Archive for May, 2008

Maanta Waa Dharaartii Ciidu Ii Dhawaaqdoo Waa Dharaatii Dhiigaygu Kacayoo Waa Dharaataan Dhudunkayga Muujee Waa Dharaartii Maanta Waa 27 May Geesiyaashii SNM Ay Soo Galeen Magaalada Burco, Faqashna Fadalkeeda Geelu Ka Cabbay !

. Burco (Somaliland.org) – Xuska Sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegaty 27-May 1988, markii ay Xoogagii SNM soo galeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Burco ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco.

Xuska munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah saraakiishii sare-sare ee ururkii SNM maamulada degmada iyo gobolka iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Duqa degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan( Dhago-Laab ), oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday mihiimada Xuska maalintani leeyahay, isaga oo sheegay in ay maalintani tahay Maalintii Somaliland la Xoreeyay.

“Waxaan qabaa Xuska 27-May, ayaa ka mihiimsan Xuska 18-May waayo? Dee haddaan maalinta la guulaysan Somaliland may jirteen,” ayuu yidhi Maayarku. Waxana uu intaasi raaciayay, “Somaliland ba laguma dhawaaqeen haddaan geesiyaashii SNM 27-May Burco soo geli lahayn”.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ( Hadraawi), oo isaguna munaasibaddan ka hadlay ayaa xusay mihiimadii uu lahaa halgankii SNM, waxana uu carrabka ku dhuftay in la gaadhay Guulihii ugu weynaa ee ay SNM ku naaloonaysay.

.

“Guushii ugu weynayd ee ay SNM rabtay waxa ay ahayd Gobonimada iyo Xorriyadda, intiina maanta waynu haysanaaye yaan lagu ciyaarin, oo yaan la khasaarin midhihii halgamayaashu maalintan ay beereen,” ayuu Yidhi Abwaanku. Waxana uu intaasi raaciyey “Waxaan idinkula dar-darmayaa in la xejiyo guushii geesiyaashu keeneen.”

Sidoo kale munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay, waxa hadalo ka jeediyay qaarka mid ah saraakiishii SNM, oo ay ka mid yihiin: Muj. Maxamed Kaahin Axmed


Muj.Maxamed Kaahin.

.


Muj.Ibraahin Dhega weyn


Prof.C/salaan Yaasiin

Prof. C/Salaan Yaasiin, Muj. Ibaraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhewagaweyne) iyo C/raxmaan Aw-Cali Faarax, dhamaantoodna waxay ku dheeraadeen mihiimadda ay maalintani u leedahay Qaranka Somaliland, iyaga oo shacabkana ku boorriyey adkaynta nabada iyo xasiloonida oo ay sheegeen in ay tahay tii loo halgamaayey.


Inkasta oo horeba looga xusi jiray Munaasibadan 27-May magaalada Burco, haddana xuska sanadkani waxa ay ahayd tii ugu weynayd ee lagu xuso abid, marka laga eego dhinaca abaabulka iyo weliba miisaanka wufuudda ka soo qayb gashay.

27-May ee Sanadkii 1988, ayay ahayd markii ay xoogagii SNM ku waabariisteen gudaha Magaalada Burco, weerar xooggan ka dib, weerarkaasi oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay SNM ku soo gasho gudaha dalka.

WAXA LA YAAB LEH IN DOWLADDU MAANTA AY SNM KAGA MUDAN YIHIIN KAADIRIINTII XISBIGII IYO NSS-TII AFWEYNE. Opinion

Muj Aniis Cabdillahi Ciise

Washington D.C


Maalin wliba waxa aan marnaba ka guureyn xiska muwaadin kasta oo reer somaliland oo damiir fayow lahaa gudagalkii Burco ee May 27, 1988, Iyo gudagalkii Hargeysa ee May 31, 1988. Waxa ay xasuus dheer u leedahay mujaahidiintii Ciidanka xoreynta SNM khaasatan ciidanka qaybaha 12 ee Madiina iyo 31 ee Maka lagu wanqalay oo ka qayb galay hawlgalkii cuslaa ee Hargeysa iyo Burco.
Hadaba xiligaas oo ku beegnaa heshiiskii kelidii taliye Afweyne Barre iyo Mengistu Hayle ay ku gadheen Djibouti ee uu Xasan Guleed dhexdhexaadinaayey, waxa 4th April 1988 bilaabmay fulintii heshiiska oo dhigayay in la kala fogeeyo ciidamada xuduudah degen, ayna kormeeraan madaxdii qaybta 26aad iyo saraakiishii qaybta hararge ee bariga itoobiya. Waxaanay dowaldiihii u bilaabmay booqashooyin iyo in ay Itoobiya ku amartay ciidamad SNM in ay ka soo baxaan jiida hore ee xuduuda, laguna soo xereeyo xeryo hub-ka-dhigis ah oo gudaha Itoobiya ku yaala, sidoo kale waxa ciidamadii SNM laga joojiyay dhammaan taakulyntii saanada iyo shidaalka ee ay Itoobiya hore u siin jirtay.

Waxa kor u kacay niyadii ciidamada Afweyne oo ku hamiyay in ciidamada SNM ay u qaybsami doonaan wax xuduuda ka soo talaaba oo is soo dhiiba iyo wax xeryaha Itoobiya ku abaada. Waxa ay ciidamadii faqash bilaabeen hawlgalo degdeg ah oo ay ku sii naafaynayaan cududa ciidamada SNM ee ku sugnaa xuduudaha dushooda. Taliyihii qaybta 26aad Morgan “cabdi bile” oo la hadlaya saraakiishii iyo ciidamadiisii duulaanka ku soo qaaday ciidanka SNM ee fadhiisinkoodu ahaa tuulada Cabdi Yusuf isaga oo la dardaarmaya ayaa waxa uu yidhi : “Waa tiro yar oo gaajaysan ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanaysaa , shaqada labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku waqti hawlgalkiinu bilaabmayaa, waa in aad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan”.

Dagaalkaasi oo ay guushiisa meel sii dhigteen may mahadin. Waxa hawlgala Hargeysa uu 3 maalmood oo qudha ka danbeeyey markii ciidamada xoreynta ee Qeybtii 12aad ee Madiina ay weerer culus ku hilaaciyeen magaalada Burco. Iyaga oo ciidamada cadawgu ay ka war hayeen duulaanka SNM ee ku soo maqan waxay dadweynihii Hargeysa iyo Burco ee waxba gaysan ay saareen culays xad-dhaaf ah waxay xasuus aan go’ayn u leedahay dadkii Hargeysa iyo Burco xiligaas ku sugnaa waxa ciidamadii Afweyne la soo safay wadooyinka iyo xaafadha Hargeysa, Burco , Berbera, Gabiley, Ceerigaab iyo Shiikh, waxa ay suuqyada iyo guryahay hortooda ka ugaadhsanayeen dadka muuqda sidii ugaadha. Waxa ay magaalooyinkaasi muquurteen bandoo ann habeen iyo maalin toona kala lahayn.

