Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu doortay xubno cusub, kuwo la eryay iyo wax-ka-bedelka Xeerka

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Golaha Dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa maanta xilkii, xubinimadii Golaha dhexe iyo xubinimaddii xisbiga ka saaray Guddoomiye Ku xigeenkii 2-aad ee xisbigaasi Md. C/Raxmaan C/Qaadir oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay siyaasadii iyo xeerarkii xisbiga KULMIYE. Ka dib markii uu warbaahinta dhawr jeer ka cambaareeyay kana naqdiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbigaas.

Waxa Golaha dhexe loo akhriyay qoraal uu anshax marin ah oo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi ka soo qoray Gudoomiye Ku xigeenkii labaad ee xisbigaas Md. C/Raxmaan C/Qaadir Faarax waxaanay waraaqdaasi u dhignayd sidan:-

“Mudaneyaal, markaan la tashaday Gudidda fulinta xisbiga KULMIYE waxaan sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa anshax marin ka dhan ah C/Raxmaan C/Qaadir Guddoomiye Ku xigeenka labaad. Md. C/Raxmaan C/Qaadir wuxuu dhawr jeer shirar jaraa’id oo uu si toos ah uga horyimid dastuurka iyo Barnaamijka xisbiga.

C/Raxmaan wuxuu si aan gabasho lahayn u cadeeyay inuu ka soo horjeedo barnaamijka xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku shaqeynayay kaasi oo ah barnaamijkii iyo dastuurkii lagu ansixiyay shirweynihii labaad ee 2008-dii.

Mudaneyaal, Gudidda fulinta ee xisbigu dhawr jeer ayay waano iyo digniino u jeedisay C/Raxmaan C/Qaadir, hase yeeshee Mudanuhu wuu ku sii adkaystay sharci jabintii.
Waxaan u soo jeedinayaa Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu Goluhu ku anshax mariyo qodobka 56-aad ee dastuurka qaranka ee anshax marinta loo cuskado. Maadaama oo uu si toos ah uga horyimid dastuurkii iyo Barnaamijkii xisbiga.’

Qoraalkaasi golaha loo akhriyay ka dib waxa istaagay oo isku dayay inuu hadlo C/Raxmaan C/Qaadir, hase yeeshee waxa u diiday inuu hadlo Guddoomiyaha Golaha Dhexe Md. Jaamac Ismaaciil Cigge (Shabeel) oo fadhigan Guddoominayay ka dibna wuxuu isku dayay inuu hadlo waxaana madashii ka saaray ciidanka Booliska oo hoolka ku sugnaa.

155 xubnood ayaa ogolaaday in xubinimadii xisbiga KULMIYE iyo xilkiiba laga qaado C/Raxmaan C/Qaadir, waxa diiday 24 xubnood, waxa ka aamusay 16 xubnood, Guddoomiyuhuna muu codayn.

Sidoo kale waxa shirkii maanta ee golaha dhexe Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) soo gabo-gabeeyay lagu doortay jagooyin ka banaan Hoggaanka xisbiga KULMIYE, kuwaasi oo kala ah Guddoomiye Ku xigeenka koowaad oo uu hore u ahaan jiray Guddoomiyaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi, waxaana Guddoomiye Ku xigeenka koowaad loo doortay Md. Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee laga qaaday C/Raxnmaan C/Qaadir waxa loo doortay Md. Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda, Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE oo uu hore uga geeriyooday Keyse Xasan Cigge waxa loo doortay Xoghayihii ku meel gaadhka ahaa Md. Xasan Siciid Yuusuf.

Xoghayaha Golaha dhexe oo uu hore u baneeyay C/Risaaq Ciyaale waxa isna loo doortay Mustafe Maxamed Yoonis.

Waxa kale oo shirka lagu ansixiyay wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay xeerka xisbiga KULMIYE, waxaana wax ka bedel waxaana lagu soo daray qodob cusub oo ah in Xubnaha Golaha Wasiirraddu ay si toos ah ugu biirayaan Golaha dhexe marka Madaxweynuhu magacaabo isla marka xilka laga qaadana wuu waayayaa xubinimadda Golaha dhexe.

Waxa kale oo Goluhu cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen in shirweynaha xisbiga dib loo dhigo muddo sanad ah.

 

 

KULMIYE Media office

Hargeysa, Somaliland

email, kulmiyeparty1@gmail.com

Comments are closed.