Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo ka furmay iyo khudbado ay ka jeediyeen madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo), ayaa furay shirweynaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo goor dhawayd ka furmay Hudheelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Mudanayaal iyo marwooyin, xubnaha Golaha dhexe oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Silaanyo, martisharafta ergada ah waxaan marka hore idiinka mahadnaqayaa sida sharafta leh ee aad uga soo qaybgasheen kalfadhiga saddexaad ee Shirka Golaha Dhexe.

Waxaan u mahadnaqayaa Horn Cable Tv oo si toosa u sii daynaya munaasibaddeena oo si toosa adduunka looga daawanayo.” Ajandaha maanta waxa ugu horraysa khudbad uu inoo jeediyo Guddoomiyaha Xisiga Muuse Biix Cabdi, khudbadda Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ka dibna warbixinno ayaynu kala qaadan doonaa.”

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ugu horayn halkaa ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi, “Anigoo ka wakiil ah xubnaha Golaha dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waan idiin mahadnaqayaa Madaxweyne iyo martisharafta.Ilaahay baa iska leh nimcadda nabadgelyada aynu haysano iyo duruufaha adage e aynu ka soo baxnay ee dalkeena wanaagiisa ka talino, Ilaaha ina garansiiyay xisbiyo talada dalka .

“Xisninimmadu waxay mideeyaan fikradaha muwaadiniinta, xisbinimmadu waxay abuurtaa nabadda, waxay ka hortagtaa nabadda oo waxay isu keentaa qaybaha kala duwan ee bulshada, dabadeed dadkaasa dan wadaag yeesha oo rayigeeda midaysa oo dhinaca wanaagsan u jihaysta. Waa meesha ay ka soo baxdo da’; yarta tallada dalka hoggaaminayaa, waa meesha ay bulshadu wadajirka, waana hab casriya oo bulshada caalamku.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu nasiib wanaag ku tilmaamay in aas-aasihii xisbiga, ahna Madaxweynaha Somaliland uu kala soo qaybgalo, “Waxa nasiib wanaga in aas-aasihii xisbiga oo maanta ah Madaxawyneha Somaliland inuu halkan nagala soo qaybgalo.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sheegay in Xubnaha Golaha Dhexe qiimayn doonaan waxa ka fulay ballanqaadkii xisbiga KULMIYE, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, KULMIYE waa xisbiga qudha ee barnaamijkiisa siyaasadeed soo bandhigay. Golaha dhecxe wuxuu halkan u fadhiyaa inuu qiimeeyo ballanqaadkii KULMIYE galay waxa qabsoomay iyo waxa dhiman. Waxqabadka dawladda waxa laga qiimeeyaa koboca dhaqaalaha, waxaanay xukuummadii labadii sanno ee u danbeeyay waxay kordhisay dhaqalaha wadanka boqolkiiba sagaashan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa furitaanka shirka ka jeediyay khudbad nuxurkeedu u badnaa waxqabadka xukuumadda mudada ay xilka haysay ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada. iyo nabadgelyada,

Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay waxyaabaha ka fulay ballanqaadkii xisbiga KULMIYE, “Waxaan u mahadcelinayaa taageerayaasha xisbiga iyo shacabka Somaliland Codkooda, cududooda iyo caqligooda ay iigu hiiliyeen doorashaddii Madaxtinimmadda, waxaanan ku dhiiriggelinayaa inay taageerada halkaa ka sii wadaan.

KULMIYE wuxuu u taaganyaha xaqiijinta himilada bulshada, adkaynya iyo jirinaanka nabadgelyadda. Balanteennu waxay ahayd ka midho dhalinta ballanqaadkayagii KULMIYE, ballanqaadyadaas fulintoodii siday u kala muhiimsanayaaeen iyo wadooda dhaqaale waxay noo saamaxday waxay ku qoranyihiin buugga waxqabadka.”

