Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi oo Dadweynaha Hargeysa, Burco iyo Boorame kala qaybgalay xuska 18ka May iyo Nuxurka Khudbadihii ay u jeediyeen
May 18th, 2008
Hargeysa (Somaliland.org) – Hoggaamiyayaasha Saddexda xisbi ee Somaliland ayaa maanta kala qaybgalay xuska munaasibadda 18ka May dadweynaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorame, iyaga oo khudbado uga jeediyey dadweynaha fagaarayaal.
Guddoomiyayaasha Saddexda Xisbi Qaran: mudane Daahir Riyaale Kaahin oo hadal u jeediyey dadweynaha Hargeysa, mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo dadweynaha Burco kala qaybgalay munaasibadda iyo mudane Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay fagaare ku yaalla Boorame, waxay dhammaantood ku soo qaadeen wadahadaladii u furmay Khamiistii hore ee ay xalka ugu raadinayaan khilaafka adag ee u dhexeeya. Waxayna saddexda hoggaamiyeba rajeeyeen, kuna duceysteen in kulanka ay u ballansan yihiin 19ka May oo ku beegan Isniinta berrito uu ka soo baxo xal ay ka gaadhaan khilaafka u dhexeeya.
Riyaale iyo Hargeysa.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, , madaxweynaha Somaliland ee muddadii xilka loo doortay dhammaatay, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa hadal u jeediyey kumanaan dadweynaha magaalada Hargeysa ah oo isugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xorriyadda, iyaga oo u damaashaadayey maalinta dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland ee 18ka May.
Fagaaraha oo ammaankeeda aad loo adkeeyey, ayaa mudane Daahir Riyaale goor dambe soo gaadhey, isla markaana waxa la dedejiyey munaasibadda oo khudbado aad u koobkooban laga jeediyey, iyada oo laga baqayey in buuq iyo rabash ka dhasho fagaaraha oo meelaha qaarkood laga maqlayey guux iyo foodhi intii mudane Riyaale khudbaddiisa ku gudajirey, taas oo uu ku soo qaaday dhawr arrimood ku saabsan, munaasibadda 18ka May, siyaasadda Gudaha iyo Dibadda iyo arrimo kale oo la xidhiidha xaaladda dalka.
Mudane Riyaale, waxa uu si kooban u soo qaaday khilaafka u dhexeeya isaga iyo xisbiyada mucaaridka ah iyo wadahadaladii dhowaan u bilaabmay, waxana uu yidhi.
“Waxaan idiin sheegayaa, xukuumadda iyo axsaabta qaranka wadahadal baa noo bilaabmay, si fiican buu noogu bilaabmay. Waxaanan rajeynaynaa ballan dambe oo noo qabsoomay isha allaahu inaanu ku dhammaysano wixii noo dhiman”.
Mudane Riyaale, waxa uu intaas ku daray inay waajib tahay in laga wada shaqeeyo qaddiyadda Somaliland gudo iyo dibadba, si aynu u gaadhno ayuu yidhi himilada aynu higsanayno
Mudane Riyaale waxa uu sheegay in xuska sannadkani uu kaga duwan yahay xusaskii ka horreeyey iyada oo sannadkan laga xusay 18ka May dhammaan gobolada dalka oo dhan, taas oo uu sheegay inay tahay guul ay ciidamada Qaranku soo hooyeen. Waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dedaal badan ku bixisay sidii dalka loo gaadhsiin lahaa maamulka, taasina ay tahay ta suuragelisey in dalka oo dhan maanta laga wada xuso munaasibaddan.
“Waxaa astaan inoo ah midnimada qaranka, wadajirka dad ahaaneed iyo dal ahaaneed oo aynu ka wada shaqayno. Taas ayaynu ku gaadheynaa himiladeenna dhow iyo ta fog labadaba,” ayuu yidhi.
“Taasi ayaa inoo ah dhaadatada maanta ee aynu ku xusayno munaasibaddan 17aad,” ayuu raaciyey.
Waxa uu intaas raaciyey mudane Riyaale in Nabadgelyadu tahay ta ugu muhiimsan, waxana uu shacbiga uga mahadnaqay inay markasta u feejigan yihiin, una soo jeedaan nabadgelyada dalkooda, taas oo uu aad ugula dardaarmay inay xoojiyaan markasta.
Mudane Riyaale oo khudbaddiisa ay marba hakinayeen buuqa dadweynuhu waxa uu ku celceliyey oo uu ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada gudaha Somaliland iyo is jacaylkooda dadkeeda. Waxana uu ugu baaqay xisbiyada iyo saxaafaddaba inay shacbiga ka ilaaliyaan, wixii xajiimaynaya ayuu yidhi, “wada noolaanshaha iyo wadajirka shacbiga Somaliland”.
Daahir Riyaale, inkasta oo uu sheegay in aanu ku talagelin khudbad munaasibadda, khudbaddiisii sannadkuna ay ahayd tii uu u jeediyey labada gole ee Baarlamaanka dhowaan, haddana, waxa uu ka hadlay waxyaabo ka mid ah barnaamujkiisa.
