Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo daboolka ka qaaday inu Murashax Kulmiye ah yahay doorashada Golaha deegaanka Hargeysa

Hargeysa, July 20, 2012 (Haatuf) – Xisbiga Kulmiye ayaa shalay xaflad aad u balaadhan ku soo dhaweeyey Eng. Yuusuf Warsame Siciid oo uga tartami doona doorashada golaha deegaanka ee Hargeysa, kaas oo lagu Calaamo saaray Madal Ilyartu is qabsatay oo la isku arkay.
Munaasibadda xafladdaasi oo si weyn loo soo agaasimay waxaa ka soo qaybgalay dadweynihii ugu tirada badnaa ee maalin kaliya u soo baxay taageerada Mushsaaraxiintii guud ahaamba laga soo sharaxay Magaalada Hargeysa, kuwaas oo muujiyey Kalsooni ay ku qabaan Siyaasiga ay badka soo dhigeen.
Waxaana Xaflada lagu soo dhawaynayey Musharax Yuusuf Warsame Siciid oo shalay ka qabsoontay Hutelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay Masuuliyiin ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, Salaadiinta iyo oday dhaqameedka uu musharaxaasi ka soo jeedo,dhalinyarada iyo Haweeenka iyo aqoonyahada kale oo beeshaasi iyo guud ahaamba taageerayaasha Xisbiga Kulmiye oo aan u kala dhalin soo dhaweynta iyo damaanshaadka caleemo saarka musharaxaasi.
Sheekh Maxamed Aadan Muxumed oo ah Sheekha Magaalada Hargesa uga wakiilka ah Masaajidka Cali Mataan oo furitaankii xafladdaasi ku daah furay Aayado Qur’aana waxa uu sheegay inuu Mushaxani yabay nin aqoonyahan ah, isla markaana ah ninka ugu mudan Maayar-nimada Magaalada Hargeysa inuu hogaanka u qabto.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaanu isagu reer nimo ugu iman balse ay saaxiibo yihiin waxaanu xusay inuu horey ula soo kulmay Musahraxaasi kalana soo taliyey dhinacyo badan sida inuu Ilaahay ka cabsado isla markaana ku maamulo caasimadda Hargeysa haddii Ilaahay u garto aqoontiisa iyo cabsida Ilaahay.
Aamina Maxamuud Diiriye oo ah madaxa xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada oo madashaasi ka hadashay waxay sheegtay inay ka deegaan ahaan uga fadhiyaan Eng Yuusuf inuu waxbadan badalo muuqaalka Caasimadda Hargeysa, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Ku Xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Cali Yuusuf, Gudoomiyaha Gobalka Hargeysa ee Kulmiye Khadar Cabdi Xuseen, Maamulaha Guud ee Dugsiyada Nuuradiin Mr. Mahad Ibraahim Maxamed ,
Dhinaca Kale Waxa iyana madashaasii ka hadashay Marwo Adna Aadan Ismaaciil waxaanay Eng Yuusuf ku waanisay inaanu dhayalsan codka haweenka iyo dhalinyarada, waxaad ogaataa haddii ay Dumarka halkaas fadhiya oo ah labada qaybood ee bulshada ugu tabarta darani inaadan soo bixidoonin haddii ay kuu codeeyaana waad soo bixi inaa shaa allaah way kuu codayndoonaane”.
Xildhibaan Yuusuf Kirix Cawad oo ka mida mudanayaasha sida weyn loo dhaliilo ee golayaasha deenaanka oo madashaasi ka hadlay waxa uu sheegay inaanu ilaa iyo hadda meel marin sharcigii loo sameeyey kala xadaynta Magaalooytinka Somaliland gaar ahaan Hargeysa, waxaanu yidhi “Ilaa makhaayadda Inanta iyo Naaso Hablood inta u dhaxaysa meel kaliya oo School iyo dhakhtar toona laga dhiso majiro waana kuwa aanu filooyinka waaweyn ka dhisanay.
hadaad qof aqoonle ummadda u keentaan waxbuu idiin qaban haddii aad Iimaan laawayaal keensataana hadhaw baad ooyi doontaan ee hadda iska hubsada cidii aad wax u dhiibanaysaan”.
Waxaa isaguna madashaasi ka hadlay Musharaxa Xaflada lagu soo dhawaynayey Eng. Yuusuf Warsame Siciid, kaas oo madashaas ugu horayn ka cadeeyay in uu yahay musharax u taagan in uu u tartamo doorashada golaha deegaanak caasimada Hargeysa, kana dhex tartamo xisgiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Waxaan halkan u soo istaagay in aan cadeeyo, in aan xisbigayga KULMIYE u cadeeyo, oo aan shacbigayga reer Hargaysa u cadeeyo in aan ahay musharax u sharaxan in uu ka mid noqdo golaha deegaanka caasimada Hargaysa ee soo socda”.
waxa kale oo uu ka waramay Eng. Yuusuf Warsame Siciid taariikhdii Hargaysa markii u horaysay u jeedadii laga lahaa in Magaalo laga dhigo, waxaanu yidhi “Haddii aan idiinka waramo magaaladan Hargaysa taariikhdeeda, oo aan ka sheekeeyo magaalaynteedii waxay ahayd muraadka u wayn ee ay dadkii xiligaa ku noolaa ka lahaayeen waxay ahayd in loo soo biyo doonto xiliga ay xooluhu biyaha u baahdaan iyo in yar oo baayac mushtari ah oo u shaqaysa, iyo shacabka oo ingiriisku deganaa iyo halka loo yaqaano Hindiya laynka oo ay Hidnidu deganaayeen oo u dhaxaysay, wakhtigaa tirada dadka ku noolaa waxaan u malaynayaa in aanay ka badnayn sodon kun oo qof”.
Sidoo kale Eng. Yuusuf Warsame waxa uu is bar-bar dhig ku sameeyay kala duwanaan shaha sidii ay ahayd magaalada Hargaysa boqol sano ka hor iyo sida ay hada tahay, waxaanu sheegay in ay hada ku nool yihiin dad ay tiradoodu kor u dhaafayso hal milyan oo qof, sidaa darted tirada dadka ee sii korodhayna ay keenayso in mushkilado badan ay caasimadu yeelato, isaga oo arrimahaas ka ahdlayana waxa uu yidhi “ imikana waxaynu ka hadlaynaa magaalo camiran, magaalo milyan iyo dheeraad ku nool yihiin, markaa waad garan kartaa magaalo milyan iyo dheeraad ku nool yihiin mashaakilka ay leedahay ee ay la imanayso, waxaa ka mid ah gaadiidkii, wadooyinkii, sidii qashinkeedii loo nidaamin lahaa, waxaa ka mid ah dhalinyartu halkay ku ciyaari lahayd sidii loo heli lahaa, markaa way badan tahay mashaakilka ay magaaladu leedahay”.

Xigasho: Haatufnews

Comments are closed.