TACSI

TACSI – KULMIYE

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, kan hoggaanka, ka guddida fulinta iyo ka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi u dirayaa ehelka, aaraabada, asxaabta iyo dhammaan shacbi-waynaha Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Dr. Cabdishakuur Sheekh Cali Jowhar oo 13/05/2012 ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay tuulada TULLI ee Gobolka Awdal.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ehelkiisana samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin… Aamiin….

Comments are closed.