Madaxweyne Silanyo iyo Wefdigii uu hoggaamineyey oo dalka dib ugu soo laabtay
Berbera, July, 3, 2012- Madaxweynaha Somalland Axmed Maxamed Siilaanyo oo toddobaadkii hore Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta kaga qaybgalay wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo xukuumada KMG Soomaaliya, ayaa goordhaweyd ka soo degamay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera.
Weftiga Madaxweynaha waxa garoonka ku soo dhaweeyay xubno wasiiro ah, xildhibaan iyo maamulka gobolka Saaxil, waxaana ay ka hadleen wada hadaladii dalka Imaaraadka ka dhacay oo ay ku tilmaameen qaar guul ku soo dhamaaday sida ay hadalka u dhigeen.
Madaxweyne Siilaanyo oo saxaafada kula hadlay garoonka, ayaa sheegay in wada hadalad uga faa’iidaysteen sida ay qadiyada Somaliland uga cadayn lahaayeen weftiga ka socday dhanka Soomaaliya,iyada oo sida oo kale halkaas lagaga dhawaaqay in gargaarka caalamiga ah siman loo qaybsan doono.
Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay wasiirka arrimaha dibeda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo saxaafada u akhriyay qodobada heshiis lagu gaadhay Dubai, isaga oo sheegay in aanay waxba u dhimayn jiritaanka Somaliland.