2:00AM, habeenimo ee May 31 1988 ayay magaalada Hargeysa ku baraarugtay shanqadha raasaasta ciidamada xoreynta SNM ee ka hilaacay fadhiisimada qaybta 26aad ee Hargeysa.Mujaahid Muse Bixi iyo Dhagaweyne oo ka mid ahaa saraakiishii hoggaaminaysay hawlgalkii Hargeysa , halka ay ka burco hogaaminayeen Mujaahid Moxamed Kaahin iyo rag kaloo badan, hawlgalkii hargeysa oon wax ka weydiiyay laba mujaahid ee muse bixi iyo dhagaweyne xasuusta in ay sawir kooban ka bixiyaan iyaga oo arrintaa ka jawaabaayan waxa ay yidhaahdeen:
“ Maalintaasi waxa ay ku beegnayd muddo ay sanad ka soo wareegtay dilkii mujaahid weynaa ee Adan Sh. Maxamed “ Adan shiine” oo May 31 1987 lagu dilay jigjiga , waxay ahayd maalin adag, waxay ahayd maalin la kala doortay geeri iyo nolol, waxay ahayd maalin ciidamadii SNM iyo shacbigoodii nolosha naceen, kana door bideen in ay huraan naf iyo maalba. Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen ummadii iyo SNM gudo iyo dibadba.
Fulinta go’aankaa adag waxa ku suntanaa ciidamadii xoreynta SNM oo si dhiiran u fuliyay, oo midhaheediina noqday xorriyadda Somaliland ee maanta la wada hadhsanayo Ilaahayna how naxariisto intii ku shahiiday…Amiin.

Haddaan eego waayaha maanta ee dalka iyo ururja SNM …hadaan ku horeeyo ta dalka Somaliland isma lahayn maanta oo somaliland jirtay laba iyo toban sanadood in ay ku sugnaan doonto xaalada aan adduunku ictiraafsanayn, hase yeeshee waxaynu haynaa dalkii iyo nabad lakiin ma hayno dawlad tayo leh oo wadankan wadai karta, balnqaadkii udubna waxay noqtay “ salaan iyo kala taga “. Mar haddii aynu halgan iyo duruufo adagna soo maray, xaalada maanta dalku ku sugan yahay waa mid werwer leh dhinca dhaqaalaha mar haddii dhaqaale xumo timaadana horumar bulsho ma imanayo, haddii horumar la waayana waxay keentaa murug siyaasadeed oo dib-u-dhac horseeda.

Ta SNM mar hadday dalkii horaysay dadkiisiina maamulaayo guul bay taagan tahay, waxase la yaab leh oo ay taariikhduna xusi doontaa in dowladda maanta SNM kaga mudan yihiin Kaadariintii Xisbigii iyo NSS Afweyne. Oo maanta aad moodo niman ahaan jirey Taliskii Afweyne oo xiligii lagu jirey halganka qadhaadh ee kuwii u adeegi jirey taliskii Afweyne ay maanta iyagoo wada dan gaara dadka u sheega in ay SNM oo ahaa kuwii dalkan keenay ay wadaan xumaan, taasina eeda ma laha ka kuu sheegayaa ee eeda waxa iska leh shicibka maqlaaya ee isle kan yaqaana fartii Afweyne oo ah iimaan la’aan ayaa dan kuu wada, waxa maanta indin haysta shicibka reer somaliland ayaa iska leh eeda waayo waxay maanta ka door bideen kuwee shaly iilka ku ridaayay , ka soo saareyna waxay yidhaahdeen waa danbiile.

Waxaan ku soo xidhayaa qoraalkan Taariikhdu way kala sheegi “ kii idin gawracay iyo guusha kii dhaliyay “ , SNM aboolkooda Ilaahay baa siin, lakiin shaicibkii ay u soo dhinteen kamay fileen in ay ku abaalka daraan, lakiin xaga rabi ayaa laydinka jari doonaa. Qaasim ayaa bari hore yidhi tixdan “ Mar uubaa olalihii la irid kii arbacadiiye, aagan ka buuxsada dhowaan ma arki doontaane” .

An African Proverb says “ the bell rings loudest in your own home”…hadaan yara sharaxo maahmaahdan aan idhaahdo sidan

As you look around the community, society, the world, you probably see many things you would like to change, Injustice, inequality, hatred and poverty probably disturb you. You may be angered by the lack of respect and insensitivity to people and their needs. You want to speak out and sometimes strike out to make the changes happen, but don’t forget that God works from the inside out. You must first look within yourself to eliminate the fear, the anger, the imbalance in your life. Then and only then can yu move forward to create peacefully and powerfully the changes needed in the world. Somalilanders the world you want begins within you.

ANIIS CABDILLAHI CIISE
SOMALILAND A.G IN
WASHINGTON DC
aniis@yahoo.com

Hambalyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE dirayo oo ku aaddan Maalmaha Xusuusta Mudan Ee 27/31 May

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo magaca xisbiga KULMIYE, Waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaa shacbiga reer Somaliland, Mujaahidiinta Ururka SNM, Agoomahoodii iyo Naafadoodiiba, isaga oo ku hambalyeynaya maalmaha xusuusta weyn mudan ee 27/05/2008 iyo 31/05/2008, ee ku beegan guddo-galkii Magaalooyinka Burco 27/05/1988 iyo Hargeysa 31/05/1988.

Waxa uu ilaahay uga baryayaa inuu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo Barwaaqo, Nabad-galyo iyo Ictiraaf buuxa, inta u dhimateyna janada ka waraabiyo, inta u naafowdayna ilaahay ka abaal mariyo.

Xuskii ugu ballaadhnaa oo maanta magaalada Burco loogu sameeyey 20guurada Gudagalkii SNM ee 27 May

. Burco (Somaliland.org) – Xuska Sanadguuradii 20aad ee ka soo wareegaty 27-May 1988, markii ay Xoogagii SNM soo galeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalada Burco ayaa maanta lagu qabtay fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco.

Xuska munaasibadan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Burco, ayaa waxa ka qaybgalay qaar ka mid ah saraakiishii sare-sare ee ururkii SNM maamulada degmada iyo gobolka iyo Dadweyne aad u tiro badan.

Duqa degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan( Dhago-Laab ), oo ugu horreyn halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday mihiimada Xuska maalintani leeyahay, isaga oo sheegay in ay maalintani tahay Maalintii Somaliland la Xoreeyay.