Madaxweyne Silaanyo mar uu ka hadlayay Siyaasadda Arrimaha debedda ee KULMIYE waxa uu yidhi, “Taabogelinta Somaliland iyo xaqiijinta inay ka mid nqooto bulkshada caalamka,

Safarro wadammada jaarka., Carabta, South Sudan iyo China

Guusha aynu ka soo hoynay shirkii Somalida ee London, wuxuu ahaa mid lagu go’aansaday mid Somaliland iyo Somalia ku wada hadlaan waxanaay ahayd guul taariikhiya oo muddo 50 sano ka dib beesha caalamku garwaaqsatay jiritaanka Somaliland.”

Khudbadda Madaxweyne Silaanyo oo dhammaystirani waxay u dhignayd sidan:

Xisbiga Kulmiye wuxuu u taagan yahay xaqiijinta himiladeena ummadeed, adkaynta nabadgelyada, midnimada bulshada, horumarinta dalka iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland.

Xilligii ololaha doorashada, ballanteenu waxay ahayd fulinta barnaamijkii siyaasadeed ee xisbiga marka aynu talada ku guulaysano.

Al-xamdu-lilaahi, illaahay wuu inagu guuleeyey, wax-qabadkii Xukuumada Kulmiye iyo halkii ay kasoo bilawday waxaad ka helaysaan buuga wax-qabadka ee la idiin qaybiyay, waxaana barbaryaala buugii balanqaadyada Kulmiye oo aanu fulinay intiisii badnayd mudo labo sano ka yar, iyadoo aanu Ballan-qaadyadaa fulintooda u soo kala horreeysiinay sidii ay u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaana ay awoodda dhaqaale inoo saamaxaysay.

 1.    Aqoonsi Raadinta Qarannimada Somaliland iyo Siyaasada Arimaha Debeda:

Waxaanu xil iska saarnay xaqiijinta iyo taabo-gelinta madax-banaanida Jamhuuriyadda Somaliland, oo ah sidii ay uga mid noqon lahayd bulshada caalamka, una heli lahayd aqoonsi buuxa.

Waxaa hubaal ah in aanu arintan kasoo hoynay guul aan qarsoonayn, annagoo maanka ku hayna muhiimadda uu mandaqadda u leeyahay xidhiidhka  sokeeye ee waddamada jaarku, bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay Jamhuuriyada  aynu walaalaha nahay ee Jabuuti iyo dalka Itoobiya ee aynu saaxiibka nahay, halkaas oo si weyn naloogu soo dhaweeyay.

Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadamada carabta sida: Imaaraadka, Kuwayt, Masar, iyo wadamada South Sudan iyo Shiinaha. Waxaanu kulan khaas ah oo aan hore u dhicin   la yeelanay (Security Council) Gollaha Amaanka ee Jamciyada quruumaha ka dhaxaysa (The Highest body).

Waxaa marag-madoon ah in ay Somaliland qiimo wayn ugu fadhido guushii aynu kasoo hoynay shirkii caalamiga ahaa ee London oo ahaa dhacdo taariikhi ah, waxaanay shirkaa dunidu ku go’aamisay in Somaliland iyo Soomaalya ay wada hadlaan, waana madashii ugu horaysay ee mudo 50 sanadood ku siman ay beesha caalamku garwaaqsatay jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland (as an entity).

 Hadaba, Anigoo ku kalsoon in ay danteena iyo madax-banaanideenu ku jiraan isla markaana dhinaceena fulinaya go’aanka shirkaa London, waxaan magacaabay Shan (5) Wasiir oo London u tegaya go-gol xaadhka iyo diyaarinta qaabka wada hadalka kuwaas oo hordhac u ah sidii aynu uga midhodhalin lahayn wada-hadalkii ay dunidu inoogu baaqday.  Waxaa ii qorshaysan in aan soo saaro gudi heer qaran ah oo diyaarisa istaraatiijiyada wada hadalka iyo qorshe lagu midaysanyahay marka ay ku haboonaato, waxaynu ku guulaysankaraa marxalad kastana kaga gudbi karaa midnimo iyo isku-duubni.

