Wasiirka Maaliyada Oo Is Hortaagay Gunooyinkii Shaqaalaha Kastamada
Shaqaalaha dawladda oo dhawrkii bilood ee ina dhaafay aan wax mushaharooyin ah qaadan iyo Bangiga dhexe dakhliyaraani soo food saartay
Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa la sheegay inuu horjoogsaday lacag gunnooyin ah oo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta ee UNDP ugu talogashay shaqaalaha ka hawlgala kastamada dalka.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay wasaaradda maaliyadda iyo hay’adda UNDP midkoodna oo arrintaas ku saabsan. Haseyeeshee, sida ay xalay Jamhuuriya u xaqiijiyeen ilo xogogaal ah oo lagu kalsoon yahay, wasiir Cawil ayaa si badheedh ah u horjoogsaday gunnooyin qofkiiba $200 doollar ah oo Qarammada Midoobay ugu talogashay shaqaalaha ka hawlgala xarumaha cashuuraha lagu ururiyo, iyadoo ujeeddada qorshahaasina ahayd sidii loo dabooli lahaa baahida hawlwadeennada kastamada si aan hunguri uga gelin lacagaha ay qabanayaan, una soo xereeyaan dakhli buuran oo soo gala khasnadda dawladda.
Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo aannu xalay khadka telefoonka kula xidhiidhnay si aannu arrintaa wax uga waydiino, ayaanay noo suurtogelin inaannu helno, kadib markii telefoonkiisa oo aanu dhawrjeer garaacnay uu qaban waayey, isla markaana ka soo jawaabi waayey fariin SMS-ka Mobilka aannu telefoonkiisa gacanta ugu dirnay, laakiin sida ilo lagu kalsoon yahay oo wasaaraddiisa u dhuundaloola xaqiijiyeen waxa wasiirku ku gacan-saydhay gunnooyinka loogu talogalay shaqaalaha kastamada oo UNDP qorshihiisa waday bilihii u dambeeyey.
Sababta Md. Cawil kaga boodday lacagta gunnada ah ee Qaramada Midoobay ugu talogashay shaqaalaha kastamada dalka si loo dardar-geliyo cashuur-ururinta, ayaan si cad loo ogayn, balse waxa la sheegay inay la xidhiidho qorshe arrintaas ku hoos jira oo UNDP ku doonayso inay ogaato dakhliga ka soo xarooda kastamada dalka si loogu saleeyo hawlaha horrumarinta dalka ee Qaramada Midoobay gacanta ka gaysato.
Tallaabadaas, ayaa la sheegay in Wasiir Cawil u arko mid lagaga hoos saarayo dakhliga guud ee dalka soo gala oo aanay jirin cid wakhtigan si cad u sheegi karta cadadkiisa iyo hannaanka loo isticmaalo midna.
Dhinaca kale, badi shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dawladda, ayaan wax mushaharooyin ah qaadan dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, kadib markii sida la sheegay uu yaraaday dakhligii dawladda u soo xeroon jiray.
Shaqaalaha dawladda oo aanay qaarkood wax mushahar ah u xaadirin muddo toddoba bilood ku dhow, ayaa sida ilo xogogaal ah tibaaxeen waxa uu ka dambeeyey dakhli-yaraan ku habsatay khasnadda dhexe ee dawladda oo la sheegay in ay hadda haawanayso.
Ilaa hadda si cad loomna oga asbaabaha keenay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale gaadho heer ay ku guuldarraysato bixinta shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala hay’adaha dawladda. Haseyeeshee, sida ilahaasi xuseen dakhli-yaraanta soo wajahday dawladda ayaa saamayn ku yeeshay xarunta Baanka Dhexe ee Somaliland oo la sheegay in uu haawanayo oo aan beryahan dakhli buuran ku soo xeroon, iyada oo maalmihii u dambeeyeyna xisbiga UDUB lacago xad dhaaf ah u qaybiyey dhalinyarada magaalada Hargeysa.
Xigasho/Jamhuuriya Online