“Waxaan qabaa Xuska 27-May, ayaa ka mihiimsan Xuska 18-May waayo? Dee haddaan maalinta la guulaysan Somaliland may jirteen,” ayuu yidhi Maayarku. Waxana uu intaasi raaciayay, “Somaliland ba laguma dhawaaqeen haddaan geesiyaashii SNM 27-May Burco soo geli lahayn”.

Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ( Hadraawi), oo isaguna munaasibaddan ka hadlay ayaa xusay mihiimadii uu lahaa halgankii SNM, waxana uu carrabka ku dhuftay in la gaadhay Guulihii ugu weynaa ee ay SNM ku naaloonaysay.

.

“Guushii ugu weynayd ee ay SNM rabtay waxa ay ahayd Gobonimada iyo Xorriyadda, intiina maanta waynu haysanaaye yaan lagu ciyaarin, oo yaan la khasaarin midhihii halgamayaashu maalintan ay beereen,” ayuu Yidhi Abwaanku. Waxana uu intaasi raaciyey “Waxaan idinkula dar-darmayaa in la xejiyo guushii geesiyaashu keeneen.”

Sidoo kale munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay, waxa hadalo ka jeediyay qaarka mid ah saraakiishii SNM, oo ay ka mid yihiin: Muj. Maxamed Kaahin Axmed


Muj.Maxamed Kaahin.

.


Muj.Ibraahin Dhega weyn


Prof.C/salaan Yaasiin

Prof. C/Salaan Yaasiin, Muj. Ibaraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhewagaweyne) iyo C/raxmaan Aw-Cali Faarax, dhamaantoodna waxay ku dheeraadeen mihiimadda ay maalintani u leedahay Qaranka Somaliland, iyaga oo shacabkana ku boorriyey adkaynta nabada iyo xasiloonida oo ay sheegeen in ay tahay tii loo halgamaayey.


Inkasta oo horeba looga xusi jiray Munaasibadan 27-May magaalada Burco, haddana xuska sanadkani waxa ay ahayd tii ugu weynayd ee lagu xuso abid, marka laga eego dhinaca abaabulka iyo weliba miisaanka wufuudda ka soo qayb gashay.

27-May ee Sanadkii 1988, ayay ahayd markii ay xoogagii SNM ku waabariisteen gudaha Magaalada Burco, weerar xooggan ka dib, weerarkaasi oo ahaa kii ugu horreeyey ee ay SNM ku soo gasho gudaha dalka.

Foosi Saleebaan Aw-Bindhe

Somaliland.org/Burco

Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Sweden oo Gudi Cusub Lagu doortay.

Shirweyne ay yeesheen taageerayaasha iyo xubnaha xisbiga KULMIYE Sweden kana dhacay Caasimada labaad ee Gothunberg ayaa lagu doortay Gudigii hogaaminta

Ee xisbiga Kulmiye Sweden. Ergooyinkaa oo ka kala yimi gobalada kala duwan ee wadanka ayaa waxay si saraaxadle uga doodeen Ajandayaashii horyaaley shirweynaha Kulmiye Sweden.Ugu horayn waxaa shirka ku furay aayado quraan ah Sheekh ibraahim Ismaaciil ,waxa uga danbeeyey oo Kelmedo soo dhoweyn ah halkaa ka jeediyey Cali Mohamed X Xasan oo ku hadlayey afka jaaliyada Kulmiye Gothunberg ee Martida loo yahay wuxuuna ka xog waramay ujeedada shirka iyo ajandayaasha horyaalay.

Intaa ka dib waxaa si habsami ah u bilowday shirkii ay si wada jira u daadihinayeen Cali Mohamed X xasan , Mubaarak Qoorubaxay iyo Mohamud xaaji Aadan. Waxaa warbixin mug leh oo faahfaahsan shirka ka jeediyey gudoomiyaha Kulmiye ee Stockholm Xasan saleebaan oo ka waramay waayihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga Kulmiye,waxa kale oo uu halkaa ku soo bandhigay mashruuc hawleedka shaqo ee ku aadan wada shaqaynta iyo isku xidhka xisbiga Kulmiye Sweden arintaas oo aad loogu guuxay.Wuxuu kale oo ka hadlay sidii Xisbiga kulmiye hormuud uga noqon lahaa citiraaf raadinta oo aan maanta lagu halayn karin cid keliya.

Waxaa kale oo halkaa hadal qiimo leh ka jeediyey Cali khadar oo ka hadlay sidii dardar loo gelin lahaa dhinaca abaabulka iyo wacyi gelinta taageerayaasha xisbiga iyo shacbiga Somaliland iyada oo loo marayo dhinaca warbaahinta. Waxaa kale oo dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Cismaan Abshir oo ka hadlay duruufaha siyaasadeed ee maanta Somaliland ka jira iyo Aragtida caalamka ee ah saluuga dib u dhaca doorashooyinka. Waxaa shirka lagu gaadhay go aamo dhaxal gal oo ku saabsan danaha xisbiga iyo sidii dardar loo gelin lahaa waajibaadka balaadhan ee Umadu ka sugayso xisbiga kulmiye oo ah xisbiga ugu balaadhan xisbiyada siyaasiga ah ee ka jira wadanka somaliland.

Intaa ka dib waxaa la galay doorashada gudigii hogaaminta xisbiga kulmiye sweden,Gudigaas oo xilka hayn doona mudo hal sano ah oo ku eg 24.05.2009 inta la isgu imanayo shirweyne kale. Waxaana lagula dardaarmay inay xilkooda si wadaninimo ah uga doo dhalaalaan,ilaahayna waxaa looga baryey inuu u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee dusha loo saaray.

Magacyada Gudiga Hogaaminta Kulmiye sweden ee La doortay waxay kala yihiin.

1- Ahmed Ibraahin Gudoomiyaha Kulmiye Sweden.

2- Cismaan Abshir Gudoomiye kuxigeenka Kulmiye sweden.

3- Mubaarak qoorubaxay, Afhayeenka Kulmiye Sweden.

4- Mohamud xarbi Xoghaya kulmiye Sweden.

5- Mohamud Xaaji Aden khasnajiga Kulmiye sweden.

6- Waxa kale oo la doortay labo xubnood oo haween ah oo gudiga xubno ka noqon doona.

Intaa ka dib waxaa shirkii kelmedo mahadnaq ah ka jeediyey Gudoomiyaha cusub ee Kulmiye Sweden Mr Ahmed Ibraahim isaga oo ka codsaday in hawsha aan keligood lagu siidaynin ee xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye sweden dhamaantood hawsha la garab galaan si loo gaadho ujaadeda la higsanayo. Wuxuuna halkaa ku soo xidhay kelmedo duco ah. Sidaas ayuuna ku soo gebgeboobay shirkii lagana soo dareeray iyada oo nayaayiro iyo farxadi dadka ka muuqato.