2.    Dhaqaalaha:

Dhaqaaluhu waa laf dhabarta nolosha, waana dhidibada horumrka, anagoo ka duulayna ballantii xisbiga iyo masuuliyada naga saran umadii xilka noo igmatay, waxaanu dardar gelinay kobcintii dhaqaalaha iyadoo sanadkii 2010 ee aan xilka la wareegay miisaaniyada qaranku ahayd $44,000,000 US Dollar, ayaanu sanadkii 2011 gaadhsiinay $86,000,000 US Dollar, iyadoo aanu sanankana odorosnay inay gaadho miisaaniyadu $110,000,000 US Dollar.

Waxaanu gobolada bariga ka bedalay lacagtii giimbaarta ahayd ee laga isticmaalijiray, taasoo wax weyn ku kordhisay dhaqaalaha dalka.

Waxaynu ku guulaysanay in aynu kasbano kalsoonida wadamada horuumaray taasoo keentay in ay dawladaha Ingiriiska iyo Denmark billaabaan sidii ay Somaliland ugu samayn lahaayeen mucaawino khaas ah.

Bulsho kasta waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay lasoo baxdo, anagoo dhiirigelinayna wax soo saarka, waxaanu dardargelinay dalaga iyo beeraha waxaana suura-gashay in markii ugu horaysay Bariis beereheena kasoo go’ay lagu cuno carigeena. Ganacsatada iyo Shacbigaba waxan ugu baaqayaa in ay xooga saaraan dhiiri-gelinta, tacabka lagu gaadhi karo in aynu dhulka wax-kala soo baxno.

3.    Horumarinta Dimuquraadiyada:

Anagoo ka duulayna ballanqaadkii Kulmiye ee ahaa kobcinta geedi-socodka dumuquraadiyada iyo in la ballaadhiyo saaxada siyaasada si loo helo tartan caafimaad-qaba iyo loollan ku dhisan saaxiibtinimo, waxaanu suuro-gelinay, Furashada ururada siyaasadeed iyo abuuridda gudida diiwaangalinta iyo ansixinta axsaabta.  Haddaba raga tartanka u xusul-duuban oo ay qaarkood ururo badani kasoo burbureen oo guuldaro badan soo joogay, waxaan leeyahay si sharafleh u tartama, qaranimada illaaliya, kubada laada oo idinku ha is-laadina, saaxaddaa siyaasadda iyo saaxiibadiin ayaa tartan idinka dhexeeyaaye, eedayn aan jirin iyo afxumo cod laguma keenee, carrabkiina naxliga ka dhawra, waxaana inoo ballan ah doorosho xora oo xalaal ah.

4.    Arimaha Bulshada:

Ballanqaadku waxa uu ahaa in bulshada loo horseedo wax-barasho billaash ah si ay danyartu u hesho fursad la mid ah waxbarashada ay helaan kuwa ladani, waana lagu guulaysatay, wixii dhamaystir u baahana gacantaa lagu hayaa, waxaanan rajaynayaa in Somaliland ay ka hana-qaadidoonto aqoontu.

Waxaanu tallaabooyin wax ku ool ah iyo wax la taaban karo ka qabanay dhinacyada kala duwan ee caafimaadka, iyadoo aanu dedaal gelinay fayo-qabka guud ee bulshada, cidhib-tirka cudurada faafa, horumarinta cusbataalada gobollada iyo degmooyinka iyo kor u qaadida adeegyada caafimaadka,

Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalami ah.

