July 27th, 2012 in Kulmiye_party | Comments Off
Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa fariin u diray Madaxwaynaha dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Magaaladda Muqdisho: Read more »
April 28th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi wefti ganacsato ah oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa shalay gelinkii hore booqasho ku tegay xarunta warshadda soo saarta sharaabka ee SPI oo ku taal degaanka Jaleelo oo dhinaca woqooyi/bari ka xiga caasimadda Hargeysa.
Read more »
April 28th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE)- Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Beeraha – Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa u kicitimay shalay dalka Maraykanka, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan xaflado ay jaaliyadda Somaliland ee ku waddankaasi ugu dabbaal-degi doonaan 21-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland oo ku beegsan 18ka bisha May ee soo socota.
Read more »
April 19th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa maanta shaaca ka qaaday in xukuumadda Somaliland ay ka soo noqotay wada hadalkii ay la yeelan lahayd dawladda ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, waxaanu ku eedeeyay madaxweynaha TFG-daa Soomaaliya inuu carqaladeynayo jawigii shirkaasi ku qabsoomi lahaa.
Read more »
April 15th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay gabo-gabaddii shirweynaha golaha dhexe ayaa u mahad celiyay ergadii Golaha dhexe, waxaanu tilmaamay inuu xisbigoodu qabyo-tirtay hawlihiisii gaar ahaan shuruucda iyo buuxinta xubnihii ka banaanaa Golaha dhexe iyo Hoggaanka xisbiga.
Read more »
April 15th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Golaha Dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa maanta xilkii, xubinimadii Golaha dhexe iyo xubinimaddii xisbiga ka saaray Guddoomiye Ku xigeenkii 2-aad ee xisbigaasi Md. C/Raxmaan C/Qaadir oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay siyaasadii iyo xeerarkii xisbiga KULMIYE. Ka dib markii uu warbaahinta dhawr jeer ka cambaareeyay kana naqdiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbigaas.
Read more »
April 14th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa furay shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo goor dhawayd ka furmay Hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.
Read more »
April 14th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa (Kulmiye.Org) Gudoomiyuhu wuxuu xusay in doorashadii ku xigtay ee dalka ka dhacday bishii April sannadkii 2003dii uu ka helay Codadkii la dhiibtay Boqolkiiba Laba iyo Afartan isla markaana uu kaalin sare ka galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 29 Sep 2005-tii wadanka ka qabsoontay,waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku daray in doorashadii u danbaysay ee Madaxtooyada ee Somaliland ka hirgashay 26kii bishii Juun 2010kii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay boqolkiiba Konton sidaana uu ku hantay hogaaminta Qaranka. Read more »
April 12th, 2012 in Announcements, Kulmiye_party | Comments Off

Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Md Xasan Siciid Yuusuf wuxuu Ogaysiinayaa dhammaan xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Read more »
April 5th, 2012 in Kulmiye_party, Press | Comments Off
Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Xisbul-xaakimka KULMIYE, , ayaa ku dhawaaqay Maalinta shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah, 14-ka bishan April, baaqna u diray dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay yimaadeen Xarunta ka hor shirka Golaha Dhexe.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamaca Shabeel, Xogahaya Xasan Siciid Yuusuf, Xildhibaan Siciid Cilmi iyo masuulliyiin kale oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Xarunta KULMIYE ee Hargeysa ayaa wakhti kama-danbays ah u qabtay xubnaha gobollada u meteleya shirweynaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inay ugu danbayn tobanka bisha yimaadaan Xarunta Guud.
Read more »