Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti Ganacsato Shiine ah oo Booqday Warshadda Sharaabka ee SPI

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi wefti ganacsato ah oo u dhashay dalka Shiinaha, ayaa shalay gelinkii hore booqasho ku tegay xarunta warshadda soo saarta sharaabka ee SPI oo ku taal degaanka Jaleelo oo dhinaca woqooyi/bari ka xiga caasimadda Hargeysa.

Socdaalka Muuse Biixi iyo ganacsatada Shiinaha ah ku tageen shirkaddaas, waxa ku wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE Mr. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad, xildhibaanno iyo xubno wasiirro ah, waxana weftiga halkaas si weyn ugu soo dhoweeyey masuuliyiinta shirkadda SPI, gaar ahaan mulkiilayaasha Mr. Axmed Cismaan Geelle iyo Mustafe Cismaan Geelle oo warbixin ka siiyey xaaladda wershadda, wax-soo-saarkeeda iyo qaabka ay u shaqayso.

Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeeddada booqashada weftigooda, “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa Axmed Cismaan Geelle oo warshaddan sharaabka ee SPI halkan ka hirgeliyey, waxana socdaalkayagan nagu wehelinayey wefti u dhashay dalka Shiinaha oo socdaalkii aan hore ugu tagnay waddanka Shiinaha kulaa kulannay oo ka socda qaybaha kala duwan ee ganacsiga bulshada Shiinaha ah, aad iyo aadna way ula dhaceen.


Warshaddani waxay ka markhaati kacaysaa oo qayb weyn ka qadaanaysaa horumarka Somaliland, maalgelinta iyo shaqo abuurka dalka, waana mashruuc aad u wanaagsan, bulshadana waxaannu ku dhiirirgelinaynaa inay ka qaybqataan wax-soo-saarka dalkooda, isla markaana isticmalaan waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.

Weftigan Shiinaha ah waxay dalka u yimaaddeen inay indho-indheeyaan xaaladda Somaliland, waxaana la socda nin saddex jeer oo hore yimi Somaliland, waxaannu halkan ka markhaati kacay in saddex sanno ka hor maanta Somaliland waddadii horumarka tallaabo weyn u qaaday. Warshaddani waa warshad caalami ah oo Coco cola dunida ka samaysan la mid ah, waxa dhiirigelinaya nidaamka dawladeed iyo nabadgelyo ee Somaliland muddada 21 sanno ah ku naalonayso,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.

Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe oo ka mid mudanayaasha Golaha Wakiillada, ayaa isaguna sheegay inay weftiga China ka socda ku soo dhawaynayaan Somaliland iyo maalgeshigeeda.

 

“Waxaannu ku soo dhawaynaynaa saaxiibbadayada China inay ka qaybgalaan horumarka Somaliland oo ay arkaan maalgashigay sameeyeen ganacsatada dalka u dhashay sida warshadda SPI,” ayuu yidhi Md. Ibraahim Axmed Haybe, isaga oo sidoo kalena u mahadnaqay masuuliyiinta shirkaddaas hirgeliyey oo uu tilmaamay inay tallaabo horumarineed dalka u horseedeen.

Sidoo kale, xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), ayaa isaguna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu cabo sharaab muddadii la diyaariyey aanay ka soo wareegin hal daqiiqo, isagoo carrabka ku dhuftay inay tahay sharaabkii ugu horreeyey ee dalka laga soo saaro ee uu cabo, waxaannu u mahadnaqay maalgeliyayaasha shirkadda SPI.

Mudane Marreexaan waxa uu shacabka iyo dawladdaba u soo jeediyey in la dhiirrigeliyo ganacsadayaasha dalkooda wax-soo-saarka u horseeday.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Md. Cabdillaahi Cismaan (Geeljire) oo ka mid ah weftiga, ayaa mahadceliyey maamulka shirkadda SPI, “Warshaduhu waxa weeye waxyaabaha dadku wada leeyihiin, iyaga oon haddana wada lahayn, dadka waddan leh ay ku wada fannaan; waxay tahay inaynu ku faanno.”

“Weftigan China ka yimi tusaale ayey u tahay inay Somaliland wax qabsanayso, waxna la qabato, dalkana maalgashadaan. Weftigan Shiinaha waxaannu uga mahadnaqaynaa iyagoo dalkooda nagu martiqaaday, una socda arrimo fara badan oo kalluumaysi iyo ganacsiba leh, iyaga oo diyaar u ah inay ganacsatadeenna la shuraakoobaan,” ayuu yidhi Wasiir Geeljire.

Comments are closed.