Mubarak Qoorubaxay

Afhayeenka xisbiga ee

Sweden

Qaytii 2aad ee kumuu ahaa AHN Maxamed Xaaji Ducaale (The man of the East)

Qaytii 2aad ee kumuu ahaa AHN Maxamed Xaaji Ducaale (The man of the East)


Intaanan qaybta 2aad gelin waxan ka cudur-daaranayaa qalad madbaci ah oo ku baxay qaybtii hore, kaasoo ahaa markuu qabtay Caaqilnimada 1935. maaha sidaas, markaan hubiyey waxay ahayd dhamaadkii 1946 ama horaantii 1947.

An guda galo qaybtii 2aad iyo kifaaxii AHN Maxamed X. Ducaale e’, Wuxu kasoo noqday marxuumku carriga Ingiriiska markuu dhamaystay casuumaddii iyo ka qayb galkii caleema saarkii Boqoradda Ingiriiska (the coronation of Queen Elizabeth the 2nd)

Maqfuurku markiiba wuxu guda galay hawshii u taalley sida furitaanka School-ka Ceel-afweyn isagoon ka minddi dhigin inay Dawladdu u diyaariso hal macallin oo lagu bilaabo fasalka koowaad ee School-ka.

Si kastaba ha’ ahaatee, waxa ka dayriyey in macallin la’ helayo AHN Maxamud Axmed Cali isagoo ku saleeyey macallimiin yaraan iyo ku dhiirrasho aanu ka filayn inay si fudud kuba ogolaanayaan macallimiintu inay wax ka yagleelaan meel aan hore jirin. Kamay deggin kumana niyad jabin Marxuumku dayradaa uu ka dhwaajiyey gudoomiyahii tacliinta ee maxmiyadii British Somaliland.
Nasiib wanaag waxa iskii ugu yaboohay inuu diyaar u yahay inuu isagu macallin ka noqdo Ceelafweyn AHN macallinkii qaaliga ee Abuu-shiraac oo lagu xasuusto daah-furkii dugsiga hoose ee Ceelafweyn. xaggii waxbarashadana waa laga soo dhoweeyey oo ogolaansho ayaa ka yimid waxana sahlanaatey inay Maxamed X. Ducaale iyo Abuu-shiraac-ba AHN usoo boqoolaan xagga Ceel-afweyn waxana halkaa lagu qoray School-ka 8 inan ee ugu horeeyey School-kuna dhab ahaan wuxu u furmay School-furkii 1953 iyadoo uu noqday macallin Dayaanihii ugu horeeyeyna Xaaji Yuusuf Maxamed Caamir oo weli ku nool Degmada C/afweyn gudeheeda.

Waxa maanta ka noolbaan filayaa ardaydaa muftaaxa ahayd, Jaamac Cabdi Muuse (gawaafe), col.Faarax Shire Gurey, Axmed Maxamed X. Ducaale, Ibrahim Maxamed Nuur, Ismaciil Faarax Maxamed (Ismail-dad-qal). Halkaana waxa ku rumowdey inuu gaadho marxuumku yoolkii uu tiigsanayey isagoon haba yaraatee gacan cid ka helin aan ahayn Ilaahay iyo an idhaahdo dhawr oday oo niyad ahaan is bar-bar taagey, oy ka nool yihiin maanta Axmed Muuse (Axmed-waraabe) Caaqil Cawl Cabdulle Nuur, iyo Xaaji Yuusuf Xaai Ducaale.

Macallinkii Abu-shiraac AHN in mudo ah ayaa waxa ku adkaatay inuu la’ qabsado magaaldii oo ku soo koobnaatay iyo isagoo qariibnimo dareemay waxanuu yidhi (Maxamed xasan baa i madadaashee meel yarna malaha lagu maleehaabee meer-meera daranaa magaaladu).

Wuxu bilaabay marxuumku intaa kuma ekaane sidii loo samayn lahaa seere loo xidho Halaha inamada School-ka dhigta loogu xuddun xidho, hase ahaatee waxa ka biya-diidey dadweynihii iyagoo u arkayey in dhulkii la’ qoqobayo. Daasad-tun iyo isu-soo bax ayuu faray headman-kii, hadii meel fagaare ah laysugu soo baxayna wuxu ku war geliyey in kulankeenu yahay sidii looga wada arrinsan lahaa seere. Isagoo weydiiyey dadweynihii halkee baa dhulka ugu liidata daaq iyo tayaba? waxay yidhaahdeen GAAD baan dal-san ahayn, wuxu yidhi hawraarsan e’ ka warama hadaynu GAAD seeraysano oo halaha inamadeenu wax ku baranayaan keliya u xidhno? go’aan baa layskula qaatay seerihii.

Marxuumku wuxu uga gudbey codsi uu ku wediistey ninkii haystey DNR dhirta & daaqa oo loo yaqaaney Hool-hool inuu u shaqaaleeyo inamo seera-celiye ah (forestry) wuxuna u sheegay inuu imanayo dhowaan Director-kii oo la’ odhan jirey Larry. Nasiib wanaagna waxabuu ku yimid mudo kooban Mr Larry, waxana soo dhoweeyey marxuumka isagoo kursi u dhigay dukaan uu lahaa hortiisa. Halkaa ayuu kaga codsaday inuu u qoro inamo seeraha celiya. Wuxuna ugu jawaabey 3 sadexbaan idiin qorayaa, wuxu isla markiiba marxuumku magac-dhebey oo qoray AHN Maxamed Xasan Dhunkaal wuxu kaloo magacaabay Caabi Digaale Jaamac ninkii sadexaadna wuxu ugu yeedhay Diiriye Cilleeye Shire. Seerihii iyo seera-celiyihiina si rasmi ah ayay uga diiwaan galeen xafiisyadii maxmiyadda.

Markii la’ arkay dhulkii seeraha loo calaamadiyey oo kaymoobey iyo faa-iidada uu leeyahay ayuu fidiyey seerihii iyadoo aanay wax carqalad ahina kaga iman dadweynihii. Calaamadintiiseerahana waxa lagu sargooyey, xagga bariga lagu simay SUFDHEERE koonfur-galbeedna GAL-CIIDLE xagga galbeedna wuxu ku sinnaa HULUQSEY oo ku dherernaa ilaa buuraleyda magaalada kaga beegan waqooyiga.

