyahay ee aan bogsanaynini waa kaa. Waana ka taabashadiisa saaka (shalay) faraqa u dhexeeya Madaxweyne Rayaale iyo Axmed-siilaanyo ay ka muuqatay qoraalada Warbaahinta ay ka sii daayeen”

    Xildhibaan Qabile, mar la waydiiyay, su’aal ahayd in mudda cusub ee la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qaban doono doorashooyinka, in aanay waxba ka sokeyn tii Guurtidu hore ugu mudaysay iyo sida uu isagu u arko waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Asalba waxa weeyaan, heshiiska ay Axsaabtu gashay ayaan sharci xalaalaynayaaba jirin, xil iyo waajibaad u yaalana maaha, haday taa Axsaabtu isku qancisayna waxaan laaqigooda ahayn ayay galeen. Qodob Dastuuriyina waxa uu dhigayaa cidna looma wareejin karo xilka iyo waajibaadka ay Sharci-dejintu ay leedahay, cid kalena ma amaahan karto, waxaanan qabaa in ay tahay qalad dhacay, oo u baahan sixid.”

    Sidoo kale, waxa Mudane Qabile, la waydiiyay, sida uu u arko hadal uu Madaxweyne Rayaale ku sheegay shir Jaraa’id oo uu salaasadii todobaadkan ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, in uu hadii muddadu ka dhamaato iyo hadii kaleba uu yahay Madaxweyne sharci ah iyo sida uu u arko hadalkaa, isaga oo taa ka jawaabayana waxa uu yidhi Xildhibaanku, “Odhaahda Madaxweyne Rayaale uu yidhi waxa uu ka arkay dabaca Axsaabta iyo xilka kale ee aanay iyagu shaqada ku lahayn ee ay galeen. Laakiin marka ciddii lahayd ay qabsato ayuu dareemi doonaa bay ilatahay.”

    Waxa kale oo la sii waydiiyay Md. Maxamed Faarax Qabile, cidda xaqa u leh arrintaa uu ka soo hadlay, waxaanu yidhi, “Waxa xaqu leh labada Gole ee Guurtida iyo Wakiillada, oo wada jir ah ayaa leh.”

    Xildhibaan Qabile, mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd Heshiiska ay Axsaabtu gaadhaan, maadaama ay tartan kula jiraan Madaxweyne Rayaale, miyaanay ahayn wax xalaal ah oo loo baahanyahay in aad xalaalaysaan? Waxa uu yidhi, “Anaga cidda kaliya ee Amadman inay nagu soo celiso xaqa u lahayd Madaxweynaha, oo waa wada-shaqaynta labadayadan Gole Baarlamaan iyo Madaxweynaha, ee Axsaabtu waa laga yaabaa soo jeedin aan toos ahayn inay soo galaan, laakiin anaga xaq nooguma laha in ay Xisbiyadu amar inta ay nasiyaan na yidhaahdaan waxaa iyo waxaa wax ka soo bedala, meel ay ku taalana hadii sharciga aad ka soo heshaan tooda ayay noqonaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Qabile isaga oo su’aashaa ka jawaabayay.

    Mar la waydiiyay Xildhibaanka su’aal ahayd in Madaxweynuhu isugu yeedhayo golayaasha Baarlamanka guurtida iyo Wakiillada, si ay u laalaan qodobo ku jira xeerka diiwaan-gelinta oo la sheegay in ay ka horimanayaan dooarashada madaxtooyada iyo sida ay wax uga jiraan waxa uu ku jawaabay, oo uu yidhi, “Wallaahi, Madaxweyne xilkiisi taagan yahay ayaa taa isugu yeedhida samayn karaya. Laakiin taa qaadashadeeda waxa leh Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ama saddex daloolaw laba dalool Mudanayaasha Golaha Wakiillada, laakiin anigu kolayba shaqsiyan uma arko inuu Madaxweynuhu sharci ku joogo xiligan aynu imika ku jiro.”

    Waxa kale, oo la sii waydiiyay Xildhibaan Maxamed Faarax, maadaama uu ku doodayo in aan Madaxweyne Rayaale sharci ahayn, mucaaridkuna wakhtigan u muuqdaan kuwo taageersan, waxa uu isagu u arko in xalku ku jiro, waxa uu ku jawaabay, “Waxa markasta sharci nimadiisa muujinaya cidda awoodeeda leh, oo aniguba ma lihi meeshu Faakuyuu ha noqoto, oo ha banaanaato. Laakiin waxaan leeyahay xalaalayn ayaa ka maqan, inta xalaalayntu ka maqantahayna awoodihiisii Madaxweyne-nimo waxbaa u dhiman oo iin ayay leeyihiin, oo aan anigu u yeelayaa.”

    Ugu dambayntii Maxamed Faarax Qabile, waxa la waydiiyay su’aal ku wajahan Miisaaniyadii ay dhawaanta ansixiyeen, oo dal-dalool badani ka muuqday dhinacyada arrimaha bulshada waxa ugu jira iyo heshiiksa iyaga iyo Xukuumadda dhexmaray wakhtigan, maadaa aan xisaab-xidhadii sannadihii 2006 iyo 2007, loo soo gudbin, waxa uu yidhi, “Kolay anigu doodaydii ka mudane ahaan waan ka dhiibtay, kalsooni darro badana waan ka muujiyay, oo aan dastuurka ku fadhiisiyay. Hase yeeshee, kolay anigu noqon maayo sidii Xildhibaanadii Kal hore qaarkood ay yeeleen. Maadaama go’aan Gele dhacayna anigu waan raacsanay.”

    Xigasho / Hadhwanaagnews.com/Offece
    Hargeysa/Somaliland.