Nuxurka khudbaddii Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ka jeediyay gebigebada shirka Golaha dhexe

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay gabo-gabaddii shirweynaha golaha dhexe ayaa u mahad celiyay ergadii Golaha dhexe, waxaanu tilmaamay inuu xisbigoodu qabyo-tirtay hawlihiisii gaar ahaan shuruucda iyo buuxinta xubnihii ka banaanaa Golaha dhexe iyo Hoggaanka xisbiga.

“Walaalayaal, shirkeenan maanta waan arkayaa inuu aad iyo aad u shaqeeyay oo aynu saacado badan fadhinay oo aynu daalan nahay. Marka horese waxaan u mahad naqayaa shir-gudoonkii shirkan inoo daadihinayay oo hawl-badan inoo soo qabtay iyo xubnaha Golaha dhexe. Maanta KULMIYE wuxuu ka gudbay marxaladii labaad oo ah inuu hawlihiisa xeerarkiisa hagaajisto, inuu madaxdiisa kala bedelo. Walaalayaal waxa inoo balan ah inaynu daadkeena ugu adeegno sidii aynu ugu balan qaadnay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

DSC01045

Guddoomiyaha oo ka hadlayay marxaladda uu xiligan waajahayo xisbigiisu wuxuu yidhi “Waxaynu maanta taagan nahay doorashadii dawladaha Hoose oo ay u tartamayaan Xisbiyo iyo ururo. KULMIYE wuxuu kaga duwan yahay xisbiyadda iyo ururadda tartamya isagu maanta wuxuu taagan yahay hawshii dadweynoow aad ii dirteen intaasna waan qabtay intaasina way uu hadhay. Xisbiga KULMIYE ma aha imika mid dadka malo-awaal iyo waxaas ayaan qaban doonaa dadka ugu balan qaadaya. Waxa taalla wixii uu qabtay iyo hawsha uu ku dhex jiro. Sidaas darteed, waxa Hoggaanka xisbiga KULMIYE, xukuumadda iyo dhammaan taageereyaashiisa waxa la gudboon dedaal dheeraad ah oo aynu ugu hawl-galo sidii aynu u qancin lahayn taageereyaasheena. Inagoo muujinayna dedaal iyo hawl-karnimo sidii aynu horeba u balan qaadnay. Waxaan ku soo gabo-gabaynayaa Xisbiga KULMIYE ha guulaysto.”

 

KULMIYE MEDIA

Email, kulmiyeparty1@gmail.com

 

 

Comments are closed.