Mudoyar dabadedna waxa shaqo ka helay intaan ka xasuusto ilaa 10 nin oo loo qaatay seera-celiye (forestry). Waxa loo qoondeeyey in inan walba loo geliyo seeraha 2 halaad oo irmaan si caanohooda loogu masrruufo/biiliyo. fekradda ahayd in dadka sidaa wax barasho loogu sahlona isaga ayay ka timid waana lagu guuleeystey aakhirona waxay u tahay cilmi naafic ah oon ka go’ayn ilaa qiyaamaha ifkana waa tilmaanta joogta. xataa waxay markii danbe gaadhey in ardayga aan geelba la’ iman cid kale ku qorato magaciisa geel oo iyaguna magaalada ka caano-teelaan ardaygana hadii duruufi jirto kaga war hayaan af-marin .

2dii macallinee loosoo bedelo School-kana waxa ugu horeeyey AHN Xasan Cali Cawaale iyo Muuse maa-caleysh. Waxa iiga sheekeeyey AHN Xasan Cali Cawaale oo nagu casumey Berbera isagoo ahaa wasiira dawlaha A/dibedda ee S/land 1995 sidaan filayo badhtamihii November, aniga iyo Muuse Maxamed Ducaale waxuna ammaan badan u hibeeyey maalintaa dadka reer Ceelafweyn oo uu ku tilmaamay qaayo iyo qurux, waxanu fadhiisanay maalintaa state house-ka Berbera.

Wuxu marxuumku keenay iyana ilaaladii si nabad gelyadu u sugnaato, ogow ilaaladu waxay dhulka ka joogtey xarumona ku lahayd deg.Ga’adag iyo Buraan, oo loogu talo galay inay midiba daboosho aagga u dhow. Noloshii, himmiladii, iyo horumarkuu rabey baa isla hana-qaaday sida School-kii, ardaydii, seerihii, nabad-gelyadii iyo ilaaladii/askartii.

Magaaladiina waxay noqotay meel barwaaqo iyo caanaha ku caan-baxday. Markaana macallinkii Abuu-shiraac AHN wuxu yidhi balwo ay dhextaal u ahatd ”Ceel-afweyn Cadan way ka sidataa haddii caaneheeda lagu daro”

Waxa fidday fekraddii iyo faa’iidadeedii oo muuqatay waxana markiiba ku dhaqaaqay odayaashii reer Gar’adag oon ka xasuusto Barre Nuur iyo Cabdi Cali Saalax AHN oo ka hawl galay yagleelkii School-kii hoose iyo seerihii Gar’adag oo iyana si fiican u aloosmay, maantana waxay ka mid tahay Gar’adag meelaha la’ tilmaamo ee ugu horeeyey furitaanka dugsiyada sare ee gobolka markii lagu soo laabtay dhulka 1991.
Waxa farxad iyo faanba ii ah in maanta ku dhowaad 500 shanboqol oo arday ka baar gooyaan sanad kasta dugsiga sare ee Garadag iyo Ceelafweyn.

Marxuumku wuxu ku xigsiiyey Seere iyo ilaalo/askar uu geeyey Huluul oo uu ku dhashay wasiirka arrimaha dibedda ee S/land C/hi Maxamed Ducaale.
Maxamed X. Ducaale AHN wuxuu caan ku noqday gobolkii la’ odhan jirey waqooyi bari oo Burco u ahayd waagaas magaalo madax, waxay kaloo hadal hayntiisa iyo waxqabadkiisuba gaadhey dhulkii la’ odhanjirey British Somaliland wuxuna ka mutaystay caddaan iyo madoba xishmayn sharaf iyo karam, iyo an idhaahdo hadal-

hayn afka laga dhig-waayey huf-naantiisa, hawl-karnimadiisii Eebe hawnaxriisto.

Dhacdo kooban kale oo qosol leh,
Waxa jirtey isagoo Cadan ku maqan marxuumku ayaa dhulkii xaalufoobey dadkiina wuxu ku soo guurey seeraha dhulka u dhow si ay xoolohooda u xadsiiyaan seeraha oo habeenkiina mirtaan maalintiina haday u suurtowdo cunsiiyaan. Shiikh Muxumud-yare AHN oo ahaa nin reer Gabiley ah Qaaddina ka ahaa Ceel-afweyn waqtigaas ayaa markuu ogaadey in seerihii la’ xaalufinayo ayuu ka waaniyey dadkii waa la’ maqli-waayey wuxu soo qabtay Burco isagoo raba inuu Xaaji Maxamed Ducaale uga diro taar ilaa Cadan markaasuu maqlay inuu Berbera yimid, farriinbuu u diray oo yidhi waar i soo gaadh. Ceel-afweyn markuu ku soo noqday ayuu yidhi Shiikhu “Axmed Faaraxow Ninkii yimid” Waxana ii cadeeyey C/wahab Cumar Sh Muxumud-yare

La’soco Qayta 3aad iyo xiiseheeda.
Axmed X. Yuusuf Ducaale, London, UK.
huluulyare@yahoo.co.uk

Prof. Ismaaciil Muumin Aare Iyo Madax Xisbiaga Kulmiye Ka Tirsan Oo La TaKooray Loona Diiday Inay Xafaladii 18ka May Ee Boorama Ka Hadlaan

“Lama Joogo Waklhti La Sacabbiyo” Ismaaciil Muumin.

Boorama, May 19, 2008 (Haatuf) – Prof. Ismaaciil Muumin Aare oo ah musharax jagada Madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiinta xisbigaasi ee gobolka Awdal ayaa dareen cadho leh ka muujiyey sidii looga takooray dabbaaldegga munaasabadda 18 May ee Boorama lagu qabtay shalay, taas oo ka dambaysay kadib markii loo diiday inuu ka hadlo munaasibaddaas.