Waxa uu sheegay in socdaalkii uu ku tegey Imaaraadka Carabta uu soo helay Riig ceelasha qodaya, kaas oo uu sheegay inuu hawshiisa ka bilaabayo Koonfurta Hargeysa. Waxa kale oo uu ka hadlay sicir bararka maceeshada iyo cunto yaraanta dunida, waxana uu sheegay in maamulkiisu uu dhiirrigelinayo wax soo saarka dalka, ayna caawinayaan beeraleyda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu soo qaaday siyaasadda dibadda, waxana uu sheegay in dalalka deriska ah oo dhan uu xidhiidh fiican la samaynayo, isaga oo xusay in dalalka deriska ah ee aanu xidhiidhka fiican la lahayna ay ka hawlgelayaan sidii ay xidhiidh wanaagsan ula yeelan lahaayeen.
Axmed Siilaanyo iyo Burco
Guddoomiyaha xisbiga ugu weyn mucaaridka ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan Guddoomiyekuxigeenka 1aad ee xisbiga, muj. Muuxe Biixi Cabdi, Guddoomiyekuxigeenka 2aad, mudane Cabdiraxmaan Cabdulqaaddir Faarax iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka xisbigaas ayaa dadweynaha magaalada Burco kala qaybgalay xuska sannad-guurada 17aad ee maalintii Somaliland dib ula soo noqotay madax bannaanideeda, laguna dhawaaqay goonni isu taagga oo ku beegan 18ka May. Waxana uu hadal uga jeediyey kumanaan qof oo isugu soo baxay Fagaaraha khayriyada ee magaalada Burco.
Xuska munaasibaddan oo ahaa kii ugu ballaadhan, isla markaana ay ka soo qaybgalaan dadkii ugu tirada badnaa, waxa soo qabanqaabiyey maamulka Gobolka, waxaana xamaasad dheeraad ah geliyey ka qaybgalka weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE oo si weyn loo danaynayey hadalkooda.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Jaamac Cabdillaahi Biin ayaa ku soo dhoweeyey masuuliyiinta xisbiga KULMIYE munaasibaddaas, isaga oo khudbad uu halkaa ka jeediyey ugu baaqay xisbiyada siyaasadda inay heshiiyaan oo ay gacmaha is qabsadaan. Waxa kale oo uu ugu baaqay shacbiga magaalada Burco inay il gaar ah ku ilaashadaan nabadgelyada oo uu sheegay inay ka unkantay magaalada Burco.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo oo salaan sharaf kala qaatay Badhasaabka cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka, waxa uu ka warramay mawqifka xisbiga KULMIYE ee xaaladda dalku haatan marayo. Waxana uu ugu horrayn ugu baaqay shacbiga reer Burco inay ilaashadaan nabadgelyadooda, isaga oo sheegay in ilaalinta nabadgelyada guud ay isku meel uga soo jeedaan axsaabta qaranku.
Hase yeeshee, waxa uu sheegay in xisbiga KULMIYE aanu iska beddelin mawqifkiisii, welina wax heshiis ah aan laga gaadhin muddada xilka Madaxweynenimadii Daahir Riyaale oo dhammaatay 15 May, balse, waxa uu sheegay in wadahadal u socdo.
“Waad ogtihiin in muddadii Madaxweynuhu dhammaatay 15kii May oo aynu saddex maalmood iminka dhaafnay, wadahadal ayaana noo socda oo 19ka bisha ayaanu isku noqonaynaa,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Waxana uu ka dalbaday shacbiga reer Burco inay ku duceeyaan in kulanka 19ka loo ballansan yahay is afgarad lagu gaadho, annaga oo eegayna ayuu yidhi danta iyo maslaxadda ummadda.
“Waxaad Ilaahay nooga baridaan in uu noogu dhamaado is Afgarad,” ayuu yidhi Axmed Siilaanyo.
Axmed Siilaanyo wax kale oo uu ka warramay xaaladda sii xumaanaysa ee siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka iyo sida xisbigiisu uga damqanayo, taas oo uu eeddeeda dusha ka saaray xukuumadda Daahir Riyaale, isaga oo sheegay in doorashooyinkii qabsoomi waayeen, dalka uu musuq maasuq iyo dib u dhac ku yimi gebi ahaanba hannaankii dimuqraadiyadda Somaliland.
“Anagu kulmiye ahaan, ma yeelayno in Geedi-socodkii Dimuquraadiyadda la waxyeeleeyo, ma yeelayno in ay waxas oo Camal la’aan ahi idin haysato, ma yeelayno in dhalin aradu tahriib uga haajiraan dalka. Waxaas oo dhanna waxa sababtay siyaasad xumada Xukuumada maanta Jirta,” ayuu yidhi.
Waxa kale oo munaasibaddaasi ka hadlay, Dr. Cabdi Aw Daahir oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, Duqa magaalada Burco, Mr. Dhegalaab, wakiillo ka kala socdey labada xisbi ee UCID iyo UDUB, iyo masuuliyiin kale.
Faysal iyo Boorame
Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dadweynaha magaalada Boorame kala qaybgalay xuska munaasibadda 18ka May.
Mudane Faysal Cali Waraabe, khudbad uu u jeediyey dadweynaha reer Boorame kaga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo mawqifka xisbigiisa. Waxana uu sheegay in wadahadalada bilaabmay uu ku rajo weyn yahay in la isku afgarto.
Waxa uu sheegay in waxa keliya ee hadda la isku khilaafsan yahay ay tahay diiwaangelinta oo uu sheegay in xisbi keli ahi diiddan yahay, isaguna uu oggol yahay in la sameeyo diiwaangelin. Balse, waxa uu sheegay in aanay ogolaanayn diiwaangelinta haddii xukuumaddu ka dhigato meel ay kaga gabato doorashooyinka.