Ujeeddada Safar Wasiirro Xukuumadda Somaliland ka Tirsan ugu Baxeen Dalka Maraykanka

Hargeysa (KULMIYE)- Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Beeraha – Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) iyo Md. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole), ayaa u kicitimay shalay dalka Maraykanka, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan xaflado ay jaaliyadda Somaliland ee ku waddankaasi ugu dabbaal-degi doonaan 21-guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Somaliland oo ku beegsan 18ka bisha May ee soo socota.

Wasiirka Hawlaha Guud Md. Axmed Cabdi Maxamuud (Xaabsade) oo saxaafadda ugu warramayay madaarka Hargeysa ka hor intii aanay halkaas ka dhoofin shalay, yaa sheegay in jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanku ku soo casuumeen ka qaybgalka xaflado ay ku weynaynayaan xuska munaasibadda 18-ka May.

Md. Xaabsade waxa uu sheegay inay jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka uga warrami doonaan xaaladda guud ee dalka iyo waxqabadka xukuumadda, sidoo kalena ku boorrin doonaan inay kor u qaadaan iskaashigooda iyo siday gacan weyn uga geysan lahaayeen horumarka iyo qaddiyadda ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Geesta kale, qurbo-joogga Somaliland ee ku dhaqan dalka Maraykanka, ayaa la sheegay inay haatan wadaan abaabulladii ugu ballaadhnaa sannadkan oo lagu maamuusayo maalinta qarannimada Somaliland oo sannad kasta loo dabbaaldego 18-ka bisha May

Comments are closed.