Sida uu ku soo waramay weriyaha Haatuf ee gobolka Awdal, Maxamed Cumar Sheekh, shir jaraa’id oo uu wax yar kaddib dhammaadkii xafladdaasi qabtay, ayaa waxay maamulka gobolka Awdal ku eedeeyeen inuu ku kacay ficillo aan ku wanaagsanayn wada-jirka iyo waanwaanta axsaabta iyo dawladda u socota, isagoo musharraxaasi iyo masuuliyiintaasiba shirkoodan jaraa’id ay ku muujiyeen siday arrimahani dhaawac ugu geysan karaan sumcadda gobolka. Ismaaciil Muumin oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi: “Maanta [shalay] oo 18-ka May ah, waxaan ummadda u diraynaa salaan, waxa jirta waayadan, iyadoo ay nabadi jirto, dastuurkeenna iyo dhaqankeenuna ku dhisan yahay istixgelin. Guurtidu waxay ahaayeen aasaaskii processkan. Waxa la lahaa maalmahan waa la is haystaa, waxa la gaadhay wakhtigii sida sharciga ah la isku qabsana lahaa. wakhti la sacabbiyo lama joogo, wwaa inaan doodno, waa in la wada hadlo, sacab maaha iyo guulwade Siyaad aan 20 sano ku soo jirray dadkiibaan ka kari la’nahay sacabbinta iska daaya. Haddaan ku dirtay inaan shan cisho ii hay ku idhi oo walaalkaa joogo, miyaanay ahayn inaad iska wareejiso, diktaatooriyad uma baahnin. Dimuqraadiyadda dadka laga eryeyaa, sidaa wax, jaamacadihiiba jira. Bini aadamku inaan hore uga sii soconno weeye meeshaan joogno. Sida sharciga ah innagoo marayna. Waad ogtihiin in saddexda xisbi wadahadal u socdo iyadoo la tixgelinayo wanaagga dadka iyo dalka, ciidanka waxan si silmi ah ugu wareejinaynaa kolba kii qabta. Sida maanta gobolka awdal ka dhacday xafladdiisii, waxaad mooddaa in labadii xisbi ee mucaaradka ah midna la soo dhaweynayo midna la fogeynayo, oo kolkii la kala dareerayey KULMIYE loo dhiibay, haddana laga bakhtiiyey, waxaan leenahay dawladdu caasimadda iyo gobolada waa inay sharci ku wada xukuntaa ee midba kay doonto aanay ku xukumin loona sinaado axsaabta qaranka. Waxaan ka xunnahay guddoomiyaha gobolku siduu noola dhaqmay ee isaga aad mooddo in amar gooni ah la siiyey.” Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay wakiilka xisbiga Kulmiye ee G/awdal Aadan Xaaji Maxamuud Aye, oo yidhi “Waxan leenahay ummadda yaan la majara habaabin. Sicir bararbaa jira, dad codka laga rabaa waa masaakiinta aan cidi ogeyn, dawladda waxan odhan lahayn waa inay cashuuraha ka kabaan dadka, raashinka qiimihiisana hoos loo dhigo. Shicibkaa dawlad lagu yahay. Xafladii maanta way fiicnayd laakiin dhaliil bay lahayd, waxay ahayd in kaalinteedii la mariyo xafladdaasi oo naloo oggolaado. Hadii xisbi hala iska ilaaliyo la yidhaahdo, sidaa kuma joogsanayo. xisbigana waad mooddaa in la iska celinayo. Waa dad isku mid ah, nabadda jirta in la ilaaliyo weeye, oo dadka la isku soo jiido. Maanta waxaynu maraynaa meel aan higsanaynno aqoonsi iyo dimuqraadiyad taam ah inaan gaadhno, waxaanad moodda in maamulkeenni gobolku sidaa si ka duwan uu dib innoogu celinayo. Waa waxan ka xunnahay annagoo maanta dadkeenii Somaliland dhammaanteen aan tusi weynay farxadda 18 May, sababtoo ah takooridda lagu samaynayo qayb ka mid ah dadweynaha gobolka ee badhna loo diidayo inay farxaddooda muujiyaan badhna loo oggolaanayo.” Ibraahim Aadan qaalib, kana mid ah siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE oo isna ka hadlay shirkan jaraaid ayaa sheegay Xidhiidhka ka dhexeeyab i kulmiye iyo maamulku gobolku inuu marayo meel xun.

Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi oo Dadweynaha Hargeysa, Burco iyo Boorame kala qaybgalay xuska 18ka May iyo Nuxurka Khudbadihii ay u jeediyeen

Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi oo Dadweynaha Hargeysa, Burco iyo Boorame kala qaybgalay xuska 18ka May iyo Nuxurka Khudbadihii ay u jeediyeen

Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta kala qaybgalay xuska munaasibadda 18ka May dadweynaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame, iyaga oo khudbado uga jeediyey dadweynaha fagaarayaal.

Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi Qaran: mudane Daahir Riyaale Kaahin oo hadal u jeediyey dadweynaha Hargeysa, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo dadweynaha Burco kala qaybgalay munaasibadda iyo mudane Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay fagaare ku yaalla Boorame, waxay dhammaantood ku soo qaadeen wadahadaladii u furmay Khamiistii hore ee ay xalka ugu raadinayaan khilaafka adag ee u dhexeeya. Waxayna saddexda hoggaamiyeba rajeeyeen, kuna duceysteen in kulanka ay u ballansan yihiin 19ka May oo ku beegan Isniinta berrito uu ka soo baxo xal ay ka gaadhaan khilaafka u dhexeeya.

Riyaale iyo Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, , madaxweynaha Somaliland ee muddadii xilka loo doortay dhammaatay, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa hadal u jeediyey kumanaan dadweynaha magaalada Hargeysa ah oo isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xorriyadda, iyaga oo u damaashaadayey maalinta dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland ee 18ka May.

Fagaaraha oo ammaankeeda aad loo adkeeyey, ayaa mudane Daahir Riyaale goor dambe soo gaadhey, isla markaana waxa la dedejiyey munaasibadda oo khudbado aad u koobkooban laga jeediyey, iyada oo laga baqayey in buuq iyo rabash ka dhasho fagaaraha oo meelaha qaarkood laga maqlayey guux iyo foodhi intii mudane Riyaale khudbaddiisa ku gudajirey, taas oo uu ku soo qaaday dhawr arrimood ku saabsan, munaasibadda 18ka May, siyaasadda Gudaha iyo Dibadda iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaaladda dalka.

Mudane Riyaale, waxa uu si kooban u soo qaaday khilaafka u dhexeeya isaga iyo xisbiyada mucaaridka ah iyo wadahadaladii dhowaan u bilaabmay, waxana uu yidhi.

“Waxaan idiin sheegayaa, xukuumadda iyo axsaabta qaranka wadahadal baa noo bilaabmay, si fiican buu noogu bilaabmay. Waxaanan rajeynaynaa ballan dambe oo noo qabsoomay isha allaahu inaanu ku dhammaysano wixii noo dhiman”.

Mudane Riyaale, waxa uu intaas ku daray inay waajib tahay in laga wada shaqeeyo qaddiyadda Somaliland gudo iyo dibadba, si aynu u gaadhno ayuu yidhi himilada aynu higsanayno

Mudane Riyaale waxa uu sheegay in xuska sannadkani uu kaga duwan yahay xusaskii ka horreeyey iyada oo sannadkan laga xusay 18ka May dhammaan gobolada dalka oo dhan, taas oo uu sheegay inay tahay guul ay ciidamada Qaranku soo hooyeen. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dedaal badan ku bixisay sidii dalka loo gaadhsiin lahaa maamulka, taasina ay tahay ta suuragelisey in dalka oo dhan maanta laga wada xuso munaasibaddan.

