Xisbiga KULMIYE oo Cayimay Shirweynaha Golaha dhexe

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Xisbul-xaakimka KULMIYE, , ayaa ku dhawaaqay Maalinta shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah, 14-ka bishan April, baaqna u diray dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay yimaadeen Xarunta ka hor shirka Golaha Dhexe.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamaca Shabeel, Xogahaya Xasan Siciid Yuusuf, Xildhibaan Siciid Cilmi iyo masuulliyiin kale oo saaka shir jaraa’id ku qabtay Xarunta  KULMIYE ee Hargeysa ayaa wakhti kama-danbays ah u qabtay xubnaha gobollada u meteleya shirweynaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inay ugu danbayn tobanka bisha yimaadaan Xarunta Guud.


“Maanta waxaannu isugu kiin yeedhnay xisbiga KULMIYE oo aad filayseen inuu shirkiisii golaha dhexe qabto oo shirguddoonka iyo cidii hawshaas u xilsaarnayd innooga waranto, si guud mar ah.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku soo dhaweeyay Masuulliyiinta kale.

Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamac Shabeel, ayaa faahfaahin ka bixiyay maalinta shirka, farina u diray xubnaha Gobollada, isagoo arrimaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxaannu halkan kaga dhawaaqaynaa shirweynihii Golaha Dhexe ee KULMIYE oo la qabanyo 14ka bishan April oo ku beegan maalin sabti ah, dhammaan xubnaha Golaha dhexe ee caasimadda iyo Gobolada dhammaantodo waxaannu ogaysiinaynaa inay Xarunta Xisbiga ku yimaadaan ugu danbayn tobanka bisha, gaar ahaan xubnaha gobolladu waa inay ku soo dedaalaan imaatinkooda si loo siiyo kaadhadhka xubinnimada shirka, wixii looga baahanyahayna loola sii socodsiiyo, wakhtigana dhawraan.”


Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa xogwaran ka bixiyay kala duwanaanshaha shuruudaha looga baahanyahay xisbiyadii hore u jiray iyo ururada cusub ee u tartamaya doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo ay ka soo dhex bixi doonaan saddex xisbi-qaran, waxaannu yidhi, “Sidaad la socotaan waxa jira arrimmo badan oo doorashooyinka iyo 15ka urur-siyaasadeed oo iyaga laga doonaya shuruudo gaara oo Xeerku dhigayo iyo saddexda xisbi qaran oo iyagana oo ahaa inay shirkoodii Golaha dhexe qabsadaan.

Xisbul-xaakimka KULMIYE-na waxa laga rabaa inuu shirkiisii Golaha dhexe qabsado, KULMIYE wuxuu muddooyinkii danbe waday sidii uu u qaban lahaa shirkiisa golaha dhexe oo anu dhammaystirnay.”ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee KULMIYE Xasan Siciid.


Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah hankiisa siyaasadeed uga caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe ee xisbigiisa oo 15ka bishan ku qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.

Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu murrashaxnimadiisa jagada madaxweynenimo ee KULMIYE dhexdiisa kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbul-xaakimka, iyadoo ay jiraan loollanno kaloo siyaasiyiinta KULMIYE ku doonayaan in murrashaxa xisbiga lagu dhawaaqo marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka. Sida uu faafiyay Wargeyska Jamhuuriya.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE

Hargeysam Somaliland

Kulmiyeparty1@gmail.com

Comments are closed.