Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo ka hadlay shirka Golaha dhexe iyo Guulihii xukuumaddu gaadhay

Hargeysa (Kulmiye.Org)   Gudoomiyuhu wuxuu xusay in doorashadii ku xigtay ee dalka ka dhacday bishii April sannadkii 2003dii uu ka helay Codadkii la dhiibtay Boqolkiiba Laba iyo Afartan isla markaana uu kaalin sare ka galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 29 Sep 2005-tii wadanka ka qabsoontay,waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku daray in doorashadii u danbaysay ee Madaxtooyada ee Somaliland ka hirgashay 26kii bishii Juun 2010kii uu Xisbiga Kulmiye ku guulaystay boqolkiiba Konton sidaana uu ku hantay hogaaminta Qaranka. 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in waxqabadka Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ku abtirsata Xisbiga Kulmiye ay mudadii gaabnayd ee talada dalka ay haysay ay ku talaabsatay arrimo badan oo ku taxaluqa dhinacyada dhaqaalaha,biyaha siyaasada iyo waxbarashada oo wax la taaban karo laga qabatay .

Mar uu ka hadlayay Gudoomiyuhu ururada siyaasada waxa uu soo dhaweeyay Ururada siyaasada ee dalka ka abuurmay oo ka dhalatay balanqaadkii xisbiga kulmiye ee xiligii ololaha doorashada waxaaanu wax lagu farxo ku tilmaamay in si wanaagsan ilaa iyo haatan ay u socdaan hawl galada Xisbiyada Qaranka iyo Ururada siyaasada waxaanu intaas ku daray in markii Sadexaad uu xisbigul xaakimka Kulmiye uu qabsanayo Shirkiisii Golaha dhexe.

Mudane muuse biixi cabdi waxa uu ka hadlay khilaafaadka ka taagan Gobolada Bari gaar ahaan deegaanka Buuhoodle waxaanu sheegay in aragtida Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaduba ay tahay sidii xal nabadeed oo dhamaystiran loogu soo dabaali lahaa wax kastoo wax u dhimaya Qaranimada , Amniga iyo wada dhalashada ummada Somaliland waxaanu iftiimiyay baahida loo qabo sidii loo wada hadli lahaa si bulshada ku dhaqan Deegaanada Gobolada bari ay u soo bandhigi lahaayeen tabasho kasta oo ay tirsanayaan.

Md. Muuse Biixi waxaanu ugu baaqay inay aqbalaan Gogoshii Nabada ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland dhawr jeer ku cel celiyay taas oo ka turjumaysa ayuu yidhi in Wada hadal iyo is afgarad lagu soo afjaro shaqaaqooyinka ka dhacay deegaamadaasi.

Comments are closed.