“Waxaa astaan inoo ah midnimada qaranka, wadajirka dad ahaaneed iyo dal ahaaneed oo aynu ka wada shaqayno. Taas ayaynu ku gaadheynaa himiladeenna dhow iyo ta fog labadaba,” ayuu yidhi.

“Taasi ayaa inoo ah dhaadatada maanta ee aynu ku xusayno munaasibaddan 17aad,” ayuu raaciyey.

Waxa uu intaas raaciyey mudane Riyaale in Nabadgelyadu tahay ta ugu muhiimsan, waxana uu shacbiga uga mahadnaqay inay markasta u feejigan yihiin, una soo jeedaan nabadgelyada dalkooda, taas oo uu aad ugula dardaarmay inay xoojiyaan markasta.

Mudane Riyaale oo khudbaddiisa ay marba hakinayeen buuqa dadweynuhu waxa uu ku celceliyey oo uu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada gudaha Somaliland iyo is jacaylkooda dadkeeda. Waxana uu ugu baaqay xisbiyada iyo saxaafaddaba inay shacbiga ka ilaaliyaan, wixii xajiimaynaya ayuu yidhi, “wada noolaanshaha iyo wadajirka shacbiga Somaliland”.

Daahir Riyaale, inkasta oo uu sheegay in aanu ku talagelin khudbad munaasibadda, khudbaddiisii sannadkuna ay ahayd tii uu u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka dhowaan, haddana, waxa uu ka hadlay waxyaabo ka mid ah barnaamujkiisa.

Waxa uu sheegay in socdaalkii uu ku tegey Imaaraadka Carabta uu soo helay Riig ceelasha qodaya, kaas oo uu sheegay inuu hawshiisa ka bilaabayo Koonfurta Hargeysa. Waxa kale oo uu ka hadlay sicir bararka maceeshada iyo cunto yaraanta dunida, waxana uu sheegay in maamulkiisu uu dhiirrigelinayo wax soo saarka dalka, ayna caawinayaan beeraleyda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu soo qaaday siyaasadda dibadda, waxana uu sheegay in dalalka deriska ah oo dhan uu xidhiidh fiican la samaynayo, isaga oo xusay in dalalka deriska ah ee aanu xidhiidhka fiican la lahayna ay ka hawlgelayaan sidii ay xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahaayeen.

Axmed Siilaanyo iyo Burco

Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga, muj. Muuxe Biixi Cabdi, Guddoomiyekuxigeenka 2aad, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka xisbigaas ayaa dadweynaha magaalada Burco kala qaybgalay xuska sannad-guurada 17aad ee maalintii Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideeda, laguna dhawaaqay goonni isu taagga oo ku beegan 18ka May. Waxana uu hadal uga jeediyey kumanaan qof oo isugu soo baxay Fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco.

Xuska munaasibaddan oo ahaa kii ugu ballaadhan, isla markaana ay ka soo qaybgalaan dadkii ugu tirada badnaa, waxa soo qabanqaabiyey maamulka Gobolka, waxaana xamaasad dheeraad ah geliyey ka qaybgalka weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo si weyn loo danaynayey hadalkooda.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta xisbiga KULMIYE munaasibaddaas, isaga oo khudbad uu halkaa ka jeediyey ugu baaqay xisbiyada siyaasadda inay heshiiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan. Waxa kale oo uu ugu baaqay shacbiga magaalada Burco inay il gaar ah ku ilaashadaan nabadgelyada oo uu sheegay inay ka unkantay magaalada Burco.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo salaan sharaf kala qaatay Badhasaabka cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka, waxa uu ka warramay mawqifka xisbiga KULMIYE ee xaaladda dalku haatan marayo. Waxana uu ugu horrayn ugu baaqay shacbiga reer Burco inay ilaashadaan nabadgelyadooda, isaga oo sheegay in ilaalinta nabadgelyada guud ay isku meel uga soo jeedaan axsaabta qaranku.

Hase yeeshee, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu iska beddelin mawqifkiisii, welina wax heshiis ah aan laga gaadhin muddada xilka Madaxweynenimadii Daahir Riyaale oo dhammaatay 15 May, balse, waxa uu sheegay in wadahadal u socdo.

“Waad ogtihiin in muddadii Madaxweynuhu dhammaatay 15kii May oo aynu saddex maalmood iminka dhaafnay, wadahadal ayaana noo socda oo 19ka bisha ayaanu isku noqonaynaa,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Waxana uu ka dalbaday shacbiga reer Burco inay ku duceeyaan in kulanka 19ka loo ballansan yahay is afgarad lagu gaadho, annaga oo eegayna ayuu yidhi danta iyo maslaxadda ummadda.

“Waxaad Ilaahay nooga baridaan in uu noogu dhamaado is Afgarad,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo wax kale oo uu ka warramay xaaladda sii xumaanaysa ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka iyo sida xisbigiisu uga damqanayo, taas oo uu eeddeeda dusha ka saaray xukuumadda Daahir Riyaale, isaga oo sheegay in doorashooyinkii qabsoomi waayeen, dalka uu musuq maasuq iyo dib u dhac ku yimi gebi ahaanba hannaankii dimuqraadiyadda Somaliland.

“Anagu kulmiye ahaan, ma yeelayno in Geedi-socodkii Dimuquraadiyadda la waxyeeleeyo, ma yeelayno in ay waxas oo Camal la’aan ahi idin haysato, ma yeelayno in dhalin aradu tahriib uga haajiraan dalka. Waxaas oo dhanna waxa sababtay siyaasad xumada Xukuumada maanta Jirta,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo munaasibaddaasi ka hadlay, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, Duqa magaalada Burco, Mr. Dhegalaab, wakiillo ka kala socdey labada xisbi ee UCID iyo UDUB, iyo masuuliyiin kale.

Faysal iyo Boorame

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dadweynaha magaalada Boorame kala qaybgalay xuska munaasibadda 18ka May.

Mudane Faysal Cali Waraabe, khudbad uu u jeediyey dadweynaha reer Boorame kaga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mawqifka xisbigiisa. Waxana uu sheegay in wadahadalada bilaabmay uu ku rajo weyn yahay in la isku afgarto.

Waxa uu sheegay in waxa keliya ee hadda la isku khilaafsan yahay ay tahay diiwaangelinta oo uu sheegay in xisbi keli ahi diiddan yahay, isaguna uu oggol yahay in la sameeyo diiwaangelin. Balse, waxa uu sheegay in aanay ogolaanayn diiwaangelinta haddii xukuumaddu ka dhigato meel ay kaga gabato doorashooyinka.