Si dhallinyarada loo dhiirigeliyo loogana badbaadiyo dhaqammada lidka ku ah horumarka bulshada, waxaanu ansixinay Siyaasada dhalinyarada Heer Qaran, waxaanu suuragelinay in ay ka qayb-galaan doorashooyinka Dawladaha Hoose 25 jir iyo wixii kaweyn. Waxaanu qabanay ciyaarihii gobollada taasoo loo soo agaasimay si heer qaran ah kuna dhamaatay guul.

Anigoo fulinaya balan-qaadkii xisbiga, tixgelinna siinaya xuquuqda dadka laga tirada badanyahay, waxaan gudi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku sameeyaan kana soo talo bixiyaan Beelaha laga tirada badan-yahay oo dhibaato ku qabo Doorashooyinka, wixii talo layla gartayna waxaanu u gudbinay Golayaasha Baarlamaanka, sidoo kale waxaanu shaqaalaynay 27 xubnood oo kasoo jeeda beelahaa, iyadoo dhawr iyo soddon arday oo ka soo jeeda beelahaa ay xukuumadu ka bixisay kharashka waxbarashada heer jaamacadeed.

5.    Cadaalada iyo Garsoorka:

Sidii ku xusnayd barnaamijkii xisbiga, xal u helida garsoorka iyo sugidda caddaalada, waxaanu qabanay kulan ballaadhan oo lagaga dooday isla markaana daraasad lagu sameeyay xaaladda caddaalada iyo garsoorka dalka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada, Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeer-ilaalinta, Culimada, madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa wax ka tari karaan. Anagoo ka shidaal qaadanayna wixii kasoo baxay cilmi-baadhistaa, waxaanu wax wayn ka qabanay nidaamkii garsoorka ee dalka.

6.    Amaanka Qaranka:

Waxaanu ahmiyad siinnay ciidamada kala duwan ee Amaanka, Ciidanka Qaranka, Booliiska iyo Asluubta si loo adkeeyo nabad-gelyada, difaaca Qaranka,  xoojinta nab-doonaanta Bulshada iyo ka hortaga wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, dadkiisa iyo Dawlad-nimadiisa waxyeelo u keeni kara, anagoo arrintaa maanka ku haynana waxaanu laban-laabnay mushaharka ciidamada iyo dhaqaalaha kale ee loo baahan-yahay.

7.    Warbaahinta:

Waxaanu tayaynay guud ahaan warfaafinta iyo wacyigelinta, iyadoo TV-ga Qaranku uu gaadhay daafaha dunida. Dhawaana waxa imanaysa oo Hawada gelidoonta Idaacad weyn oo uu Qaranku leeyahay taas oo Dalka oo dhan gaadhi doonta ama laga dhegaysan-doono.

 8.    Haweenka:

 Dawlada Kulmiye waxay dumarka siisay ahmiyad, iyadoo qayb fiican laga siiyay golaha xukuumada, Komishinada guud ahaana lagu qiyaaso inta xukuumadaydu shaqo siisay 19.5%, waxaanan aaminsanahay inay tahay horumar aad u weyn.

Waxaanu samaynay Taallada Xassuuta Halgankii SNM iyo Xarunta Kaydinta Taariikhdii Xoraynta dalka, sidoo kale waxaanu abuurnay Xafiiska Isku-xidhka Qurba-jooga oo ay shaqadiisu tahay inuu isku xidho umadeen qurbaha daadsan, si loo mideeyo cududooda. Waxaanu ka shaqaysiinay Hay’ada Illaalinta Tayada (Quality Control Commission) oo muhiimad badan u leh Qaranka.

 9.    Sama-falka iyo Mucaawinooyinka:

Waxaan maqlaa dad saxaafada u soo mariya oo xukuumada u soo jeediya dhaleecayn ku saabsan mucaawinooyinka, waxaa hubaal ah in dawladani ay la timi dedaal ay ku kasbatay in mucaawinooyin laxaad lihi wadankan yimaadaan, qaar badan oo aan laba arki jirin, oo dad gaara gacmahooda ku dhicijirayna la habeeyay, qaybinta iyo hadal-hayntuba waa intii Xukuumada Kulmiye jirtaye miyaynu hore u aragnay qoysas iyo xaafado raashin iyo cunooyin kale loo qaybinayo.

10.           Maamul-wanaaga iyo La-dagaalanka musuq-maasuqa:

Si loo helo Qaran fayaw, loona illaaliyo hantida qaranka, waxaanu ka shaqaysiinay hay’ada distooriga ah ee Hanti-dhawrka Qaranka, waxaanu abuurnay Hay’ada Maamul wanaaga iyo La-dagaalanka Musuq-maasuqa, waxaana la baadhay Dawladaha Hoose ee Hargeysa, Burco, Bebera, Gebilay iyo Boorame, waxaa Hanti-dhawrku baadhay dhamaan wasaaradaha iyo gaar ahaan wasiirada oo ah halkii xukuumada ugu saraysay, waxaan loo xidhay eedo musumaasuq masuuliyiin iyo shaqaale badan taasina waxay marag ka tahay in dawladani tahay dawladii maamul-wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, miyay dhacday baadhitaan laxaadkaa leh oo hortayo lagu sameeyay laamaha dawlada? miyay dhacday cid weligeed loo xidhay musuq-maasuq? waxaan leeyahay dadka eedaha iyo dhalliisha uun meelahaa la taagan indhihiinu wanaaga ha arkaan dhegihiinana samaha u fura.

 Ugu danbayn; iyadoo ay xusuustayda ku dheertahay dadkii kala duwanaa ee illaa gumaystihii, qarankan usoo halgamayay, waxaan munaasibadan darteed halkan ka xusayaa halyaydii, iyo madaalayaashii naftooda u soo huray dhismaha iyo jiritaanka Qaranka Somaliland, iyo sidoo kale halgamayaashii Xisbiga Kulmiye oo ay ka mid ahaayeen ALLE ha u naxariistee    Keyse, Cali Maarshaal, Yusuf Tuke, Daauud Maxamed Geele, waxaanan illaahay uga baryayaa isaga iyo geesiyada kale ee aanan xusinba in uu naxariistii janno ka waraabiyo, ubadkii, eheladii iyo bulshadii reer Kulmiyena waan ka tacsiyaynayaa.”

Shirweynahan oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, inta badan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo, Badhasaabbo, maayarro, xildhibaanno ka tirsan labada gole, Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Guddoomiyaha Guddiga diiwaangelinta ururada, ergo ka kala timi dhammaan gobollada dalka, sallaadiin, cuqaal iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Mudada labada maalmood ah ee uu shirku socdo lagu ansixin doonaa Guddoomyenimmadda Muuse Biixi Cabdi oo ka dhaxlay Kursiga Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ku guulaystay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee sanadkii 2010.

Sida uu dhigayo Sharcigga Xisbigu, haddii murrashaxa Madaxweynenimmo ee xisbiga ahna Guddoomiyaha xisbigu ku guulaysto tartanka Madaxweynaha Somaliland, waxa xilka Guddoomiye-nimmada xisbiga si toosa ula wareegaya Guddoomiye-ku-xigeenkiisa, sidaa daraadeed uu Madaxweyne Silaanyo markii uu tallada ku guulaystay ku wareejiyay Guddoomiyenimmadda Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi  , waxaana Guddoomiye-nimmada Muuse Biixi  lagu ansixin doona shirka Golaha Dhexe ee maanta furmay.

Waxyaabaha kale ee shirkan Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE lagu ansixin doono waxa la mid ah Xoghayaha Guud ee Xisbiga oo uu si ku-meel-gaadha u sii hayay Xasan Siciid Yuusuf, ka dib markii uu xoghayihii hore geeriyoodey. Sidoo kale waxa lagu dooran doona shirka Golaha Dhexe Guddoomiye-ku-xigeennada Koowaad iyo labaad ee xisbiga.

Comments are closed.