CIID Wanaagsan Munaasabada Xuska 18ka May, Gudoomiyaha Xisbiga Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Dadweynaha reer Burco La Dabaal degi Doona Munaasabada Weyn ee Xuska 18ka May Oo ah Dib Ula soo Noqoshadii Qaranimada Somaliland

Burco- Guddoomiyaha Xisbiga md Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ay la socdaan xubno ka tirsan hoggaanka sare ee xisbiga ayaa caawa soo gaadhey magaalo madaxda gobolka togdheer ee Burco . Gudoomiyaha xisbigu Waxa uu maalinta berri ah oo ku beegan 18ka May dadweynaha magaalada Burco kala qaybgeli doona xuska Sannad-guurada 17naad ee dib ula soo noqoshada iyo Goonni isu taagga qaranimada Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo galabta u ambabaxay magaalada Burco ayaa la filayaa isaga iyo gudoomiyaha xisbiga mucaridka ah ee Ucid md Faysal cali waraabe inay 19ka bishan kulan kale hadana soo horfadhiistaan madaxweynaha mudadiisii dhamaatay ahna gudoomiyaha xisbiga Udub md Daahir Riyaale Kaahin si ay u sii wadaan wadahadal xal u raadinta khilaafka ka dhashay muddadii xilka Madaxweynenimada oo ka dhammaatay Daahir Riyaale 15kii May iyo go’aanka Guurtidu ugu kordhisey muddada xilka oo labada xisbi ee mucaaridku ay diideen inay aqoonsadaan walina aan halkii ka soo degin

Kulankii hore ee madaxda sedexda xisbi oo maalintii Khamiistii la wada hadlay ayaa ismari waa ku dhammaaday balse la isla wada ogalaaday in wada hadalku uu sii socdo. waxaa Kulankaas sedexda xisbi kala hogaaminayay md Axmed Siilaanyo oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye, md Faysal cali waraabe oo ah gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo md Dahir Rayaale Kaahin oo ah gudoomiyaha xisbiga Udub oo mudadii madaxweynimadu ka dhamaatay bishan May 15 keedii.

Shabakada kulmiye.com waxay idinla socodsiin doontaa munasabada dabaal dega iyo damaashadka 18ka May ee magaalooyinka dalka Somaliland iyo dibadahaba hadii EBBE inoo ogalaado.

Qosolka Mucaaradku Ma Dhabbaa?

Opinion

Axmed Yuusuf DucaaleAxmed Xaji Yuusuf Ducaale

Aad baan uga xumahay in madaxdii macaaradku shuruud la’aan ku horfadhiistaan ina Riyaaloo dayaxiisu dhacay.

Su’aal ma’ iyadoo Ilaahay ina Riyaale mudadaynu ixtiraamayney inaga dhameeyey ayaad ula hadlaysaan, sidii wax dhaafsan Gudoomiye UDUB?

Waxay ahayd inay u hadlaan waa mucaaradka e’ waxay dadweynuhu doonayaan oo ah in dulmiga iyo dilka la’ caadeystey la’ joojiyo

Waxay ahayd in lays weydiiyo dilkii u danbeeyey ee inamadii la’ toogtey iyagoo bawaagtii dusha ku sita, iyo dhiigga shacabka ee la’ xalaashaday mudadii Daahir magaca loo lamaaneeyey

waxay ahayd in la’ weydiiyo ina Riyaale inantii lagu toogtey badhtamaha Hargeysa ee ninkii diley la’ yidhi xadhiga ma’geyo, kii gaadhiga wadeyna la’ qafaashay oo lagala maqanyahay gogoshiisii iyo gurigiisii

Waxay ahayd in la’ weydiiyo xadhigii Abshir iyo hudheelada loo weerarayo sidii ay arga-gixso ku jirto iyadoo lagu socdo qof aan waxba geesan lagu kibir qoo-qayo.

Waxay ahayd in lays weydiiyo ciidamadan lagu sheegayo faras magaalaha caasimadda ujeedada ka danbaysa

Waxay ahayd inay kala hadlaan ina Riyaale qaabkii looga heshiin lahaa sidii Dawlad doorashada dar-dar gelisa loo samayn lahaa

Waxay ahayd inay u sheegaan in ina Riyaale aanu ku haysanayn kuna xukumi doonin sidii lagu qadderinayey isna ku qarda-jeexayey

Waaxay ahayd inay ka koraan khiyaamada, beer-laxawsiga balan-darada, iyo Billaahida beenta ah

Waxay ahayd inay yidhaahdaan cayda iyo hanjebaadaad caadaysatey hasii macaansan wixii lagagu dhawrayey kaa dhamaade e’

Waxay ahayd inay u sheegaan inuu ka waantoobo ina Riyaale hadaladay mas’uuliyiinta Dawladdu warbaahinta u marinayaan iyagoo ceshiimeynaya qabaa’ilka laga uriyo macaarad u janjeedhka

Waxay ahayd inay xasuusiyaan in wixii nabad-gelyada gaadha ina Riyaale ka mas’uul noqon doono

Waxay ahayd in aanay yeelin balanta isniinta 18-ka bisha dib loogu riixay, hadayba ogolaadeen is arag danbena, waxay ahayd inay u qaddimaan in aanay kula kulmi doonin maalintaa sidii madaxweyne.

Waxay ahayd inay dadweynaha sugaya runta ugu soo gudbiyaan oo ka waramaan waxay kala kulmeen kooxdii looga wer-wersanaa Somaliland

Waxay ahayd inay doorsiiyaan ina Riyaale, Cawil iyo Bullaale kuu door bido inuun ku nwehelinayo kulanka, illeen sadx sadex baad ahaydeene

Waxay ahayd inaydaan iskala qoslin nimaan qadaf iyo qallooc mooyee aan lahayn wax lagula qosol-qaybsado.

Waxay ahayd inaydaan sinaba uga yeelin ina Riyaale inuu doorasho idinkula galo isagoo gacanta ku haysta wasaaradaha Daakhiliga, Maaliyadda, Warfaafinta, iyo isagaa iska lumiyey waqtiga e’ Wasaaradda Difaaca.

Waxad yeeshaan haku arkina madaxtooyada isagoo Daahir isu qaba Madaxweynihii hore ee somaliland.
Waxad diidaan Warmihii dhiigga lahaa ee Guurti ku-sheeggu Somaliland ku wanjaaftay.
Waxa diidaan bi’i waaya e’ wixii quudhsi leh een qadderin marin.

Hanoolaato Somaliland Riyaale dabadii, ammaano Alla.
Axmed Xaji Yuusuf Ducaale